Somaliland Patriots News

Xukuumadda JSL Oo Shaacisay Mawqifka Ay Ka Qaadatay Khilaafka Dalalka Khaliijka - print


Date:Sunday, June 11 @ 00:45:23 UTC


https://i.ytimg.com/vi/bpmU5Mk5nBI/hqdefault.jpg?custom=true&w=168&h=94&stc=true&jpg444=true&jpgq=90&sp=68&sigh=_HE7siBJP4Bd8IQdMbkDoQbAKNwhttps://media.apnarm.net.au/media/images/2017/06/06/nl_qatar_cut_ties_1-j86bafbtz3epxf25do2_ct460x345.jpgShirka Golaha Wasiirradu wuxuu ku saabsanaa khilaafka siyaasiga ah ee soo kala dhex galay dalalka khaliijka iyo mawqifka ay JSL ka qaadanayso.









https://www.hiiraan.com/images/2010/apr/shirka_wasiirada_miisaaniyadda.jpgGo'aan Ka Soo Baxay Golaha Wasiirrada Jumhuuriyadda Somaliland.

- JSL, iyada oo aaminsan mabaadii'da nabad ku wada noolaanshaha iyo xasiloonida Gobolka, kana soo horjeeda wax kasta oo wax u dhimi kara nabadda iyo deganaanshaha, isla markaana ka soo horjeeda xag-jirnimada iyo cid kasta oo taageerta xag-jirnimada.

- JSL, iyada oo tixgelinaysa cilaaqaadka taariikhiga ah ee dhaqan-dhaqaale iyo siyaasi ee ka dhexeeya JSL iyo Wadamada Khaliijka, waxa ay Golaha Wasiirradu maanta oo taariikhdu tahay 10/06/2017 isugu yimaadeen shir aan caadi ahayn, kaasi oo uu guddoominaayey Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud - Siilaanyo. Shirka Golaha Wasiirradu wuxuu ku saabsanaa khilaafka siyaasiyeed ee ka dhex-dhacay dalalka khaliijka iyo mawqifka JSL ay ka qaadanayso.


Sidaa darteed, waxa ay qaateen Golaha Wasiirrada Xukuumadda JSL go'aanadan soo socda:-

1. In JSL ay si buuxda u taageerto mawqifka iyo aragtida ay ka qaateen Dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadku khilaafka siyaasiyeed ee u dhexeeya iyaga iyo Dalka Qadar.

2. Laga bilaabo maanta cid aan ogolaansho ka haysan Dawladda JSL ma isticmaali karaan, mana mari karaan hawada JSL.

3. JSL way u madax-bannaan tahay cirkeeda, dhulkeeda iyo baddeedaba, Df-da Somaliyana kama taliso, mana bixin karto ogolaansho cidi ku isticmaasho cirka, dhulka iyo badda Jamhuuriyadda Somaliland ( JSL ).   Allaa Mahad leh, Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire   

 Naasir Yuusuf Daahir 
Secretary Office Media of the Presidential
Hargeisa - Republic of Somaliland


This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15715-0