Somaliland Patriots News

Dagaal Caalami Ah Oo Laga Digay. - print


Date:Saturday, April 15 @ 14:30:00 UTC


https://i.ytimg.com/vi/2UQEnN6ebfI/hqdefault.jpghttps://i.ytimg.com/vi/MraC9PIL1C8/hqdefault.jpg
Dawladda Shiinaha ayaa ka digtay dagaal ka dhex qarxa Dalalka Mareykanka iyo Kuuriyada/Woqooyi, iyada oo xiisadda labada dal u dhaxeysa marayso meel aad u xun oo xasaasi.







http://www.globalresearch.ca/wp-content/uploads/2017/03/Screen-Shot-2017-03-12-at-23.21.53.png
https://i.ytimg.com/vi/w10dgthpDqY/maxresdefault.jpgWasiirka Arrimhaha Dibadda Dalka Shiinaha Mr. Wang Yi ayaa sheegay in haddii uu dagaal dhaco aanay cidina ku guuleysaneynin. 

Hadalka Mr. Wang ayaa yimid maalmo uun ka dib markii ay Dowladda Mareykanku walaac ka muujisay hor-u-marinta hubka Nukleeyrka ee Kuuriyada/Waqooyi, waxaanu Mareykanka maraakiib dagaal u diray gacanka Kuuriyada.

Muranka labada dal ayaa yimid kaddib markii dowladda K/waqooyi ay tijaabisay dhowr gantaal, taasi oo ka cadhysiisay dalal ay ka mid yihiin Japan iyo Mareykanka. 

War laga sii dayay wakaaalada wararka ee Dalka Kuuriyada/Waqooyi ayaa looga digay Mareykanka in uu joojiyo dandansiga millateri ee uu wado. Millateriga Dalka Kuuriyada/Woqooyi iyo Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa sheegay in ay ka jawaabi doonaan ficil kasta oo dandansi ah. Wasiir-ku-xigeenka Arrimha Dibadda ee Dalkaas Mr Han Song-ryol ayaa isna dhankiisa sheegay in uu rumesan yahay in Madaxweynaha Mareykanku uu wado qorshe uu ku burburinayo dalkiisa.

Media

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15671-0