Somaliland Patriots News

"Herer Iyo Hawaasna Habeen Dambe Waan Hayaa"!!! - print


Date:Saturday, April 15 @ 13:40:39 UTC


http://alldhacdo.com/wp-content/uploads/2017/02/Farmaajo.jpghttp://somalidamanta.org/wp-content/uploads/2017/02/C5Q4-c2W8AA5s2G_Fotor-701x467.jpgDurba heesihii hoos ma loo dhigay. Jibaddii iyo riyo-maalmeedkii Shoodhe Af-Weyne oo aanu cimrigeedu dheeraan. Waaqicigii oo dadkii mirqaansanaa ka hor yimi. Shoodhe Af-Weyne oo Mahdi noqon waayey oo duruustii adeerkii uu ka dhaxlay la soo baxay!!!








https://i.ytimg.com/vi/4yQCeX7dKlU/hqdefault.jpgOlolihii baalaadhaan  ee mudada dheer Farmaajo ku jiray ee uu ku xawaashaynaaye  erayo iyo halkudhigyo uu ku soo jiito dadka af Somaliga ku hadla, meelaha qaarnaa uu lacag siiye hanfadayaal doorsada maskaxda dhalinyarad, waxay u suurto gelisay in ay dadku ka qaataan sawir wanaagsan. Taas oo markii uu doorashadii laaluushnayd ku soo baxay ay bilaabantay dabaal dagyo qorshaysnaa oo qaar ku bilaabeen “Aa Farmaajo ii geeye”!!

Qaar Reer Somaliland u dhashayna sidii wax waalan suuqa Xamar la dhex carareen hadalo u eeg kuwii Reer Somaliland qaadi jireen 60 sanadood ka hor:

-"Weliba Herer iyo Hawaasna habeen dambe waan haya".

Waxa ka sii darnayd in caroogyada Shoodhe Afweyne FAAFIYEEN: Iin Hargeysa laba u kala jabtay. taasi waxay keentay in shacabaka Somalia rumaystaan in uu Farmaajo yahay Mahdi loo soo diray oo uu is badal dhinacyo badan ah samayn doono  LAAKIN.........

Isbeddelkii Shacabku ka sugaayay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bilaabmay in dad ka soo jeeda Beelsha Farmaajo iyo Beelsha xaaskiisu ay inqlaabaan xukunka Somalia.

Maalmihii la soo dhaafay Madaxtooyada Somaaliya waxaa buux-dhaafiyay dhalinyaro ka yimid qaar ka mid ah gobalada; sida Gobalka Gedo iyo Galguduud, waxaana ay badankoodu u yimaadeen in ay shaqo ka helaan Madaxtooyada Xamar, iyaga oo isku hallyanaya in madaxweynaha cusub uu reerkooda ka dhashay. qurbejoog ku heyb ah madaxweynaha oo buux-dhaafiyay Hotellada Magaalada Xamar. Sida Hotel Jazeera. Waxaana qarashaadka ku baxa dadkaas lagu soo dallacaa madaxtooyada Somalia.

http://shacabkamedia.com/warka/images/stories/2011/ducaale/000xanuun.jpgSida Somalidu wada og tahay  Farmaajo waa MAREEXAAN xaaskiisuna waa MURURSADE.

Isbadalkii ugu horeeyee ee shacbkiisu sugayey wuxuu ka bilaabaye in uu Raisal Wasaare ka dhigu wiil ay xaaskiisu u keentay  oo MURURSADE ah.........Ha kaba qabanba....

- Taliyaha ciidanka  Bilayska Saacid oo hooyadii MAAREEXAAN tahay.

- Abaanduulaha Ciidamada Millatariga Cabdilahi Cali Caanood oo ka dhigiye MAREEXAAN.

- Taliyaha Milatariga Axmad Maxamad Jimcaale Cifriid oo xidiid la ah MAREEXAAN.

- Duqa Magaalada Xamar Tabid  Cabdi oo ay hooyadii tahay MURURSADE. Waxaanu qabay gabadh uu Madaxweynihii hore abti u ahaa. Waxaanu gacan yare u noqday Xasan Gurguurte oo markii uu sir ka faafiye eryey marka waxa ku soo owday walaashi, markaasu u badalay Safaaradda  Washington, ka bacdi wuxuu la xidhiidhay ninka la aaminsan yahay inuu u shaqeeyo Sirdoonka Qadar ee la yidhaa Fahad Yaasiin, kaas oo sabab u ahaa in uu is baro  Farmaajo..

- Maareyaha Dekeda Xamar Axmad Washinton. Xaaskiisu waa MAREEXAAN. Waxaanu ninkani sabab u ahaa in wiil Somali ah  xabsi daayin Talyaaniga loogu xukumo. Waxaa xusid mudan Yusuf Garaad  oo loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda oo sheekadaa wax ka og laakin aanu cidna u sheegin waqtigaana aanu Idaacada BBC-da Af-somaliga ee uu madaxda ka ahaa aanu ka sheegin warkaas. Yuusuf Garaad oo warkaa muhimka ahaa qashinqubka ( dustbin ) ku riday iyo Tabit oo markhati beenaalayaal ababulay. Waxaa wax-is-weydiin leh sida loogu aamini karo mas'uuliyad qarranka ummadda Somalia.

- Maareeyaha Madaarka Xamar Yusuf Jaalle oo la dhashay caruur MAREEXAAN ah.

- Ciidamada Sirta Cabdilaahi Sanbalooshe - Hawiye oo xaaskiisu MAREEXAAN yahay.

