Somaliland Patriots News

Guulaha Cawlamada. - print


Date:Tuesday, May 16 @ 15:41:14 UTC


http://cdn.newsapi.com.au/image/v1/af28b68fd0ed390592691aea94592e45https://usercontent2.hubstatic.com/1445861_f520.jpgMadaxweynaha Dalka Maraykanka ayaa macluumaad sir ah oo muhiim ah oo ku saabsan kooxda loogu yeedho Dawladda Islaamka la wadaagay Madaxda Dawladda Ruushka.





http://ri.rediffiland.com/homepimages/home2/871/32c03bd1593c6f9de73032a243fc8a17/homep/images/1203328676
https://i.imgflip.com/1i0vx2.jpgMadaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump ayaa macluumaad sir ah oo muhiim ah oo ku saabsan kooxda la baxday Dawladda Islaamka la wadaagay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawladda Ruushka sida ay ilo-wareedyo u sheegeen warbaahinta Maraykanka.

Macluumaadkan ayaa laga helay dal ay saaxiibo yihiin Maraykanka lagamana helin ogolaansho ku saabsan in lala wadaago Ruushka, sida uu baahiyay wargayska Washington Post.

Trump ayaa todobaadkii hore Aqalka Cad ee Maraykanka ku qaabilay Mas'uulka Dawladda Ruushka ee Sergei Lavrov.

Saraakiisha ayaa diiday wararka warbaahinta laakiin mas'uul sare oo ka tirsan Xisbga Jumhuuriga ee Trump ayaa dalbaday in faahfaahin laga bixiyo arrintan.

Waxaa soo laablaabtay eedaymaha ku saabsan in uu cilaaqaad dhex maray ololihii doorashada ee Trump iyo Ruushka, waxayna qayb ka tahay baadhitaanno dhawr ah oo la wado.Laakiin Madaxweynaha ayaa eedaymahaas waxba kama jiraan ka soo qaaday isaga oo ku sheegay "war been ah"!!

Intii uu Trump ku jiray ololaha doorashada wuxuu ku celceliyay dhaliil uu u jeediyay Hillary Clinton oo ay isla tartameen taas oo ku saabsanayd sida ay u maaraysay macluumaadka muhiimka ah ee sirta ah.

Media

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15693-0