Somaliland Patriots News

Sanad Guuradii Koowaad ee Geeridii Mj. Xassan Y. Habane oo Dalka lagu qabtay. - print


Date:Wednesday, November 28 @ 16:59:16 AST


Qaar ka mid ah Xildhibaanada Goleyaasha wakiilada iyo guurtida iyo   Mujaahidinta  ururkii SNM ayaa maanta ka qayb galay Xuska sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtey Geeridii alle ha u naxariistee Mujaahid marxuun: XASAN YOONIS HABANE oo lagu qabtey xabaalaha qaranka ee magaalada hargeysa






Sanad Guuradii Koowaad ee Xuska Mujaahidkii weynaa Ilaahay ha u naxariistee Xassan Yoonis Habane oo Maanta Lagu Qabtay Dalka gudahiisa.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Goleyaasha Wakiilada iyo Guurtida iyo   Mujaahidinta ururkii SNM ayaa maanta ka qayb galay xuska sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtey Geeridii Alle ha u naxariistee Mujaahid marxuum XASAN YOONIS HABANE oo lagu qabtey Xabaalaha Qaranka ee Magaalada Hargeysa. Xuskan oo ku beegnaa maalintii shalay oo bishu ay ahayd 27/11/2007, oo saaka lagu qabtey  waxa ka soo qayb galay xildhibaano ka tirsan labada Gole Baarlamaanka, Guurtida, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Mujaahidiintii ururkii SNM. 
   

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaayo). Waxaanu Gudoomiyuhu ka waramay taariikhdii uu ku lahaaa Marxuun Xasan Yoonis Habane ee halgankii dib u xoreynta xiligii uu dagaalku socday iyo taariikhdii dheeraayd ee uu ku lahaa wakhtigii dib u dhiska dalka Gaar ahaan asaaskii ciidamada qaranka JSL isagoo Gudoomiyuhu sheegey inuu marxuunku muddo sadex goor ah uu noqday taliyaha guud ee ciidanka qaranka JSL.

  Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xildhibaan Axmed Cali Haybe iyo Axmed Maxamed Diiriye ( nacnac). Waxaanu sheegey inuu ahaa Mj. Xasan Yoonis Habane nin ay wadaniyadi ku dheehan tahay oo leh dal jeceyl markasta jecel inuu dalkiisa iyo dadkiisaba wax u qabto. Waxaanay Ilaahay uga baryeen inuu naxariistii jano ka waraabiyo. Geesta kale waxa iyaguna ka hadlay halkaas Mj. Muse Biixi Cabdi iyo Maxamed Xasan Jidhif oo ka mid ahaa hogaankii sare ee SNM iyagoo ka waramay taariikh halgameedkii Marxuum Mj. Xasan Yoonis Habane. Waxaanay sheegeen inuu ahaa nin miisaan culus ku lahaa halgankii SNM iyo dib u dhiskii Qaranka JSL iyaga oo tilmaamay inuu ahaa taliyihii ugu horeeyey ee asaaska ciidanka qaranka oo uu dalkeenu yeesho. Waxaanay Xuseen Marxuun Xasan Yoonis Habane inuu ahaa nin wax weyn ka bedelay awoodii iyo tayadii ee ciidan ee ururkii SNM markii uu ku soo biiray sanadkii 1983kii. Maxamed Xasan Yoonis oo ah wiil uu dhalay Alle ha u naxariistee Mj. Xasan Yoonis Habane ayaa maalintii shalay qabrigiisa ka sameeyey taalo lagu xasuusto.   
   
   
  Wariye Mohamed Mussa-Inji
  Hargeysa/Somaliland 
   Safka-hore.com







This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-4352-0