Somaliland Patriots News

Xuskii 21aad Geeridii Xaaj Adan-Afqalooc ( AHUNAX ). Qbt. 1aad & 2aad. - print


Date:Thursday, July 05 @ 16:48:58 AST


Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqalooc). Waxa uu ka mid ahaa Halgamayaashi British Somaliland ( Jumhuuriyadda Somaliland ama Gobolkii Waqooyi ee Republic of Somalia ) iyo Guud ahaanba Somaaliweyn  ee uu sida weyn ugu soo dagaalamay xoriyada dhulkeena isla markana sida weyn ula diriray gumaystayaasha.


Waxana uu naf iyo maalba u huray sidii guumaystaha Ingiriiska Somaliland looga saari laha Xaaji Aadan waxa uu ah halgama ,waxa uu ah geesi  aan gaban, deeqsi aan tashiilan,  Aftahan hibo eebe u siyay suugaan, dhulal badan kula dagaalamay Gumaystaha Ingirsiika waxa kale oo Xaaji Aadan Afqalooc aha Macalin diimeed dhulal badan baray diinta Islaamka waxa kale oo Xaaji Aadan Afqalooc lagu xasuusan doona Aftahanimadiisi iyo Suugaantiis Dahabka ahayad ee sida hagar la’aanta ah ee aan baaqashada lahayn  uu gumaystahay ugula dagaalamaya afkiisa. Dhamaan astaamahan aynu kor kusoo xusnay iyago faahfaahsan waxaynu ku arki doona marka aynu gudo galano taariiikhda iyo maalmihii nolashiisa Xaaji Aadan  Afqalooc.

Sidoo kale Xaaji Aadan Afqalooc waxa uu ah Dhulmareen booqday mudadiid uu noola Wadamo badan oo ku yaala Dunida waxana uu booqday Xaajigu Dalalka Yemen, Sudan, Masar, Eritrea, Palestine, Syria, Iran, France, India, Jasiiradaha Java , Indonesia, Pakistan, iyo Wadamo kale oo badan waxana xiligan uu xaajigu dhulalkan maray ahayad mudooyinkii u dhexeyay 1864 ilaa 1943 wakhtigan waxa aad u adka Safarada wadamada loogu kala goosho waxa uu Xaaji Aadan dib ugu soo laabatay Dalkiisa hooyo Sanadkii 1943 Xaaji Aadan waxa uu aad u taageri jiray in qofku inta uu nool yahay aanu meel uun aanu fadhiyin ee uu Socdo si uu nolosha dunida wax uga barto Somaliduna waxay ku maahmaahda “ Niman Dhul arkini dhaayo ma le”  Xaaji Aadan Afqalooc isagoo Suugaantiisa ku muujinaya in dadku socdaan oo fadhugu aanu wanaagsanayn  waxa uu ku yidhi Gabay uu Dadka Somalida kula Dar daarmayaye.


Fakhriga Aabihiis waa fadhiye aad u camal yeesha Adigoon indho la’ayn wakhtiga meel ha ku idlaynin Ergo dira dhulkoo Idil marto oo afyo liisan leh.


Hadaba Maaqalkan waxaynu ku eegi doona wixii aynu ka gaadhno Taariikhdii iyo Suugaantii Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc inago ku xusi doona dadkan ku xasuusin doona Sanad guuradi 21aad ee ka soo wareegtay xiligi uu Xaaji Aadan Geeryooday ilaahay Naxariisti jano ha ka waraabiye .

Xaaji Aadan Afqalooc alle ha u naxariiste waxa uu ku geeryooday 5 July 1986 Magaaladda Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag Xaajigu waxa uu ah nin ilaahay cimri dheer siyay isla markaan intuu noola la kulmay Masiiboyin iyo Mahlakooyin badan balse nasiib wanaag ilaahay ay ka samato bixiyay waxana uu ah nin Nasiib badan.

Qormadan waxaan ku eegi doona qaar kamid ah Taariikhdii Xaajiga iyo masiibooyinkii soo maray mudadii dheerayad ee uu noola 

Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqalooc) waxa uu ku dhashay miyiga magaaladda Ceerigabo meesha loo yaqaano Haldhagan ee Toga Mariishan sanadkii 1850 (Sida loo malaynayo waa taariikhida uu dhashay Xaajigu) Xaajigu waxa uu ku geeryooda ku dhawaad 136 Sano jir.


Mahlakooyinkii soo Maray Nolosha Xaajiga   

N.B Taariikhda Xaajiga qayb kamid ah waxaanu ka soo xiganay Barnaamij Radio Muqdisho ka diyaariyay markuu Geeryooday Sanadkii 1986 .

Xaaji Aadan isagoo Afar sano jir aha ayaa Libaax ka qaatay Hooyadi iyo Aabihi markii Libaaxi sitay dhawr daqiido ayuu dhigay meel cidlo ah iskagana tegay isagoon cunin markii Xaajigu labo maalmood yaalay kob cidlo ah  maalintii danbe ayaa adhi meesha ku soo foofay ka diday wiilka yar ee meesha yaala  waxana markaas Xaaji Aadan soo qaaday gabadhi adhiga la joogtay kadiban waa la baantay oo la daweeyay Xaajiga, marki mudo Saddex bilood ah la hayay ayaa shir laga baafiyay Xaajiga loona keenaya reerkoodi oo ka quustay una haystay in Libaaxi cunay.

