Somaliland Patriots News

Milicsiga Buugga Diiwaanka Qosolka - print


Date:Sunday, June 21 @ 18:02:22 AST


Markii u horreysay ee aan arko buugga Diiwaanka Qosolku waxay ahayd 26/04/09, maalintaas oo annnaga oo koox ah aan ka soo qayb-galnay dabaal-deggii Naadiga Akhristayaasha Hargeysa.  By: Sahra Kiin Abdirhaman Ahmed





Markii u horreysay ee aan arko buugga Diiwaanka Qosolku waxay ahayd 26/04/09, maalintaas oo annnaga oo koox ah aan ka soo qayb-galnay dabaal-deggii Naadiga Akhristayaasha Hargeysa. Markii aanu hoolka weyn ee Hoodaale 1 ee Maansoor soo galnayba waxanu isha ku dhufanay iyadoo lagu buuqsan yahay miis yaallay dhinaca bidix. War baa ugu gaajo kulule waxanu xiisaynay in aan ogaano waxa meesha ka socda. Waanan ku baydhnay. Yaa salaam! Waa buug cusub oo qurux badan jaldigiisuna soo jiidasho leeyahay. Waxa ku xarddhan laba midab oo buluug iyo baarbal ah. Waxa far waaweyn ku qoran “Diiwaanka Qosolka” waxana ku sawiran dad fara badan oo wada qoslaya. Oday masrax taagan oo dadka qoslaya ka soo hor jeeda ayaa isagana waxa ku dul qoran hal-ku-dhegga “EESH QIYAASAK..!” Waxan u fahmay in laga wado Aw Xasan Sh. Cismaan.  Ammintaas aragtida buugga wax ka badan nooma ay suuro-gelin maadaama meesha ay xafladi ka socotay oo nalaga filayey in aanu fadhiisano.  

Ileyn xafladda waxa ku lammaanba bandhigga buugga! Dhallinyaro shan ka kooban ayaa guud mar macaan noogu sameeyey kuwaas oo dadkii madasha fadhiyey aad uga qosliyey qaarkoodna ay dibada ula baxeen qufac iyo hindhiso u raacday.  Waa xaggii Soomaalidee kooxda qosolka naga dhammaysay waxan ka xusuustaa Musaabaqo, Mustafe Khayre iyo Khaalid Qodax.  Haddii u magac bixi lay odhan lahaa waxan ku sunti lahaa “Habeenka Qosolka Adduunka” ileyn imika waa tan maalmihii la kala qaybsaday ee midba wax lagu sheegaye.  

Iyadoo weli bandhiggii buuggu socdo ayaan ku war helay dadkii agtayda fadhiyey oo kolba qof kacayo kii soo noqdaana uu sito nuqul Diiwaanka ah. “Miyaa la idin soo siiyey?” iyo “maya’e waanu soo iibsanay”.  Oo maxaa dadka iga reebaya. Aniguna midh baan soo iibsaday.

Maalmihii xigeyba aniga, asxaabtayda iyo dhallinyaro kale oo fara badani buugga dhammaantiis waanu akhrinay. Wuxuna noqday wax lagu hadal hayo goobaha dhallinyaradu isugu timaad. Laakiin markii aan dhammeynay baanu is nidhi maxaad isaga dhammayseen maad qosolka iyo farxadda yar-yaraysataan.  Qaar ka mid ah dadkii akhriyey waxay ii sheegeen in iyaguna ay dareenkaas oo kale qabeen. Nin macalin ah oo aan u dhiibay ayaa ii sheegay in uu dugsiga u qaatay. Kadibna mar uu ardayda laylis u diray ayuu is yidhi inta ay ka shaqaynayaan adiguna buuggan akhri. Dabadeedna isaga oo ismoog ayuu qosol weyn ku dhuftay. Ardaydii baa yaabtay oo iyaguna inta ay layliskii faraha ka qaadeen qosol kaga wada kacay oo dhinicii macalinka soo eegay. Buuggii inta uu dhakhso u laabay ayuu ku idhi “Aamusa. Miyaanan layli idiin dirin maxaad ku qoslaysaan”. Ardaydii baa iyaguna dhinacooga yaabay oo yidhi “tolow macalinku miyuu istaadhay”. Markaa waxa iga dardaaran ah haddii aad aragtaan qof keligii iska qoslaya, inta aydaan ku darin liiska dadka waashay, gacantiisa ka hubiya in uu sito buuggii ka-qosliyiha ahaa ee Diiwaanka Qosolka. Waa buug cajiib ah. Haddii lay weydiin lahaa magac u soo bixi, waxan odhan lahaa “MURUGO-LA-DIRIR.”   

