Somaliland Patriots News

Xidigaha Geeska: "Qudhaanjoye Ku Quuso"!! - print


Date:Saturday, April 22 @ 12:08:04 UTC


Related imagehttps://i.ytimg.com/vi/e6J44HdWtuE/maxresdefault.jpgHangaraarac laba lugood uma  dhutiyo!!! Xidigaha Geeska, Calansidayaasha waqtigan ee fanka  dadka Af-Somaliga ku hadla oo u jawaabay kuwa saadaaliyey gabal-dhacooda. "Shalaad dhalatee  waa la shubi jiray wah wah"!!!!!








http://halbeegnews.com/uploads/article/photo/IMG_435CF2-74557C-37DAA2-5355DD-8B9DFC-73970D.jpgCadowga Somaliland waxa ay saadaaliyeen dhamaadkii iyo burburkii kooxda Xidigaha Geeska oo ay u quudhi laayihiin heerka ay gaadhsiiyeen fanka dadyowga Af-Somaliga ku hadla. Saadaashaa xaasidnimadu ku buuxdo waxa u sibirsaareen dhowr fanaan oo laga saareyn xubinimadii kooxda oo iyagoo ku dabaqay xeer iyaga u gaar ah oo ay isku maamulaan.     

Waxa la yidhi: "Doqoni meel lagu xafiiltamay in lagu kala tagaybay moodaa" Fanaaniinta  kooxda ka yara duday waxan hubaa in, goor ay noqotaba, soo gurya noqon doonaan. Sobobtoo ah maaha markii ugu horeysay ee sidaasu ka dhex dhacdo kooxda oo hore ayey tan oo kale usoo martay.     

Dadka xasadka ku ah wanaag kasta oo usoo kordha JSL waxay damceen in ay shaki galiyaan abwaanada iyo fanaaniinta xidigaha oo ay ku sheegeen in aanay waxba aqoon kol haddii ay ka cadhoodeen dhowr qof. Waxa faafiyeen dacaayad ah in Hargeisa ka dhamaaday abwaaniintii iyo fanaaniintii oo maanta wixii ka dambeeya aan la maqli doonin xidigo dambe oo Hargaysa kasoo hilaacaa. Waxa ay halmaameen in goobtani(Somaliland) ay aheyd walina tahay hoyga ay ku ababaan ee uu ku koro fanka Somaliyeed.     

Taas waxa daliil u ah bandhig faneed ay xidigaha laftoodu qabteen dhowaan oo jawaab haboon u ah dadka sidaa qaba oo loogu qoosgoynayo. 


Bandhig faneedkaa waxa ku jira hees uu ku luuqeynayo fanaanka Maxamed Bakaal Ciro Oo uu si dadban ummadda ugu sheegayo fanku in saldhigiisu waligii ahaa Somaliland. Heestaa waxa sameeyey Abwaan Jiheeye.   

https://i.ytimg.com/vi/e6J44HdWtuE/maxresdefault.jpgCilmi kii Qabriga Dhigay,
Cali Sugale la Dhaawacay,
Cabdi Qays Dhaban Dhabay,
Cagaf cagaf la dheelmaday,
Dhakhtarkii Jeceylk iyo,
Cabdi Idan dhexqaadee,
Ina xashi Dhamac iyo,
Hadrawi na sholaha Dhigay,
Sangub kaga Dhawaajee 
Dhoodaan, Bidde iyo Huuryo,
Ka Samaystay Dhabo,
Cartan kii la Dhaadhacay,
Yamyam iyo Qarshena Dhibay,
Adan Tarabi Dhaansaday,
Gabyaagii Dheeg, 
Dhab u helay Sadiiq Birmad,
Laabsaalax Xasan Dhuxul,
Jeylani ku Dhugtamay,
Dhuule kaga Waraaqshee,
Weedhsame, Ababe Iyo Dhako,
Dhiigooda Raacee Xidigaha geeskana,
Dhamaan dhilay,
Gadhle kii la Dheeliyey,
Faysal Cumar u dhaadhacay,
Qoor Yarana la Dhuubtee,
Cali Gaabna dhaansaday,
Xasan Muumin Dhilay,
Xasan Ganey la dhaygagayee,
Dhabnaashay Sooraan ……..   

Halkan ka daawo heestaas. http://animations.fg-a.com/arrows/green-glass-arrow.png https://www.youtube.com/watch?v=VbubKh6-vlo    

Waxa kale oo ku jira hees uu iyadana qaadayo Maxamed BK oo uu curiyey gudoomiyahoodu, Laab-saalax, oo runtii la odhan karo waa cashar wanaagsan oo ay haboon tahay in wax laga barto.
Heesta magaceeda waxa la yidhaahdaa:

Dhulka Soco in Kugu Fillan   

Aduunyadu dheellibay ku curatoo,
Markaad dhinac ka awdaba,
Dhan kalaa banaanoo,
Qabyaday la dhalatay,
Qofka aad wax dheer tahay,
Waxa jira in kaa dhiman, 
Oo loo dhameystiray…………………..   

Halkan ka daawo heestaas:http://animations.fg-a.com/arrows/green-glass-arrow.png https://www.youtube.com/watch?v=dwU7DZfbjBk     

Halkan ka daawo Barnaamujka oo dhameystirran:http://animations.fg-a.com/arrows/green-glass-arrow.png  https://www.youtube.com/watch?v=WDGNCABS0HI&t=6004s

Allaa Mahad Leh.

Sxb-da Safka-hore JSL.

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15677-0