Somaliland Patriots News

Sir Culus: Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Dallacay Basaas Sare. - print


Date:Tuesday, April 25 @ 14:58:14 UTC


Related imagehttps://tctechcrunch2011.files.wordpress.com/2017/01/wikileaks-siwc-flickr.jpg?w=764&h=400&crop=1Shabakada la yidhaa Wikileaks ee kashifta siraha la qariyo ee dawladaha ayaa xaqiijisay basaasnimada iyo munaafaqnimada uu Cabdi Ismaaciil Samatar kula dhex wareego aduunyada.








Related imageShabakada Warkaas oo xaqiiqada aad ugu dhowi waxay daaha ka fayday munaafaqnimada Cabdi Ismaaciil Samatar. Run ahaantii Cabdi Ismaaciil dhaqamo badan oo uu leeyhay ayaa marka la isu geegeeyo waxaad arkaysaa in uu leeyahay calaamadaha munaafaqa.

Dhowaan wuxu qoray buug aan sina run ugu dhoweyn oo uu ku amaanayo madax uu lahaan jiray maamulkii la isku odhan jiray 'Somali Republic'.
Wuxu ammaan aanu laheyn huwiyaa oo cirka geeyaa ninkii la odhan jiray Cabdi Abaar oo haddii Eebe laga baqo ah rukumada iyo aasaasayaashii boogaha dhaymo loo waayey ee ku habsaday ummadda Somaliyeed. Wuxu qorey buug aanu wali soo bandhigin oo ammaanta ninkaas huwan.

Lagama hayo isaga oo sheegaya qof qudha oo halyeyadii Reer Somaliland ee ummadda wax taray ah, ha ugu horeeyo abtigii Xoogsade oo inta uu Somali taray rubaceed aan laga hellin kuwan uu la waashay ee Reer Somalia.

Wuxuu hadh iyo habeen dhalliilaa wanaag kasta oo u soo kordha J. Somaliland isaga oo waliba halaag iyo burbur iyo in aanay hor-u-mar gaadheyn u saadaaliya.
 
Wuxuu iska dhigaa oo isku tilmaamaa wadani aan dabadii la hadal oo gaasa baxay. Laakiin waa beentii waxaana maanta cadeeyey warkan ka soo baxay Shabakadda Wikkileaks. 

Hoos ka akhriso magacyada liiska basaasiinta ee ay shabakadaasi kashiftay ee uu Cabdi Ismaaciil magaciisu ka muuqdo:


https://www.desco.org.bd/ebill/images/right_3.gifhttps://wikileaks.org/gifiles/attach/107/107401_Africa%20Insight%20List%20110919.xls

Media

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15679-0