- Taliyah laanta Socdaalka Maxamad Aden Jimacaale Koofi. Taliyaha Laanta Socdaalka Koofi oo muddo yar xilkaasi haya ‘ayaa lagu eedaynaya in uu shaqaaleysiiyay 200 Boqol ruux ooay  isku hayb yihiin.

https://i.ytimg.com/vi/n4u23nTvTYg/maxresdefault.jpgWaxa kale oo la sugaya in isbadalo noocan oo kala ah  uu sameeye Farmaaje, waxaana dhawaan la filaya in safiirka u fadhiya Itoobiya uu u badalo nin MAREEXAAN ah..

Waxay shacabku rumaysan yihiin in isbadalada noocan ihi ay yihiin hordhaca qorshe uu ku doonayo in uu kaga aar guto Hawiye,  isaga oo ku marmarsoonaya Al-Shabaab ayaan tirtiraya isaga oo adeegsanayan Ciidamo Maraykan ah. Dadkaasi waxay xasuusan yihiin hawl-gal dhowr ah oo hore shacab badan loogu xasuuqay, waxaana ugu horeeyey dacaayadii laga faafiye General Caydiid oo Maraykanka laga dhaadhiciye in uu is hortaagay gargaarka samafalka, lana go'aansaday in la qabto ama la dilo, taas oo keentay in meeshi lagu sheegaba Maraykanku hub culus ku rido sidaana shacab badan lagu Xasuuqay,

Waxaa xigay Cabdilahi Yusuf oo isaguna xamar ku xasuuqay xagjir baa ka buuxa isaga oo adeegsanaya Ciidamo Itoobiyaan ah. Waxaa ugu dambeeyeey Cabdi-Weli Gaas oo  Maraykanka ku soo hogaamiyey askartii maamulka Galmudug, halkaana uu ku xasuuqay 20 dhalnyaro ah.

Gobolada qaar oo hore uga  shakisaan in Farmaajo Madaxweyne noqdo ayaa aad uga sasay isbadelka xilalka ku salaysan qabyaaladda caddaanka ah, habdhaqanka caynkaasi wuxuu sii xoojiye mucaaradnimada Shacabka Gobolka Baanaadir ee Maamulka Farmaaje. Dadka goblkaasi waxay ku sheegaan in ay ku nool yihiin 3 Milyan oo qof. Waxay leeyeehiin macquul ma aha  in la waayo cid matasha waxaas oo dad ah. Iyaga oo taa tirsanayey ayey dhawaan waxay aad ula yaabeen tirada laga siiyey ciidamo loo tababaryo ismaamulka Somalia. Kaas oo  la siiyey 1000 qof maamulo ka yarna la siiye 3000.

Waxaa  Xusid mudan in ay tahay markii ugu horaysay ee Ismaamulka Somalia ku dhici waayey in uu ku dhawaaqo 3000 oo askari ayaa Somaliland qayb u heshay in  Turkigu Muqdisho ugu tababaro. Sababtu waa maxay? Dadka deegaanku waxay arintaa ku sifeeyeen Farmaajo oo arka  dadka halkaa ku nooli in ay yihiin Hawiye uu isku tababarayo.. Waxa  shicibkaasi  ka cawdeen in lacagta ka soo gasha Dekeda iyo Madaarka Xamar la siiyo wasiiro iyo Xildhibaano hudheelo ku jira oo mushaharkoodu yahay $3000 illa $ 5000. Mid walbana albaabka uu u taagan yahay askar ilaalisa oo laga yaabo in aan bilo Mushahar la siin.

Waxay dadkaasi yeedhaahdeen. Waxay ahayd in xildhibaanada wasiirada iyo madaxda kale mushaharkooda looga soo diro Maamulka uu matalo. Wxay si gaar ah u xuseen qaar isku sheega in ay Somaliland matalaan oo ay ku yidhaahdeen haddii aanay keenayn Somaliland ha la eryo oo yaan la siin cashuurta dekedayada ka soo baxad.

Waxa kale oo  ay shaki ka qabaan ciidamada hada  jira oo Hawiye u badan yahay in lagu xasuuqo dagaal ay la galaan  Al-Shabaab oo ay marka dambe Farmaaje u suurtoobi doonto in uu dhiso ciidan reerkiisu ku badan yahay. Waxay leeyihiin qorshaha caynkaas ah Siyaad Bare ayaa hore u degay oo ciidamadii Jamhuuruyaddii xijaabatay ku xasuuqay dagaalo taas oo u suurto gelisay in uu xukumo  xukun qabiil u badan oo aan la iska tuuri karin.

Sidaa darteed waxay shacbkaasi bilaabeen in inta ay goori goor tahay laga hortago oo la fashiliyo qorshaha Farmaajo, Shacabkana la wacyi geliyo. waana ta maanta keentay waxa Maamul-Gobaleedyada la yidhaa in ay ka diidaan Ciidamada la isku dhex daro, madaxda maamuladda ayaa sheegay in ciidamada deegaanadooda ku sugan ay yihiin kuwa u gaar ah maamuladooda ayna aqbali doonin iney u taliyaan saraakiil Muqdisho laga soo magacaabo, iyaga oo ku sababeeyay in xilli hore ay tahay haatan oo aysan wax kalsooni ah ku qabin maamulka cusub ee Farmaajo.   

Allaa Mahad leh 

By, Hayaan 

Posted by Sxb-da Safka-Hore JSL.

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15670-0