Somaliland Patriots News

Maafishtaba Keen Oo Maraqa Uun Ku Soo Badi. - print


Date:Saturday, April 15 @ 14:42:12 UTC


Image result for ANYTHINGhttp://calankamedia.com/cmtool/files/farmaajo-dhaxalsuge-uae.jpgMurtida Todobaadka(4).
Shoodhe Af-Weyne. Jaalle Farmaajo ayaa ku soo hungoobay ashtako si cadho leh oo ka dhan ah JSL,  oo uu u  gudbiyey Dawladda Imaaraadka Carabta.






https://s-media-cache-ak0.pinimg.com/originals/e4/a8/9a/e4a89a8c79c6ded2f803db7ccfb2aeec.jpgGuul-darraa ka salaglee,
Galab buu ka kacay meel,
Gegi laysu soo baxay,
Dadkii joogey goobtaas,
Kadin geela weydii.
  
Warka Geedi Baabbow,
Gujo iyo faq hoosiyo,
Isha laysku gaadhsii,
Waa dad soo gubtoo jabay,
Dhegahay gufaysteen,  
Sii garooc hankiisii,
Gu'rin qaalin uu yidhi,
Yaa godkiisa hoosiyo,
Geysanaaya aakhiro?  

Shirkii ruux garaaboo,
Gacan taaga laga waa,  
Iyadana ka sii gudub,
Kuye gacallayaalow,
Boqol shilin ha lay guro,  
Goroddaa la wada lulay,
Ku go' baana lagu yidhi. 
 
Gonduhuu u sii degey,
Kuye geed is-mariskii,
Gini lagaca yaa hura?  

Laga gaabsey hadalkii,  
Wuxuu yidhi galkiisiyo,
Yaa kitaabka naga gada?  


Maansadii Goljano ee uu tiriyey Abwaan Maxamed Ibrahin Hadraawi sideetamaadkii qarnigii inaga tagay oo aad ugu dhow hungowga Shoodhe Af-Weyne uu kala kulmay kulankii Madaxda Dawlada UAE ka dib ashtakadii ka dhanka aheyd JSL.

http://business.salary.com/Image/300/300/Media/Default/graphics/badcowork_intro.jpgReer Somalia waa duul  aan waxaba ku heshiis aheyn kolka laga reebo naceybka iyo xasadka ay u hayaan JSL.
Dalkooda qiiqaya dadkooda daranyeysan ayey aheyd  in ay u dadaalaan oo u damqadaan, oo xil iska saaraan sidii ay u badbaadin lahaayeen. Nasiib darose, waxa ay taa ka door dibeen hagardaamada JSL.

Waxa ay ku doodaan hor-u-mar kasta oo laga qabanayo in ay waajib tahay in lagala xaajooda. Hada ma hadal hayaan ciidamada shisheeyaha ah ee ayagoon cidna ka amar qaadan ama cidna ogolaansho waydiisan iska soo gala Somalia kolkay doonaana ka baxa. Ciidamadaasu waxa ay qabanayaan iyo cidda ay dilayaan, xidhayaan, kufsanayaan hantida ay boobayaan iyo wax kasta oo ay falayaan Dawlada Somalia ee imika uu horboodayo Shoodhe Af-Weyne, Jaalle Farmaajo waxaba kama odhan karto mana su'aali karto. 

Dawladda Turkiga, ee qarka u saaran in ay isu rogto digtaatooriyad, waxa ay maamulshaa madaarka Xamar iyo dakadeedaba. Cid u ansixisay iyo cid ka hadashay toona ma jiraan. Saldhig milatari ayuu Turkigu imika ka dhisayaa Muqdisho isaguna waa go'aan Turkigu kaligii gaadhay oo aanu cidna kala tashan cidna waydiisan.

Tiiyo foolxumooyinkaas oo dhami dul hogonayaan ayey waxa ay diidan yihiin mashaariicda laga fulinayo JSL oo ah dad og oo garanaya dantoodu halka ay ku jirto oo aan cidna u daba fadhiisaneyn hor-u-markooda.

Allaa Mahad Leh

Sxb-da Safka-Hore JSL.

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15672-0