Somaliland Patriots News

Baarlamaanka Ingiriiska Oo La Soo Dhex-dhigay Dood Ku Saabsan JSL. - print


Date:Saturday, July 01 @ 21:43:25 UTC


http://www.somalilandinformer.com/wp-content/uploads/2017/06/index-3-150x125.jpghttps://penarthnews.files.wordpress.com/2014/10/img_2642.jpgXildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan Aqbalka Golaha Wakiilada Ingiriiska, si weyna u taageera qaddiyadda madaxbanaanida JSL ayaa dood adag la hor-yegay Xukuumadda Ingiriiska,











http://gabiley.net/wp-content/uploads/2015/03/Stephen-Doughty-Mp-with-minister-Bixi.jpg
Xildhibaan Mr. Stephen Doughty oo ka tirsan Aqbalka Golaha Wakiilada Ingiriiska, si weyna u taageera qaddiyadda madaxbanaanida JSL ayaa dood adag la hor-istaagay Xukuumadda Ingiriiska. Waxaanu weydiiyay su’aalo ku saabsan aqoonsiga JSL. doorashooyinka iyo doorka uu Ingiriisku ka qaadanayo.

Md. Xildhibaan Stephen, ayaa wasiiro ku sugnaa toddobaadkan Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska syaa weydiiyay su’aalo is-dabo-taxnaa oo nuxurkoodu ahaa in Ingiriiska iyo dalal kaleba aqoonsan doonaan Dalka J. Somaliland, caawimada dhaqaale ee uu Ingiriisku ku taageerayo doorashooyinka JSL  ee  u qoondaysan November 2017.

Su’aasha Md. Xildhibaan Stephen ayaa waxa ka jawaabay Wasiirul-Dawlaha Arrimaha Dibadda iyo Hor-u-marinta Caalamiga ah ee Dalalka Barwaaqo Dooranka ee Ingiriiska Mr. Rory Stewart. Waxaanu ka jawaabay su’aasha ku saabsan doorka dhaqaale ee Ingiriiska ee doorashada Madaxtooyada JSL. Waxaanu Wasiir Mr. Rory yidhi, “Dawladda Ingiriisku waxay qorshaysay maalgelinta goobjoogidda caalamiga ah ee madaxabannaan ee doorashooyinka Madaxtooyada Somaliland oo hore dib ugu dhacay, balse imika loo qondeeyey in ay qabsoonto Bilsha November 2017. U diyaar-garowgeeda dhaqaalena uu imika socdo. Ingiriisku waxa uu bixinayaa 1.4 Milyan oo lacagta Ingiriiska ah oo dheeraada, si uu u taageero guud ahaan wareegga doorasho ee J. Somaliland. Ingiriiska ayaa hore baaq caalamiya oo uu soo saaray bishii January 2017 waxa uu ku sheegay in aanu dhaqaale ku bixin doonin kharashaadka dheeraadka ah ee dib u dhigista doorashadu keentay.”  

Media

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15727-0