Somaliland Patriots News

Prof. Cali Khaliif Galaydh Oo Dhalliilay Maamulka Puntland. - print


Date:Thursday, June 22 @ 00:50:50 UTC


https://i1.wp.com/www.caasimada.net/wp-content/uploads/2016/04/Gaas-iyo-Cali-khaliif.jpg?fit=640%2C407http://content.presentermedia.com/files/animsp/00010000/10710/take_a_walk_text_md_wm_v2.gifProf. Cali Khaliif Galaydh ayaa si aad ah u dhaliilay Madaxa Maamulka Puntland isaga oo sheegay in aanay waxba ka dhaxayn maamulka Puntland.








http://allsanaag.com/wp-content/uploads/2017/05/fgtyy.jpgProf. Cali Khaliif Galaydh ayaa waxa uu ku dhaliilay Maamulaha Df-da Puntland Cabdiwali Gaas in uu yahay in aan xukumin Magaalada Gaalkacayo oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo. Waxaanu arimahan kaga hadlay waraysi uu siiyay tilifishanka Somalinews xaruntiisa Magaalada Hargeysa, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaaya uu yidhi Prof. Cali,

"Waa iska hadloow ina Aygare. Waxa uu halkaas ka yidhaahdo waxa dhagaysta ayaaba ka daran, waxa qudha ee ay Puntland ka tahay Sool, S anaag iyo Cayn waa in ay kolba u yeedho odayaal dhawr ah oo uu xoogaa dhaqaale ah ku saydh-saydho oo cad quudheed ku tuur tuurto, ninkaas leh madaxweyne ayaan ahay oo dastuurka ayaa i faraaya inaan dhulka xukumo, waar ma xukumo oo dadkii waxan lahaa way tashadeen maamulkoodana way samaysteen kooda ha u taliyo. Gaalkacayo oo uu isagu u dhashay ayaan gacanta ugu jirin inta uu Gaalkacayo iyo Garoowe ka maqan yahay ayaa ka badan intuu joogo. Hadduu cid la talinayo isaga iyo maamulkiisu ha tashadeen danahoodana ha ku aadeen, anagu waxaanu mar walba u nahay diyaar hadday iyagu miyirsadaan in wada hadalo iyo nabad ku wada noolaansho iyo daris wanaag. Waxase aanu wada leenahay oo golayaal iyo siyaasad ahi ma jirto.

Waxa la yidhi dhidarka ayaa wax ka hurdo badan, mar uun buu danab ku dhacaa oo meesha ugu horaysa ee uu u ordi karo ayuu u ordaa, dad, ood, dudumo iyo waxii uu doonayaba waa jiidhayaa wadaadkaasi maruun buu maqlaa shirar ayaa halkan ka socda  markaas ayuu sidii dhidarka soo hanbabaraa wadada ayaan uga baydhaynaa bal halka uu noo dhaafayo ha noo dhaafee."

Media

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15722-0