Somaliland Patriots News

JSL Iyo Somalia + Mooshinka Saldhigga Millatary Ee Magaalada Berbera. - print


Date:Thursday, April 20 @ 21:52:15 UTC


https://us.123rf.com/450wm/domdeen/domdeen1304/domdeen130400045/19115909-somaliland-flag-drawn-on-shooting-hand-gesture-with-white-background.jpg?ver=6https://2.bp.blogspot.com/-wnL-frE6XlY/VxM_vzFj0TI/AAAAAAAANyc/_A8CWLqj6G83drVF1M_l1T92V33LxESbACLcB/s640/gudoomiye-jawaari.gifMadaxtooyadda JSL ayaa ka hadashay mooshin ka dhan ah Saldhiga Millatari ee Berbera oo Baarlamaanka Somaliya lagu soo hadal qqaday.








http://www.somalilandsun.com/images/Somaliland_is_not_Somalia.jpg

https://doorasho.files.wordpress.com/2012/09/5somali.png?w=272Wasiir-Ku-Xigeenka Madaxtooyadda JSL Md. Axmed Xaashi ayaa ka hadlay mooshin ay damacsan yihiin Baarlamaanka Somaliya in laga keeno Saldhiga Millatari ee ay JSL siisay Imaaraadka Carabta ( UAE ).JSL baarlamaanbay leedahay, labadiisii gole wey fadhiisteen, waanay ansixiyeen.

Wasiir Axmed Xaashi oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi “Heshiiska Garoonka diyaaradaha ee ay Dawladaha JSL iyo Imaaraadka Carrabtu wada gaadheen.

JSL waa dal u madax bannaan heshiisyada caalamka oo 26 June 1960kii madaxbannaanidiisa ka qaatay Maxmiyadda Dawladii Ingiriiska, waxaanu isaga oo xor ah ay isku biireen dalka Somaliya si loo xoreeyo dalalka Somaliyeed ee weli la gumaysto markaasna la dhiso dawlad loo dhan yahay ( Somaliweyn ), mana jirto midnimo gaar ah oo ay wada galeen JSL iyo Somalia. JSL waxay soo kala noqdeen Somalia 1991kii.” Ayuu yidhi Wasiir-Ku-Xigeenku.

Wuxuu si weyn sharaxaad uga bixiyay heshiiska JSL iyo Imaaraadka Carabta. “Heshiiska ay kala saxeexdeen JSL iyo Imaaraadka Carabtu waa heshiis iyaga oo gaar ah oo aan cid sadexaad soo faro gashan karin. Runtii ajandhaha ay damacsan yihiin Reer Somalia in lagu khalkhal geliyo heshiiska Dekedda Berbera waa burburkii Somaliya”. Ayuu yidhi Md. Axmed Xaashi.

SL Media

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15674-0