
Cheif Caaqil ( Caaqilkii Caaqilada ) Oo Geeriyooday. - print
Date:Tuesday, March 16 @ 21:27:58 DAVT

Alla ha u naxariistee Chief Caaqil Maxamed Daahir Cabdi Qodax oo ka mid ahaa Cuqaasha waaweyn ee Gobolka Togdheer, isla markaana ka mid ahaa xubnaha Golaha Degaanka Degmada Burco, ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti.
Marxuumka oo si kedis ah xanuun dhinaca wadnaha ahi ku soo booday, ayaa hawl caafimaad loo geeyey magaalada Jumhuuriyadda Jabuuti kaas oo maanta ku geeriyooday magaaladaasi. Marxuumka ayaa maydkiisa diyaarad khaas ah lagaga soo qaadi doonaa magaalada Jabuuti. Halkaas oo la keeni doono magaalada Hargaysa isla caawa. Inshaa Allaah.
Guddi ayaa loo magacaabay qaban-qaabada aaska marxuumka oo la filayo in lagu aaso magaalada Burco iyo halkii uu ku dhashay ee uu madaxa dhigay.
Guddi ayaa loo magacaabay qaban-qaabada aaska marxuumka oo la filayo in lagu aaso magaalada Burco iyo halkii uu ku dhashay ee uu madaxa dhigay.
Alla ha u naxariistee Marxuum Maxamed Daahir Cabdi oo ka soo jeedii Caaqilkii Cuqaasha JSL Alle ha u naxariistee Farax cabdi Qodax ( Faarax Suusle ), ayaa ka mid ahaa cuqaasha magaca weyn ku lahaa JSL, gaara ahaan deegaankan Gobolka Togdheer, isla markaana ka soo qayb qaatay geeddi socodkii nabadda Somaliland, isaga oo kana mid ahaa mujaahidiintii waaweynaa iyo dhabarkii Ururkii SNM Gobolada Togdheer iyo Hawd.
Dhamaan Hawl-wadeenada Shabakadda Wararka ee Somalilandpatriots.com iyo Sxb-da Safka-hore JSL waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ehelahii, qaraabadii, iyo Qranka JSL ee uu ka geriyooday Marxuun Mujaahid Cheif Caaqil Maxamed Daahir Cabdi Qodax.
Illaahay sabair iyo iimaan ha inaga siiyo isagana janaddii fardoosa ha ka waraabiyo.
Tacsida Ku Socota Marxuun Maxamed Daahir .
Gudoomiyaha Golaha Degaanka Burco, Maxamud Axmed Xasan Dhegalaab, isaga oo ku hadlayay afka Xubnaha golaha degaanka Burco wuxuuTacsi udirayaa Marxuun Maxamed Daahir oo ka mid ahaa Xubnaha Degaanka Burco,oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargaysa,waxaanu leeyahay Samir iyo Iimaan, marxuubnkana Eebbe Jandii ha ka waraabiyo..Aamiin..Aamiin.
Dhambaallo Tacsi ah oo uu dirayo Urur-Siyaasadeedka UDHIS Guddoomiyaha Guddida Fulinta ee Urur Siyaasadeedka UDHIS Md. Maxamuud Aamin Cige, isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan Xubnaha Ururka iyo ka Taageerayaasha waxaa uu tacsi u dirayaa guud ahaan shacbiga Somaliland, isaga oo uga tacsiyadaynaya Geerida naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Chief Caaqil Maxamed Daahir Cabdi oo Maanta 16/03/2010 ku geeriyooday Magaalada Djibouti ee xarunta dalka Djibouti.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Marxuunku ka mid ahaa xubnihii doorka mihiimka ah ka soo qaatey Halgankii SNM, dib-u-heshiintii iyo Nabadayntii Beelaha Somaliland iyo dhismihii nidaamka Dawlad-nimo, waxanu Illaahay uga baryayaa inuu sabir iyo iimaan ka siiyo, Marxuumkana Jannadii Firdowza ka waraabiyo.
Aamiin...Aamiin....Aamiin.
INAALILAHI WAINAA ILEYHI RAJICUUN