Somaliland Patriots News

Mar Kale: Shirka London: Shimbirayahow Heesa!! - print


Date:Friday, May 12 @ 11:18:31 UTC


https://thumbs.dreamstime.com/z/cartoon-blue-bird-sing-illustration-33358312.jpghttps://ichef.bbci.co.uk/news/660/cpsprodpb/A27F/production/_95999514_london.jpg
Xaqiiq waxa ah in mushkilad gaar ah qofka ay haysato mooyaane cid kale xal u helleyn. Beesha caalamka ee miciinsaday uun in kolba shir  madhaleys ah loo qabto Somalia, taladu ma ka bess baa? Ma awood iyo caqli baa halkaa dhigtay?! Mise daacad kama aha oo qaska iyo jaha-wareerka Somalia ayey qayb ka yihiin? 

 




Image result for Shirka Somalida ee LondonImage result for Shirka Somalida ee LondonImage result for Shirka Somalida ee LondonIn ka badan 300 oo wufuud ah ayaa ka qeyb galaya shirka ka dhacaya London ee la yidhi waxa loo qabanayaa Somalia. Lama qayaxin oo la garan maayo waxa ay qabanayaan intaas oo wufuud ahii. Lamana oga in ay madasha uun iska fadhiyayaan iyo in ay door kale ku yeelanayaan. Waxanse u maleyneynaa in ay tusaale wanaagsan u tahay in shirkaasu faa'iido  buurran usoo wadin dadka meesha tagay. Wufuudaa tirada badani waxa kale oo ay tusaale u yihiin tafaraaruqa iyo is-aamindarrrada dhex taal ummadda. Dad intaas leeg oo sidaa isu daba susumaya iyagoon ujeedo laheyn, waxa ay tusaale u tahay damiir xumo, protocol xumo iyo xishood la'aan ka muuqata oogadooda.   

Beesha caalamku kama daalaan, kumana guuleystaan shirarkaa iyo gogoshaa ay mar kasta u qabtaan Somalia. Ilaa iyo imika lama oga sobobta ay guul haba yaraatee ugasoo hoyn waayey shirarkaa ay usoo wadeen Somalia. Lama yaqaan in ay karti darro iyo awood la'aan hayso iyo in badheedh sidaa u yeelayaan. Dad badanI waxa ay aaminsanyihiin  in beesha caalamku aanay daacad ka aheyn arrimaha Somalia. Dadka sidaas rumeysan hadana waxa hortimaad su'aal kale oo ah: Maxay beesha caalamku ku diidanyihiin in arrimaha Somalia la xasiliyo oo xal loo helo?     

Waxase muhim ah oo xaqiiqa ah in ciddii tashan wayda aanay ciddina u tallineyn. Waxa run ah in gurigaaga aanay cid kale hagar'laan kuugu dhiseyn. Kolkaa inta ay reer Somalia aanay diyaar u aheyn in ay tashadaan qaska iyo jahawareerku ehelbuu u noqonayaa.     

Image result for part of the problemHaddii caqliga reer Somalia shaqeynayo waxa la gudboonaan laheyd in ay ku daydaan walaalahooda Reer Somaliland sidii ay uga sabatabaxeen dhibaatada. Waxa ay aheyd in ay cashar ka bartaan tabahii iyo habkii ay u maareeyeen nabad waarta,  dibuheshiisiinta dadka, hubka dhigista dhalinyarada, dastuur sameynta, dimuqraadiyadda, dubusoo cellinta dadkii xeryaha qaxootiga ku jiray iyo waxyaabo kale oo badan. Reer Somaliland intaas oo dhan waxa ay sameysteen iyadoo wax talo ah la waydiin beesha caalamka oo aan laga qeyb gallin xallinta amuuraha gudahooda ah. Waxa ay yiqiinsadeen  shisheeye laga doonaa xalka gurigaagu in  micnaheedu tahay qas iyo jahawareer aad dalbatay oo adigu gacmahaaga ku doonatay.     

Ugu dambeyn waxaanu aad u bogaadineynaa go'aanka ay JSL qaadatay ee ah in riwaayadaa aanay ka qeyb gellin oo ay iskaga fogaato farsamayntan maldahan. Waxa kale oo aanu soo jeedineynaa in iyadana laga tashado wada hadaladii u dhexeeyay J. Somaliland iyo Somalia ee madhaleyska noqday.     

Allaa Mahad Leh     

SXB-SAFKA-HORE  

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15692-0