Somaliland Patriots News

Dhoofkii Xoolihii Somaliland Oo Uu Sacuudigu Dhinaciisa Fasaxay.. - print


Date:Tuesday, July 18 @ 12:29:13 UTC


Related imageThank God GIF - Thankgod Robertdowneyjr Facepalm GIFsDhoofintii xoolaha Somaliland ee wadanka Sacuudiga oo ka mid ahaa laf-dhabarka dhaqaalaha JSL ayaa si dhakhsiyo ah u bilaabmi doona. Waxa kale oo la sheegayaa in Passport ka JSL sanadkan xajka lagu tagi karo.








Wasiirka Wasaarada Xanaanaha Xoolaha JSL, mudane Cabdilahi Dahir Cukuse, ayaa ku dhawaaqay in sayladiii ugu weyneyd ee xoolaha Somaliland loo iibgeyn jiray la furay. Wasiir Cukuse waxa uu sheegay in sanadkan xoolaha loo qaadanayo xajka ay ka mid noqon doonaan kuwa Somaliland.

Waxa jirtay in dawladu Sacuudigu ay dhowaan xayiraad kusoo rogtay xoolahii uga iman jiray dekeda Berbera iyo kuwa kale ee ka yimaada Somalia iyadoo sobob uga dhigtay arrin caafimaad.

Laakiin dadka intiisa badani waxa ay aaminsanyihiin in sobobtaasu aanay macquul aheyn ee ay jiraan sobobo kale iyo siyaasado kale oo lagu wiiqayo dhaqaalaha JSL. Shakigaa waxa keenay iyadaoo la wada ogsoonyahay in xoolihii Somaliland iyo kuwii kale ee Somaliduba aanay gabi ahaanba ka joogsan dhoofitaanka dalka Sacuudiga. Waxa laga warqabaa in xoolihii somalidu ay si toos ah uga dhoofaan wadanka Djibouti oo marar badan isku dayey in uu noqdo meesha kaliya ee xoolaha Somalida Sacuudiga looga dhoofiyo.

Wasiir Cukuse waxa kale oo uu sheegay in dhoofitaanka xooluhu  wax badan ka tari doono sicir bararka faraha baas ku haya ee sida xun u saameeyey shacabka Somaliland.

Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in sanadkan ay suura gal tahay in passport ka JSL lagu tagi karo xajka iyadoo talaabadaasina noqon doonto guul usoo hoyotay JSL, cadowgeeduna ku farxi doonin

Si kastaba ha ahaatee reer Somaliland waxa la gudboon in ay ka tashadaan suuq kaliya oo ay xoolaheenu yeesheen. Waa in la baadi doonaa suuqyow kale, oo lala yimaadaa hab kale oo hilibka xoolaheena loo gaadhsiin lahaa aduunyada.

Hoos ka daawo Wasiir cukuse oo sheegaya in xayiraadii xoolaha Somaliland laga qaaday:
greenhttps://www.youtube.com/watch?v=RNOIAr5YlNY

Sxb-da Safka-hore JSL.

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15734-0