Somaliland Patriots News

Muuqdisho Oo Ka Noqotay Ka Soo Horjeedka Saldhigga Millatary Ee Berbera/JSL. - print


Date:Wednesday, April 26 @ 15:24:06 UTC


http://www.taxanenews.com/wp-content/uploads/2017/03/siilaanyo-iyo-farmaarjo.jpghttps://i1.wp.com/www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/01/Somaliland-imaaraadka.jpg?fit=952%2C525&resize=350%2C200Madaxweyne Farmaajo-ha Muqdisho ayaa ka noqday mawqifkiisii adkaa ee uu kaga soo horjeeday Saldhiga Millatari ee Berbera iyo waxa sababay.







https://pbs.twimg.com/media/C9j_CIeXgAMR6mB.jpgMadaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa dabciyay mawqifkiisii uu ka taagnaa Saldhigga Millatari ee ay Dawladda JSL Berbera ka siisay Dawladda Imaaraadka Carabta.

Ilo xogogaal ah ayaa xaqiijiyay in Mr. Farmaajo uu hakiyay olalayaal diblomaasiyadeed oo uu kaga soo horjeeday saldhigaas Berbera. Warku wuxuu sheegayaa in Madaxweyne Farmaajo uu lahaa dedaalka lagu hakiyay mooshin la doonayay in la hor keeno Baarlamaanka Somaliya oo ka dhan ahaa Saldhigga Berbera, kaas oo la joojiyay in la hor geeyo baarlamaanka, waxaana mooshinkii loo gudbiyay Madaxweyne Farmaajo, ka dib markii sida la sheegay ay iska afgarteen mooshinkan madaxtooyada Muqdisho iyo Shirguddoonka Baarlamaanka Muqdisho.

Wararka la helay ayaa waxay xaqiijiyeen in aanay jirin wax sabab ah oouu Farmaajo ku sababeeyay isbedelka ku yimid mawqifkii uu ka taagnaa saldhigga Bebera oo ahaa qodobka ugu muhiimsan ee uu sida adag ugala dooday madaxda dawladda Imaaraadka Carabta, markii uu dhawaan booqashada ugu tagay. Hase yeeshee dadka falanqeeya diblomaasiyadda ayaa aaminsan in Jaalle Farmaajo uu laba qodob dartood uga noqday mucaaradadii saldhigga Berbera/JSL.

- Qodob ayaa la sheegayaa in uu yahay fursado dhaqaale oo ay Dawladda Imaaraadka Carabtu ka ogolaatay in ay ku garab istaagto dawladiisa, ka dib markii uu ka codsaday in laga taageero dhinacyada dhaqaalaha iyo dhismaha ciidamada millatariga. Qodobkan ayaa la aaminsanyahay in uu yahay midka ugu muhiimsan ee uu u dabciyay mawqifkiisii hore.

- Qodobka labaad ayaa la sheegayaa inuu sababay isbedelka ku yimid mawqifkii Farmaajo kaas oo ah culaysyo kala duwan oo diblomaasiyadeed oo dusha kaga yimid dawladiisa, waxaanu go’aansaday in aanu culayska saldhigga oo ka imanaya Imaaraadka Carabta iyo JSL ku sii biirin caqabadahaas hore ee haystay maamulkiisa oo qaarkood kaga imanayaan dawladaha gobalka oo la sheegayo in aanay isku wanaagsanayn.

Wasiirka arrimaha dibadda JSL Dr. Sacad Cali Shire, ayaa dhawr goor oo hore sheegay in aanay doodda Baarlamaanka Somaliya khusayn arrimaha Dalka JSL, maadaama oo ay JSL  kala madax-bannan yihiin, laba dawladoodna ay kala yihiin. islamarkaana ay Somaliland dhulkeeda ka taliso.

Media

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15682-0