Shan Sano kadib ayaa hadan Xaajiga mar kale Reer koodu geeri ku tiriyeen markii isagoo Sagaal (9) Sano jir ah oo Adhi la jooga Xeebta Maydh uu loox weyn oo uu ka helay  Xeebta inta uu fuulay  u bada galay oo Mawjadah iyo Moolka badu ay jiiten waxan uu bada dhexdeeda ku dhaxay habeen kadib intaanay helin Saddex Doomood oo ay wateen Dad ah Danaakiil, Suuriyaan iyo Suudaniyiin  doonyahayn oo Xeebaha Somaliland ka guranayay Kaluun, Luul iyo wax yaabo kale ayaa helay Xaajiga kadibna way qaaten waxanay haysteen mudo 6 bilood ah oo ay ugu adeeganaayen sidii qof ay iibsadeen kadib markii doonyihi dhameysteen hawshoodi ayaa si ay cunto iyo waxyaabe kale uga sii qaatan xeebta yimaaden tuulo la yidhaahdo Waqdara oo u dhaxaysa Maydh iyo Laas-qoray  nin tuulada joogay oo reer laas-qoray ah laguna Magaacabi jiray Cali Gaacir ayaa aqoonsaday in wiilka yare e Nimanka Ajaanabiga ah doonta u saran inu yahay Soomaali kadiban Cali Gaacir ayaa Galka seefta kala baxay oo nimankii ku yidhi “ Hadii aydaan iska soo rogini wiilkan dhamaantin dhagta ayaan dhiiga idin daraya”  markii ay nimankii cabsadeen ayay iska soo rogeen Xaaji Aadan Afqalooc  waxan Xaajiga kaxaystay Cali Gaacir oo la tegay gurigiisi  mudo kadib ayaa Xaaji Aadan Habar yartii ayaa waxay ku soo baxday Xaaji Aadan oo caruur la ciyaaray  kadiban way ku barooratay  lakiin Cali Gaacir oo ah ninkii doonta kala soo degay aya u diiday oo sheegay in la siiyo magtiisi hadi kale aanu bixinaynin hase yeeshe xeerbegtidi dhulkaas ayaa go’aamisay in xaajiga lagu soo furto 10 Ishin ah sidaasuna mar labaad ugu soo laabtay guridoodi isago bad qaba.

Shan Sano kadib Sanadkii 1864 ayuu mar saddexada Xaajiga Mahlako soo afsaartay markii uu dooni siday adhi iyo Dhuxul…

La Soco Qayb kale oo Xiiso badan ………..

Qaybti 2'aad Tariikhda Xaaji Aadan Afqalooc
Shan Sano kadib Sanadkii 1864 ayuu mar saddexada Xaajiga Mahlako soo afsaartay markii uu dooni siday adhi iyo Dhuxul ka raacay xeebta Sanaag isagoo ku sii jeeda Dalka Yemen Magaaladda Cadan lakiin markii doonti bad weynta marayso ayay badi ku kacday doontiina Dakhalkii u jabay oo ay degtay waxan doonti ka bad baday Xaaji Aadan iyo dhawr qof oo kale waxana marki danbe helay oo bad badiyay markab kadibna markabkii aya dhamaantood geeyay Magaaladda Cadan halkaas oo markii xaajigu joogay mudo 7 maalmood ah Dalka Yeman ayuu goostay in uu usii gudbo bariga fog waxana uu ku dhuuntay Markab u socday dalka Hindiya markii xaajigu ku jiray khananka hoose mudo 2 cisho ah ayuu kor u soo baxay kadibna shaqaalihi markaba ayaa mooday in Jini bada uga soo baxay waanay kala yaaceen, markay hubsadeen in uu qof caadiya yahay ayay kaxeeyen waxaana uu kabtanakii Marabka oo u dhashay dalka Ingiriisku u dhiibay booliska dalka Hindiya waxan halkaas lagu xidhay Xaaji Aadan markii uu jeelka Hindiya ku jiray mudo labo bilood ah ayaa loo so masaafuriyay dalka Yemen halkaas oo hadan bil lagu xidhay intii aan dib loogu soo masaafurin dalkiisi halkaas oo u dib ugu soo noqday noloshii baadiyaha, Sanadkii 1879 ayuu Xaajigu dib ugu dhoofay Cadan halkaas oo uu macaariif tiro badan ku yeeshay waxan halkaas ka bilaaben Xaajiga iyo rag kale oo asxaabtiisa ahi ganacsi Xaaji Aadan waxa uu shaqo ka helay dooni uu laha nin Soomaaliya waxan uu fursad u helay xiligaas inu tago Maarsooyinka Somaliya, Khaliijka, Shaam iyo qaar kamid ah Magaalooyin xeebedka Afkrika. Markii u ka lacagaystay doonidi ayuu isaga hadhay waxana uu ganacsi ka bilaabay Magaaladda Sanca halkaas oo u ku guursaday labo dumar ah sanadkii 1880 ayaa wiil uu dhalay xaajigu oo wax ka baranayay Dalka Masar ayaa halkaasi ku geeryoday kadibna xaajigu waxa u safar ku tagay Dalka Masar waxana uu hadan dib ugu soo laabatay ganacsigiisi Sanca Sanado yar kadib ayaa Guumaystihii Ingiriisku xaajiga Aadan ku xukumay dil  By Siciid Maxamed Xaaji Cismaan Cimsaan20@hotmail.com Burao Somaliland  

By Siciid Maxamed Xaaji Cismaan
Cimsaan20@hotmail.com
Burao Somaliland
Mob: 252-2-4439721 


This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-3389-0