Somaliland Patriots News

Doorashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka JSL. - print


Date:Sunday, August 06 @ 14:28:37 UTC


http://waaheen.com/wp-content/uploads/2015/09/Baashe.jpghttp://i0.wp.com/www.gabileynewsonline.com/wp-content/uploads/2015/12/golaha-11.jpg?resize=459%2C344Mudanayaasha Golaha Wakiilada JSL ayaa doortay guddoomiye cusub ka dib tartan lagu kala baxay hal cod.








http://waaheen.com/wp-content/uploads/2015/09/Baashe.jpgMudanayaasha Golaha Wakiilada Jumhuuriyadda Somaliland ayaa maanta doortay gudoomiye cusub oo uu golahaasu yeesho.

Kursiga Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo uu hore isaga casilay Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi - Cirro, Murashaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Waddani ayaa waxa uu tartan xoogani ku dhex maray Md. Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, iyaga oo mudanayaasha golahana ka hor jeediyey khudbado la xidhiidha qaabka ay u hogaamin doonaan golaha.

Mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey in Md. Baashe Maxamed Faarax uu noqdo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyada oo ay u codeeyeen 39 xubnood, halka Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ay u codeeyeen 38 xubnood oo xildhibaanada golaha ka tirsan.

SL Media.  https://www.youtube.com/watch?v=c-5hlAUVBnw


This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15741-0