Somaliland Patriots News

M/Wayne-Ku-Xigeenka JSL Oo Qaabilay Wafti Culus Oo Ka Socday Dawladda Maraykanka - print


Date:Thursday, June 29 @ 22:19:01 UTC


flag,stripe,patriotism,united,pride,independence day,quarter,democracyDawladda Maraykanka ayaa wefti culus oo heer sare ah u soo dirtay Magaalada Caasimadda JSL ee Hargeysa.









http://www.cadceed.com/wp-content/uploads/2017/06/d-251.jpg
Waftiga oo uu soo dhoweeyay Sii-haya iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenka JSL Md. Saylici ayaan ujeedada safarka waftigan aanu jirin war rasmi ah oo laga soo saray.

Haddana waxa jira warar hoose oo sheegaya in ujeedada waftiga ee ugu weyni yahay in ay culays ku saaraan dhinacyada ay khusayso sidii aanay doorashada madaxtooyadu mar dambe dib uga dhacdeen waqtiga loo qoondeeyay ee Bilsha November 2017, waxaanay xalay bilaabeen kulamo ay la yeesheen xisbiyada siyaasadda oo ay kala hadleen arrimaha doorashooyinka iyo waxyaabaha u baahan in la xoojiyo si aanay doorashadu mar dambe dib ugu dhicin.

Waxa kale oo uu warku sheegayaa in weftiga Maraykanku kulan la yeesheen guddiga doorashooyinka oo ay iyagana kala hadleen arrimaha doorashooyinka iyo sidii looga wada shaqayn lahaa qabsoomidda doorashada madaxtooyada.

Dawladda Maraykanka ayay ahmiyad weyni ugu jirtaa qaabka fiican ee ay u dhacdaan doorashooyinka JSL taas oo saamayn ku yeelan doonta aqoonsiga caalamiga ah ee JSL.

Meida:

http://content.presentermedia.com/files/animsp/00000000/941/green_earth_arrow_rotate_diagonal_md_wm.gifhttps://www.youtube.com/watch?v=gOeOgrkXRhQ 
 
https://www.youtube.com/watch?v=WE958aFT5Eg


This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15726-0