Somaliland Patriots News

Ramadaan Socotee, Maxaa Kuu Qorshe Ah? - print


Date:Friday, June 23 @ 01:00:57 UTC


http://karinnews.com/uploads/article/photo/IMG_9DECBC-57A580-19A38E-B585FA-57B9EA-ECC046.pnghttps://eidmubarakonline.files.wordpress.com/2015/06/image1.jpgBilshan barakaysan ee Ramadaanta waxa la xidh-xidhaa shayaadiinta, albaabada Naarta kuwa Janadanuna ay furan yihiin ee soo dhoweyn wacan. Inshaa Allaah.










http://karinnews.com/uploads/article/photo/IMG_9DECBC-57A580-19A38E-B585FA-57B9EA-ECC046.pngWaxa aynu ku guda jirnaa lugtii ugu danbaysay, iyo habeenadii ugu khayrka badnaa ee Bilsha Rabadaan oo haatan guntii iyo gebagabadii maraysa ee Ilaahay khayrkooda ha inagu galado kuwii denbidhaafka helana ha inaga yeelo.
 
Ramadaan waa bil ka mid ah nimcooyinka rabi inagu galaday, waa bilshii uu soo degay qur'aanka kariimka ahi, waa bilsha uu ku jiro habeenka Laylatul Qadrigu oo ah mid ka khayr badan Kun bilood, qofkii uu Illaahay waafajiyaana waxa uu helaa khayrka oo dhan.
 
Rabadaan waa bilshii qur'aan akhriska, qiyaamu Laylka, Taraawiixda, Sadaqada iyo wax bixinta. Habeenada kooban ee Ramadaan Muslimiintu waxa ay ku guda jiraan samaynta acmaal farabadan oo kula xaajoonayaan rabigood.
 
Bilshan barakaysan waxa la xidh-xidhaa shayaadiinta, albaabada Naarta kuwa Janadana waa la furaa, waayo bilshii naxariista iyo denbi dhaafka, habeen kasta oo ka tirsan bilshan barakaysan waxa naarta laga xoreeyaa kun qof habeen kasta.
 
Ramadaan waa bilshii soonka iyo af-xidhnaanta, looma baahna in cunto kaliya laga soomo, dhamaan waxa laga tagayƔa waxii aan munaasib ahayn oo dhan .
 
Xikmada ku duugan bilshani waa in la isku naxariisto kii wax hayaa uu gacan u fidiyo walaalkiisa aan waxba hayn, si bulshada muslimiintu ay isku dareen u noqdaan.
 
Ramadaan waa bil ka mid ah 12ka bilood, sanadkiina hal mar bay ina soo martaa, marka ay ku soo marto haddii aad ka faa'idaysato waxa aad tahay mid nasiib badan haddiise ay ku dhaafto oo laguugu danbi dhaafi waayo waxa aad tahay mid ka qaday khayrkii oo dhan.
 
Akhriste bilshani dhamaatay haddii aad ka qaniimaysatay oo aad ka fara-qabsatay iyo haddii ay kugu dhaaftay hurdo iyo cibaado la 'aan. Maxaa kuu qorshe ah?
 
Qofka caaqilka ahi waxa loo baahan yahay in uu la yimaado qorshe cad oo uu nafta ku hago bacda Ramadaan. Naftu waxa ay jecelshahay in ay hawadeeda raacdo ka ilaali yaanay kaa hogaan furan waayo hada waa ay layliday dabar adagna waa uu ku xidhan yahay, ha ka dabcin u sii jiid  hogaanka.

http://4.bp.blogspot.com/-gthaX393gP0/UdxhFbU4VxI/AAAAAAAAFCQ/RIfh8A_cbgs/s1600/Ramadan.gifTALO KU ANFACAYSA RAMADAAN KA DIB HADDII AAD RAACDO.
 
1: Ku ilaali salaadaha jimacaha iyo masaajidka.
 
2: Laasim in aad nafta barto in ay sii joogtayso laylatul qadriga waana aad ka faa'iidi doontaa.
 
3: Ka fagow laqwiga, xanta iyo goobaha fadhi-ku-dirirka ah.
 
4: Isku day in aad soomto maalmàha Khamiisaha iyo Isniinaha ee todobaad walba.
 
5: La bax sadaqada haddii uu Rabi maal kuu dhiibay.
 
6: Dadka wanaag kula dhaqan sharaftoodana ha dhaawicin.
 
7: Dadka wanaaga far xumaantana ka reeb.
 
8: Haddii aad balwad lahayd faraha ka qaad dibna ha ugu laaban.
 
9: Akhri wakhtina u yeel Kitaabka Rabi
:
10: Ka ducayso waalidkaa waliba hooyadaa haddii ay nooshahay.
 
Haddii aad raacdo tobankaa qodob iyo qaar kale oo aan ka tagay ilaahayna ku waafajiyo  joogtayntooda, wakhti yar gudahii baad ku arki is-bedal nolaashaada aduun iyo ta aakhiraba waxtar u leh..
 
Fadlan walaal waxa aan kaa codsanayaa ha noqon mid Illaahay caabuda bilsha Rabadaan oo kaliya, marka ay baxdana hawadiisa raaca.
 
Bilshan Illaahay khayrkeeda ha ina siiyo, ha inaga yeelo kuwii laga aqbalay cibaadadooda, bilshaa bilsheedana Rabi nabad qab iyo caafimaad ha inagu gaadhsiiyo.
 
Wabillaahi Tawfiiq.
 
 Maxamed Xuseen Jaamac ( M. Somali ).
ababiye11@gmail.com
0634806273
Hargeisa 
J. Somaliland


This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15723-0