Somaliland Patriots News

Ciid Wanaagsan. Ciid-Al-Fitri Al-Mubaarak. Kullu Caam Wa Antum Bi-Khayr. - print


Date:Saturday, June 24 @ 23:26:21 UTC


Eid Mubarak GIFEid al Fitr GIF PhotosKuwii la aqbalay dadaalkooda Ifka iyo Akhirada Ilaahay ha inaga dhigo. Aamiin. Dhammaan Muslimiinta, Muwaadinka iyo Madaxda JSL, Maamulayaasha Shabakaddan Barakaysan, Mujaahidka Safka-hore JSL. Ciid Wanaagsan.





https://2.bp.blogspot.com/-cqZn9BWjmug/WOEIBrDisnI/AAAAAAAAADg/gT5hi9Vyp2wH3pMg6-slZy_AF8sZELU2ACLcB/s1600/eid-al-fitr-messages.jpg

Eid al Fitr GIF Photos
Wasiirka Diinta iyo awqaafta J. Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay maalinta berrito ahi ku beegan tahay munaasabadda Ciida Barakaysan Ee Ciidal Fidr sanadka 2017.

i.  Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Magaalada Adhi Cadeeye ee Gobolka Sool laga arkay curashada bilsha Shuwaal, taas oo cadaynaysa in Bilshii Ramadaan ay ku dhamaatay 29 maalmood.

Wasiir Khaliil ayaa guud ahaan u hambalyeeyey Ummadda Islaamka gaar ahaanna Shacabka J. Somalilan, isaga oo ugu duceeyey in uu Illaahay sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo.

**********************************************


Sanadka Sanadkiisa inaga oo nabad ah iyo dalkii oo nabad ah. Bash-Bash Iyo Barwaaqo leh. Hor-u-mar iyo aqoonsi leh. Madax hanuunsan leh. Shacb hogaansan leh.

Bilaayada hore rooran. Tan danbe reeban. Tan sare raaran. Tan hareeruhu radeeban!

Wa Al-Xamdu Lillaahi Calaa Nicamihi. Wa Salaato Wa Salaamo Calaa Rasuulihi Al-Kariim. Wa Ciid Saciid. Inshaa Allaah.

Bahda: Somalilandpatriots.com ( www.safka-hore.com ). Shanta Qaaradood Ee Dunida.

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15724-0