Somaliland Patriots News

JSL Oo Dunida U Kala Dirtay Fariin Dadban Oo Dhinaca Wada-Shaqaynta Tooska Ah. - print


Date:Wednesday, July 05 @ 22:38:42 UTC


https://i.ytimg.com/vi/qb0MCMYzQ9I/maxresdefault.jpghttp://footage.framepool.com/shotimg/qf/392732177-world-map-botanic-globalization-respect.jpgWasiirka Arrmaha Dibadda Jumhuuriyadda Somaliland ayaa Warqad DiblooMaasiyadeed u kala diray dunidda cusub.








http://www.somalilandsun.com/images/Sept_/President_Silanyo_inset_reshuffles_Somaliland_government_officials_through_executive_order_from_the_presidency_in_Hargeisa.jpgWasiirka Arrimaha Dibadda Jumhuuriyadda Somaliland Md. Dr. Sacad Cali Shire, ayaa fariin dadban ( Warqad Diblamaasiyaddeed ) oo uu dunida iyo maalgashadayaasha caalamka ugu  talo galay una kala diray una ban-dhigay taariikhda iyo qaranimada ay Jumhuuriyadda Somaliland 26ka sanno ee ilaa iyo markii ay Somalia kala noqdeen ka dib  madax-banaanideedii ay 1960kii kula shuraakowday Somalia ay hadda ku naa loonaysay Somaliland, isaga oo sidaas oo kale kala hadlay Beelsha Caalamka iyo Maalgashadayaasha Dunidu sida loogu baahan yahay in ay kala saaraan oo aanay isku khaldin deggan ee ay nabaddu taalo ee J. Somaliland iyo dalka gubanaaya ee colaadaha sokeeye iyo kuwa argagixisadu naafeeyeen ee Somalia. Waxa uu ka dalbaday isaga oo si gaar ah hoosta uga xariiqay  in ay caalamku si fiican u kala gartaan labadan dal oo aan la isku khaldin J. Somaliland iyo Df-da Somala. Sidaas oo kale dhinaca maalgashigashigu uu furan yahay laguna xidhin aqoonsi la’aanta aan jirin ee aanay wali aqoon-ku-sheeg caalami ah helin qaran ahaan Somaliland.

Warqadda uu Wasiir Sacad Cali Shire Beelsha Caalamka iyo maal-gashadayaasha dunidda ugu bandhigay taariikhda J. Somaliland iyo fursaddaha maalgashi ee ay tahay inay dunidu ka faa’iidaysato. 

Waxa soo turjumay Wargeyska Saxansaxo oo ka soo xigtay Wargeyska FINANCIAL-TIMES. Waxanay u dhignayd sidan:-


"Jumhuuriyadda Somaliland taariikhdeedu waa mid aanay umadda badan oo maalgashadayaasha dunida ahi aanay aqoon u lahayn. Waxa had iyo jeerna nalagu khaldaa Dawladda Jaarkayaga ee ay colaaduhu aafeeyeen ( Federal Somalia ). Kuwaas oo aanu  soo kala noqonay ka dib is-dhexyaacii Somaliwen doonka ee fashilmay.

Madaxbanaanidii J. Somaliland iyo Df-da Somalia waxa hadda ka soo wareegtay 26 sannadood laga soo bilaabo 1991kii, ka dib sannaddo badan oo qalalaase lagu hoobtay uu na dhex maray maamulkii afgembiga millatary wax ku qabsaday ee uu madaxa ka ahaan jiray keli talaiyihii Maxamed Siyaad Bare.
 
https://johninsomaliland.files.wordpress.com/2011/08/britishsomalilandmap.jpgFarqiga u dhexeeya J. Somaliland iyo Df-da Somalia waxa uu yahay. J. Somaliland waa dal aad u xasiloon oo dumquraadi ah, waxaanu haysanaa dawlad dhamaystiran oo shaqaysa oo nidaam Madaxweyne ah, oo si joogto ah doorasho xor iyo xalaal ah ku timaada, lacag qaran leh, oo ah ( Somaliland Shillings ), nidaam caddaalad iyo garsoor madaxbanaan leh iyo dastuur damaanad qaaday ku dhaqanka sharciyadda dalka.

J. Somaliland waxay leedahay bulsho iyo dhalinyar aad u firfircoon, kuwaas oo 70% ah dad da'doodu 30 sano jir ka yar , kuwaasi oo heer aqooneed oo fiican leh, waxaana jira dugsiyo iyo jaamacaddo tiro badan oo kuwo dawladdeed iyo kuwo gaar loo leeyahay ba ah, soona saara kumanaan aqoonyahan oo shaqaale fiican noqonda oo ka soo qalinjabiya.

