Somaliland Patriots News

Guulaystaal Lagu Abaal Mariyay Waxbarashada Diinta Islaamka. - print


Date:Thursday, August 10 @ 21:03:52 UTC


Arday ka qalin jebisay Macaahidda Daaru-Al-Quraan ee Magaalada Hargeysa ayaa maanta la guddoonsiiyey abaal marino kala duwan.








Munaasibada ardaydan lagu abaal marinayey oo ka qabsoontay laanta sadexaad ee macaahida Daarul Quraan ayaa abaal marino lagu gudoonsiiyey arday dhamaysatay barashada shareecada islaamka, xifdiga quraanka kariimka ah iyo ardaydii ugu akhlaaqda wanaagsanady. Munaasibadan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay ayaa waxa ka qayb galay badhasaabka Gobolka Saraar, Maamulaha Guud ee Macaahidda Daaru-Al-Qur'aan, Culimaau'diin, Abwaano, Mas'uuliyiin, Waalidiin, Macalimiinta Macaahidda iyo Marti-sharaf kale oo qiimo badan.
Maamulaha guud ee macaahid Daaru-Al-Qur'aan Md. Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo ka hadlay munaasabaddan ayaa ka war bixiyey muddadii ay jireen Macaahidda Daaru-Al-Qur'aan iyo ardayda ka qalin jebinaya maanta “Macaahidda Daaru-Al -Qur'aan waa sanadkii 19aad ee ay furan tahay sanadka dambana 20ka ayaa u buuxsamaya, wakhtigii aanu furnay waxay ahayd sanadkii 1998kii, waalidkii iigu horeeyey ee ii yimidna


ilaa maanta wuu i hor fadhiyaa oo waxa dhigta qaar ka mid ah caruurtiisa, waana macaahiddii ugu horaysay ee aynu dalka ku bilawnay nidaamka cusub ee lagu xifdiyo Quraanka Kariimka ah, Illaahayna waa inoo barakeeyey, madaaris badanina way ka farcameen, anigana farxad weyn ayey ii tahay, ardayda Mcaahida Daaru-Al-Quraan ka xifdiday Quraanka Kariimka ah waxay kor u dhaafeen 1,000 ( kun ) Arday, ardayda ka baxday Macaahidda Daaru-Al-Qur'aan qaarkood shahaadooyinka ugu saraysa ee PHD ayey wataan, qaarkood waa macalimiin, qaarna waa maamulayaal”.

Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey, “Daaru-Al-Quraan waxay ka kooban tahay sadex qaybood marka la eego tacliinta aanu dhigno, xagga laamahana waxay ka kooban tahay afar, xagga tacliinta waxay u qaybsantaa qaybta xifdiga quraanka, qaybta shareecada oo aanu ugu talo galnay in ardayda dhammaysta xifdiga quraanku ay bartaan shareecada xagga diinta oo ay ku qaataan shahaadada 'Diploma',  qaybina waa iskuul la yidhaado Horseed, kaas oo ka kooban sadex laamood oo magaalada ku kala yaala.”


Sidaas oo kale Sheekh Maxamed Aadan ayaa ardayda iyo waaliidiintoodaba kula dardaarmay in ay ku dedaalaan xifdiga Quraanka Kariimka ah iyo barashada culuumta diinta islaamka. Sidaas oo kale waxa munaasabaddan ka hadlay Sheekh Maxamed Cali Biixi, kaas oo ka waramay waayihii kala duwanaa ee lala soo maray xifdiga Quraanka Kariimka ah, waxaanu Sheekh Maxamed Aadan Ku ammaanay heerka uu soo gaadhsiiyey Macaahidda Daaru-Al-Quraan.


Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Jumhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Maareeyaha Telefishanka Qaranka Md. Khadar Maxamed Cakule, Waalidiin iyo Marti-sharaf kale, kuwaas oo dhamaantood ka waramay muhiimadda ay leedahay in caruurta lagu barbaariyo xifdiga Quraanka Kariimka iyo culuumta diinta islaamka, waxaanay u mahad celiyeen maamulka guud iyo macalimiinta Macaahidda Daaru-Al-Qur'aan iyo heerka ay soo gaadhsiiyeen xifdiga Quraanka Kariimka ah.

Ugu dambayn Badhasaabka Gobolka Saraar Md. Cali Maxamed Faarax oo ka hadlay munaasabadan ayaa maamulka iyo macalimiinta Macaahidda Daaru-Al-Quraan ku ammaanay heerka ay soo gaadhsiiyeen xifdiga Quraanka Kariimka iyo Barashada Shareecada Islaamka.


Waxaanu ku booriyey in ay dedaalka halkaas ka sii wadaan, isaga oo si gaar ah u xusay in ubadkiisa oo ka mid ah ardayda mac-hadku ay tarbiyad fiican iyo aqoon diineedba ka heleen macaahida Daaru-Al-Quraan.

SL Media
 

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15742-0