Somaliland Patriots News

Arday Reer Somaliland Ah Oo Guulo Soo Hooyey...... - print


Date:Tuesday, April 25 @ 14:27:26 UTC


Related imagehttps://i.ytimg.com/vi/_nGBtuKZIAg/hqdefault.jpgLaba arday oo magaca JSL kaga qeyb galay tartan aqooneed oo caalami ah ayaa kaallinta koowaad iyo ta sedexaad ka galay tartankaas.










https://i.ytimg.com/vi/_nGBtuKZIAg/hqdefault.jpgTartan aqooneed caalami ah oo lagu qabtay wadanKA Kazakhstan. oo ka mid wadamadii waagii hore ka tirsanaan jiray modowgii gabalkiisu dhacay ee Soviet Union, ayaa laba arday oo magaca JSL ku tartamayey ay ku guuleysteen in ay kala galaan kaallinta Kowaad iyo ta sedexaad.

Labada inan oo magacyadooda la kala yidhaahdo Cabdikhaliq Cabdilahi iyo Ibrahin Cabdiraxman waxa tartaankaa kala qayb galay arday badan oo daafaha aduunka isaga kala timid.

Nasiib wanaag ardayga magaciisa la yidhaa Ibrahin Cabdiraxman Maxamed wuxu ku guuleystay kaalinta Koowaad iyo biladda dahabka ah. Halka ardayga kale ee la yidhaa Cabdikhaliq Cabdilahi Cali uu ku guulaystay kaalinta seddexaad iyo billadda maarta ah.

Ibrahin Cabdiraxman, inanka kaalinta koowaad galay, waxa u aabbe ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL, isla markaana Murashaxa Xisbiga WADANI ee tartanka madaxweynaha JSL ee soo socda Md. Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi.

Labadaa inan abaalmarrintaa ay heleen waxa ay guul u tahay dhammaan shacabka Reer Somaliland. Waxa kale oo ay farxad gaar ah iyo guulba u tahay iskuulkii, macalimiintii, waalidkoodii iyo dhammaan in alla intii ka qeyb qaadatay in ay ardaydani heerkaa gaadhaan.

Hoos ka daawo sidii loo soo dhoweeyey ardeydaas iyo sidiii abaalmarrinta loo gudoonsiiyey.



Allaa Mahad Leh

Sxb-da Safka-hore JSL.

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15678-0