J. Somaliland waxay boggaga caalamiga ah ganacsiga soo jiidatay dhawaan iyada oo ay ugu wacnayd heshiiskii maalgashiga aduunka $442m ku kacaayey ee Shirkadda DP World ay Maarsadda Berbera ku casriyeynayso oo noqday maalgelintii Taariikhda J.Somaliland ahaan ugu waynaa, kaasi oo ka dhigi doona Magaalo-xeebeedka Berbera mid dib u horo-u-marin iyo ku xidhista mandaqada iyo maraakiibta kala duwan ee ganacsiga mandaqada geeska ka dhigi doona. Dekadda Berbera waxay noqon doonta ( Marka ay DP World dhamaystirto dhismaheeda) mid u adeegta oo isku xidhi doonta dalalka aan baddaha lahayn ee Qaaraddaha Yurub, Aasiya, Afrika iyo Meelo Bariga Dhexe ka mid tahay ku yaala iyada oo J. Somaliland ka dhigi doonta gaadhsiina doonta in ay noqoto Al-baab laga galo Bariga Afrika iyo gaar ahaan Qaaradda Inteeda kale.

http://slideplayer.com/slide/4132865/13/images/2/The+Study+of+International+Relations.jpgShirkadda DP World waxay ku soo biiray tiro soo kordhaysa oo Shirkado badan oo dalal kala duwan laga leeyahay, kuwaas oo u arkay in ay J. Somaliland tahay goob aamin iyo deganaasho ka hirgalay oo looga gudbi karo suuqyada ganacsiga ee  Bariga Afrika kuwaas oo ay ka mid yihiin Shirkadda COCA-COLA oo xidhiidh iskaashi la leh shirkad wadani ah oo ganacsi oo maalgashi sharaab oo $17 Milyan oo dollar ka maalgelisay Hargeysa nawaaxigeeda shaqaalaysiisay in ka badan 100 qof oo muwaadiniin Reer Somaliland ah, waxaana jira duulimaadyo diyaaraddeed oo maalin kasta u kala gudba Hargeysa iyo Adisababa, kuwaas oo keenay in ay dad ganacsato ah dunida dacaladeeda  J. Somaliland uga keenaan. Huteeladda Raaxadda ee Magaaladda Hargeysa ku yaala, ayaa si xawli ah u noqonaaya kuwo ay mashquuliyaan maalgashatada ku soo degaa, iyaga oo eeganaaya fursaddaha waaxaha baahida wayni ka jirto ee maalgashiga ee ahmiyadda u yeelan kara in ay kobcaan sida Badeecaddaha, Kaluumaysiga, Beeraha iyo Dib-u-dhiska gaar ahaan Macdanta, Wadooyinka, Madaaradda, Cusbitaaladda iyo Shirkaddaha Khayraadka ka shaqeeya oo hawlgalo baadhitaano kala duwan ka wada guud ahaan deegaanadda J. Somaliland iyaga oo baadhitaano shidaal, Saliida qaydhin iyo macdan-sahamin dalka ka wada, khayraadkaasi oo la rumaysan yahay in ay ku duugan yihiin dhulka Badda iyo  Banaankaba.

Sidaas oo ay tahay, ahmiyadan  aadka u wayn  iyo faa’iidada cadaanka ee ku duugan arimahan, maalgashigu wuxu u keeni doona deganaasho ballaadhan iyo barwaaqo mandaqada Geeska Afrika, hadana waxa jira carqalado maangaabnimo ah, kuwaas oo hortaagan in ay J. Somaliland gaadho guusheeda muhiimka ah.
 

TANI WAA MID AANU BULSHADDA CAALAMKA KU SU’AALAYNO SI CAAM AH AQOOSNIGEEDDA IYO MADAXBANAANIDDEEDA SOMALILAND.

