Somaliland Patriots News

JSL Iyo Xuska Maalinta Shaqaalaha Aduunka Ee 1-da May 2017. - print


Date:Monday, May 01 @ 15:43:44 UTC


http://s3.india.com/wp-content/uploads/2017/04/happy-labour-day.jpghttps://i1.wp.com/www.caasimada.net/wp-content/uploads/2015/03/Ahmed-Mohamed-Mohamoud_Silanyo_Siilaanyo_Somaliland_18_May_Keydmedia_Online_Somalia-620x330.jpg?fit=620%2C330&resize=350%2C200Maanta waxa maanta dunida looga dabbaal-degayaa oo la xusayaa maalinta Shaqaalaha iyada oo dalka Jumhuuriyadda Somaliland uu ka mid yahay dalalka uu shaqaalahoodu nasashada ku jiro.







Madaxwaynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud - Siilaanyo ayaa waxa uu hambalyo iyo boogaadin u dirayaa shaqalaha Aduunka, gaar ahaan shaqaale-waynaha JSL, munaasabadda 1-da Bilsha May 2017 oo ah maalinat shaqaalaha adduunka awgeed.

Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha ku sifeeyey cududda iyo xoogga wax-soo-saarka iyo hor-u-marinta qaranka, la’aantoodna aanu jiraynin himilo wanaagsan oo ummaddu hiigsato.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in uu qarankani ilaalinayo xuquuqda shaqaalaha dawladda iyo kuwa gaarka ahba, iyada oo sanadba sanadka ka danbeeya shaqaalaha dalkeenu uu kordhayo tiro iyo tayo ahaanba, lana sii wadi doono, laguna dedaali doono sidii loo sii hagaajin lahaa xirfadooda iyo aqoontooda, si kor loogu qaado noloshooda, loona dhawri doono xuquuqdooda.

Madaxweynuhu waxa uu shaqaale-waynaha JSL rag iyo dumarba u rajeeyey in ay xuskan xuskiisa ku gaadhaan, bash-bash iyo barwaaqo, isaga oo ku booriyey in ay halkaa ka sii wadaan waajibaadka ay u xilsaaran yihiin dalkooda iyo dadkooda oo ah shaqada ay u hayaan ummadooda. Maantana waana maalin nasasho oo ay dhammaan shaqaalu fasax yihiin.



Mas’uuliyiinta ugu sareeya manaasibta Dowladda J. Somaliland ( JSL ) ayaa hambalyo u diray dhamaanba Shaqaale-Waynaha JSL, iyaga oo ballan qaaday in ay Dowladdu si joogta ah u bixin doonto xaqa, xuquuqda iyo waliba gunooyinka shaqaalaha JSL.

Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Dawlada JSL Md. Sharmaake Axmed Muxumed Geele ayaa sheegay in shaqaalaha JSL laf-dhabar u yihiin hor-u-marka dalka, isaga oo shaqaalaha ku booriyay in ay sii labo jibaaraan adeegyada ay u hayaan Bulshada JSL.

Taariikhda maalinta xoogsatada adduunka, waxay ka billaabaneysaa halgankii xoogsatada ee waddamada Yurub iyo Mareykanka ee 1886kii, ka dib markii ay u adkeysan waayeen dulmiga ay kuhayeen warshadleyda naxriista darneyd, iyaga oo xoogsatada ka shaqeysanayay saacado dheeraad ah, daryeel la’aan dhinaca nolosha iyo caafimaadka.


Dowladda JSL ayaa fasaxday maalinta awgeed dhamaanba shaqaalaha rayidka ah iyo kuwa dowladda oo u dabaaldagaya munaasabadda 01da May 2017.

SL Media 

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15684-0