Somaliland Patriots News

Xukuumadda JSL Oo Ergay Gaar Ah U Magacawday Wada-hadalada DF-da Somalia. - print


Date:Wednesday, July 26 @ 12:21:29 UTC


http://caynabanews.com/uploads/article/photo/IMG_1F9258-73F5CE-E59107-F1F870-652331-B373AC.pnghttp://l7.alamy.com/zooms/62812ba9cc934ec38e3da56d03243431/edna-adan-ismael-foreign-minister-of-somaliland-bmtjag.jpgMadaxweynaha JSL ayaa Marwo Drs. Edna Aadan u magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Wada-hadallada JSL iyo DF-da Somalia.







https://s-media-cache-ak0.pinimg.com/originals/8f/2f/11/8f2f11ac31cd228e3466604878590ce3.jpg


http://ednahospital.org/fgm/wp-content/uploads/2010/09/edna-adan-lyndon-johnson.jpgMadaxweynaha J. Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Ergayga Gaarka ah ee JSL u qaabbilsanaan doona wada-hadallada Dawladda Federaalka Somaaliya u magacaabay Marwo Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo Xukuumaddii Daahir Rayaale ka ahaan jirtay  Wasiirkii Aarrimaha Dibedda.

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada JSL islmarkaasna xambaarsanaa Digreetada Madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay Ergeyga Wada-hadallada Somaliya lagula jiro u qaabbilsanaan doona JSL.


Waxaanna siddaas lagu sheegay Warsaxaafaddeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Md. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), oo  ka soo baxay Xarunta aqalka Madaxtooyadda JSL. Kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta caalamiga ah. Waxaanu dhignaa sidan soo socota:

http://ednahospitalfoundation.org/wp-content/uploads/2014/10/cgi-bill-clinton-meets-edna-adan-e1416604504631.jpg
- Madaxweynuhu
markii uu arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.


- Markii
uu ku qancay: Mudnaanta uu Qaranka u leeyahay Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya; Markuu Arkay: Ahmiyadda ay leedahay in Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysaa taban-taabiso wada-hadalka u dhexeeya labada dal;


- Markii
uu Tixgeliyey: Baahida loo qabo mas’uul aqoon u leh xidhiidhka Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysa. Markuu Arkay: Qoraalka soo jeedinta ah ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.


- Markii Uu Ku Qancay: In ay leedahay waaya-aragnimada, aqoonta iyo kartida looga baahan yahay mas’uulka xilkan gudan kara;


http://ednahospital.org/fgm/wp-content/uploads/2010/09/4-hillary-clinton-edna-adan.jpg- Wuxuu go’aansaday; In Marwo, Edna Aadan Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda 24. 07. 2017 ay ahaato Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya, waxaanay la shaqayn doontaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.”

Afhayeenka Madaxtooyada JSL.

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15737-0