https://ksr-ugc.imgix.net/assets/015/411/656/11f3650fbf094083683f3faee66b7306_original.jpg?w=680&fit=max&v=1486396789&auto=format&q=92&s=2ede47760aa485d7de62a34655b02ed1Iyada oo aan loo tixgalin degenaashahayaga, Taariikhdayada iyo kalsoonida ay nagu qabaan ganacsatadda caalamika ee xidhiidhka iskaashi ee ganacsi iyo maalgashi aanu wadaagno ay dhaqaalahayaga ku aamineen, waxa jirta in aanay indhahooda Beelsha Caalamka Somaliland ahayn wax jira, waxaana ay taasi nagu keentay tiro waxyeelooyin ah oo ay ugu yar tahay dhaqaaluhu. Marka laga yimaado casharadda dhaxal galka ah ee noo suurto galay in aanu kaga qayb qaadanay hor-u-marinta dhaqaalaha Qaaradda Afrika iyo meelo kale oo ka fog, kuma lihin wax kursi ah kuraasta Ururadda Qaramadda Midoobay iyo Midawga Afrika  oo ah kuwo ahmiyaddooda noo leh, waxaana u sabab ah qaranimadayada kala dhantaalan, taas oo sababtay in aanaan awoodin helitaanka mucaawinooyin iyo lacago amaah oo dunida nooga timaada gaar ahaan ururadda caalamiga ah sida Baanka Aduunka ( World Bank ) iyo Hay’adda lacagta aduunka ee IMF, waxaanay helitaan la’aanta adeegyadaasu saamayn aad u xun ku yeesheen awoodii aanu u yeelan lahayn la tacaalista dhibaatooyinka naga soo gaadha dhinacyadda cimiladda deegaanka iyo dhaqaale xumida na haysta. Baanka lacagta ee J. Somaliland ma awoodo in uu xidhiidh la sameeyo Baananka Caalamiga ee Aduunka, iyo in ay nagu adkaatay sameynta maalgashiyada gaarka loo leeyahay, macnaha arimahaasi ka dhashayna  waxay noqdeen in dhaqaale taaba galay iyo nidaamka Baanan ganacsi in aan awoodi wayno in ay J. Somaliland si fiican uga horumaraan. Waxaanu khibrad ahaan u aragnay dhibka uu leeyahay dal aan dunida aqoonsi ka haysan, hadana guud ahaan ay la soo gudboonaatay xaalado qalafsan iyo ta ugu daran oo ah abaaraha wakhtigan burburiyey waddamadda Bariga Afrika, kuwaas oo si xooggan ay abaarahaasi saamayn xun ugu yeesheen xoolihii noolaa ee dhaqaalaha dalkayagu ku tiirsanaan jiray, maadama oo aanay duruufaha jira noo saamaxayn taageero buuxda oo aanu wadamadda dunida ee qaadhaan bixiyayaasha ka helno, waxa meesha ka maqan dib-u-dhiskii aanu rabnay in aan kaga jawaabno baahidii loo qabay in aanu hubino si dhibaataddii abaaraha isdaba jooga noqday  dadkayaga u gaysteen looga taageeri lahaa, xata marka la helo ( Taakulo Abaareed ) waxay nagu soo gaadhaan si gaabis ah iyada oo waliba Df-da Somalia ee Moqdisho wada xaajood lagala galay ka dibna loo soo mariyo. J. Somaliland dhibta ka haysata in ay la tacaasho abaaraha ku habsaday waxay saamayn iyo dib u dhac ku keentay Hay’addahayagii Dawliga ahaa. Waxa dib nooga dhacay doorashaddii madaxtooyadda anaga oo aad uga xun iyada oo doorashadda madaxtooyadda dib u dhac ku yimid March/2017 ilaa November/2017 iyada oo in doorashadda dib loo dhiga uu ahaa codsi ka yimid Axsaabta Mucaaridka iyo Bulshadda Reer Somaliland laftooda gaar ahaan dadka ku dhaqan Bariga J. Somaliland oo ah deegaanka iyo dadka ay abaaruhu sida xun u saameeyeen.

Dhibaatadda abaaraha ee nagu habsatay waxa noo weheliya doorka dawladnimo ee aanu dunida ka maqanahay, waxaana noo raacay in aanaan wax aqoonsi ah wali haysan , waxaanay hadaba tani sii taabanaysa dib-u-dhiskii J. Somaliland.


Illaa hada iyada oo waxaasi oo dhami jiraan hadana bulshadda J. Somaliland si cad ayey uga soo dhalaashay iyaga oo u samreen iyo hal abuurnimo la yimid in kasta oo ay haystaan dhibaatooyin aan la tirn karin oo uu u keenay Ictiraaf la’aanta caalamiga ahi, balse  iyada oo ganacsiga bulshaddu uu yahay ka ugu mudan Qaranka J. Somaliland.

http://www.somalilandsun.com/images/Somaliland_is_not_Somalia.jpgSidaas oo ay tahay kalsoonida ay noo muujiyeen Maalgashadayaasha Caalamka qaarkood aanu iskaashiga ganacsi uu naga dhexeeyo, kuwaasi oo aanu wada galnay heshiisyo isfaham, waxay meel mar u tahay kalsoonida ay nagu qabaan ee ahmiyada leh, kuwa maalgashiga dalalka Bariga Afrika ka mida ee dalkayaga maalgashiga ku samaynayaa waxay aqoonsadeen degaanashaha dalkayaga, nidaamka dawlad wanaaga iyo hirgelinta sharciyadda ee gooni-isu-taaga dalkayagu u shaqeeyo, waxaanay taasi noo keentay in nalagu soo dhaweeyo gobolka oo dhaqan ahaan gobolkan lagu og yahay in uu yahay mid wax isdaba marintu naafaysay.

Waxa hada noo cad in ay Maalgashadayaashu door lixaad leh ka ciyaari doonaan bogga cusub iyo wajiga mustaqbalka ee taariikhda J. Somaliland iyada oo taageero u noqon doonta dhaqaalahayaga sida firfircoon u kobcaaya una noqon doonto mid guulaysta oo dhiirigelin weyn heli doona aanu nagu riixi doono aqoonsiga dalnimo ee aanu rabno, kuwa awooda u leh iyo aragtidda dheer ee ka baxsan inay wax ka arkaan su’aasha aqoonsiga una muuqato fursadaha maal-gashi ee J. Somaliland u bandhigayso waananu abaal marin doonaa, waxaan iska caawin doona in aanu taariikh samayno'.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire 

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15728-0