Somaliland Patriots News

Xiisad Colaadeed Oo Ka Dhex Oogantay Dalalka Eritrea Iyo J. D'Jibouti. - print


Date:Sunday, June 18 @ 00:19:25 UTC


Wasiirka Arrimaha Dibadda J. Djibouti, ayaa ku eedeeyey dalka ay deriska yihiin ee Eritrea in ay ciidamo geysay xadka ay ku muransan yihiin labada dal.








Wasiirka Arrimaha Dibadda J. Djibouti Md. Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa ku eedeeyey dalka ay deriska yihiin ee Eritrea in ay ciidamo geysay xadka ay ku muransan yihiin labada dal. Ma jirto cid madax bannaan oo arintaa caddaysay iyo jawaab ka soo baxday Eritrea toona, hase-yeeshee Wasiirka Arrrimaha Dibadda ee Dalka J, Djibouti ayaa sheegay in Khilaafka lagu dhammeeyo si Nabad ah, laakiin waxa uu  dhinaca kale caddeeyay in ay diyaar u yihiin dagaal Millatari haddii laga fursan waayo.

Hadalkan wasiirku wuxu soo baxay kadib markii ciiddammadii nabad ilaalinta  Qatar ee joogay xadka labada dal u dhexeeya ay ka baxeen halkaas, iyadda oo  sababtuna ay ahayd markii labadaas dal ee ku yaal Afrikada Bari ay labaduba la safteen Sacuudi Carabiya oo ay Qatar isa seegeen.

 j. Djibouti iyo Eritrea ayaa ku dagaalamay sooh-dinta u dhaxaysa laba dal sannadkii 2008-dii, hase ahaatee waxay markii dambe aqbaleen in Qatar dhexdhexaadiso oo ay ciidamo nabad ilaalin ah u soo dirto. J, Djibouti waxay xulafo la tahay Reer Galbeedka oo waxa dalkeeda Saldhigyo Ciiddammo ku leh Faransiiska iyo Maraykanka, sidaas oo kalena waxa Dekeddeeda wax kala soo dega oo ka dhoofsada dalka ay Eritrea colka yihiin ee Ethiopia oo ay Maraykanka gacan-saar leeyihiin.

Eritrea ayaan xidhiidh fiican la lahayn Reer Galbeedka, waxaanna hore loogu eeddeeyey in ay taageerto kooxaha kacdoonka ka wada Df-da Somaliya iyo meelo kale oo gobolka ka mid ah, halka ay  eedahaas Dawladda Eritrea beeneeysay.

Media.

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15720-0