Somaliland Patriots News

Murashaxa Xisbiga Kulmiye Oo Kulan La Yeeshay Wefti Safiiro Ingiriis Ah. - print


Date:Wednesday, June 21 @ 00:04:47 UTC


http://hubaalmedia.net/wp-content/uploads/2015/10/Photo-Guddoomiyaha-Xisbiga-talada-Dalka-Haya-ee-KULMIYE-Md.-Muuse-Biixi-Cabdi.jpghttp://www.abflags.com/_flags/flags-of-the-world/United%20Kingdom%20flag/United%20Kingdom%20flag-XXL-anim.gifGuddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, islamarkaasna ah murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay maanta wefti safiirro ah oo ka socday Dawladda Ingiriiska.







ddoomiyaha Xisbiga Jumhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE isla markaasna ah murrashaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wefti safiirro ah oo ka socday Dawladda Ingiriiska.

Weftigan waxa hoggaaminaysa Marwada Safiir-ku-xigeenka cusub ee dhawaan loo soo magacaabay Safaaradda Ingiriiska u qaabilsan JSL Amb. Mary Shockledge oo ay wehelinaysay Lizzie Lovett oo ah sarkaal dhinaca siyaasadda u qaabilsan Safaaradda Ingiriiska ee Dalka Ethiopia oo socdaal ku yimid JSL.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay kulanka ku wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeennadiisa 1aad iyo 2aad ee Xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Cabdi Dheere, ayay isbarasho dhex martay Madaxda Xisbiga KULMIYE iyo Ssafiir-ku-xigeenka cusub ee Ingiriiska Amb. Mary Shockledge, halkaasna ay labada dhinac kaga wada hadleen dhawr arrimood oo isugu jiray wadashaqaynta Safaaradda Iniriiska iyo J. Somaliland, xidhiidhka labada dal, u diyaargarowga doorashooyinka iyo arrimo kale.

SL Media

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15721-0