Sidaan kor ku soo sheegay buuggani wuu cusub yahay oo 2009 ayuu soo baxay. Waxa qoray Jamaal Cali Xuseen oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah oo muddo dheer qurbaawi ahaa haatana deggan Ivory Coast- Galbeedka Afrika. Dhexdiisa waxa ku yaala sheekooyin 137 ah oo qaar gaagaaban iyo kuwo dhaadheerba leh, oo maad iyo murtiba leh, oo dhinacyo badan oo kala duwan taabanaya- hadday tahay dhinaca reer miyiga, magaalada, qurbaha, haweenka… kuwaas oo meel kuu buuxinaya sidii maahmaahaha aad u adeegsan karayso. Waxa kuu muuqanaysa in qoraalka buugga ay hawl badan la galiyey oo daraasad dheer dabadeed la qoray. Sababtoo ah sheekooyinka uu xambaarsan yahay ee 137-ka ahi waxay ka dhaceen waddamo iyo gobolo kala duwan, waxay ku dhaceen dad kala duwan waxayna u dhaceen siyaabo kala duwan. Marka aad dhammeyso sheeko kasta waxa ku hoos qoran- Habsami Adeegsiga Sheekada. 

Qoraagu buugga wuxu u kala qaybiyey shan qaybood oo kala ah:

  1. Sheekooyin qosol iyo mahadhooyin
  2. Sheekooyin murti-suugaaneed oo qosol leh
  3. Sheekooyinka qosolka leh iyo haweenka soomaaliyeed
  4. Sheekooyinkii qosolka lahaa ee Aw Xasan Sheekh Cismaan Nuur
  5. Sheekooyinka qosolka leh ee qurbojoogga iyo saaxiibbadooda qalaad
Shantaas qaybood ma kala dhacaan oo suugaan, murti, aqoon iyo waayo-aragnimo xeel dheerba waad ka baranaysaa. Waxa xiise badan ku gelinaya sheekooyinka qurba-joogga, kuwa haweenka iyo, yaa salaam, 20ka sheeko ee qosolka iyo murtida badan ee laga soo weriyey Alle ha u naxariistee Aw Xasan Sheekh Cismaan Nuur oo reer Burco ah aabihiina ahaa sheekhul-baladka magaalada Burco. Noloshiisa iyo sheekooyinkiisa ayaaba runtii u qalma in sidooda buug looga qoro.  

Runtii waxaan odhan karaa Diiwaanka Qosolku waxa uu soo baxay xili baahi badan loo qabo qosolka, murtida, suugaanta, iyo farxadaba. Inta ogaalkayga ahna hore looguma arga buug caynkan ah dhulka Soomaalidu degto. Sida uu Hadraawi sheegayna waxaaba fiicnaan lahayd in loo turjumo bulshooyinka kale sida reer Galbeedka. Jamaal Cali Xuseen oo isaga qudhiisu ah hal-abuur hibo u leh ka-qoslinta waxan leeyahay shaqo wanaagsan oo cuus oo aan cid kale qabateen baad qabataye Ilaahay ha kaa jasaa’i siiyo. Dhammaan bulshadeenana waxan ku dhiiri-gelin lahaa in ay akhriyaan oo ka bogtaan.

Qalinkii: Sahra Kiin Abdirhaman Ahmed
Freelance journalist
Sahra873@hotmail.com
Hargeisa, Somaliland

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-8176-0