Somaliland Patriots News

Dawladda Kenya Oo Cuucadaysay DF-da Somalia. - print


Date:Wednesday, April 05 @ 14:53:21 UTC


http://content.presentermedia.com/files/animsp/00002000/2483/carrying_question_pa_md_wm.gifhttp://www.warkii.com/wp-content/uploads/2017/03/Farmaajo-iyo-Uhuru-Kenyaata.jpgDawladda Kenya ayaa DF-da ( Dawladda Faashilka ) Somliya kaga baxday heshiis ay dhawaan wada galeen. Madaxweyne Kenyata oo noqday ninkii u horreeyay ee dhabarka ka toogtay Farmaajo.







https://i.ytimg.com/vi/rfjI2CFp3W4/hqdefault.jpgDawladda Kenya ayaa jebisay heshiis dhinaca duulimaadka ku saabsan oo ay dhawaan Magaalada Nayrobi kula gashay Madaxweynaha Somaliya Mr. Farmaajo. Heshiiska ayaa waxa kala saxeexday Madaxweynayaasha Kenya iyo Somaliya.

Heshiiskaas ayaa dhigayay in Kenya joojiso duulimaadyada ka taga Muqdisho ee dalkeeda u socda ee sii mara Wajeer oo aad loogu baadho islamarkaana duulimaadku si toos ah u tago Magaalada Nayrobi, waxaana maalmo ka hor Muqdisho ka baxday diyaaradii u horaysay oo toos u tagtay Nayrobi.

Hase-yeeshe duulimaadkii 2aad ee shalay ka baxay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay Kenya ku amartay in diyaaraddu sii marto Magaalada Somalida lagu dhibaateeyo ee Wajeer. Talaabadan ayay Kenya qaaday iyada oo aan soo wargelin DF-da Muqdisho.

Talaabadan ayaa ah mid ay Dawladda Kenya dhabarka kaga toogatay Madaxweyne Farmaajo oo markii uu heshiiska soo saxeexay uu Ra'iisal-Wasaarihiisu kaga hor khudbadeeyay baarlamaanka in uu yahay heshiis guul ah oo ay dawladoodu soo hoysay.

Madaxweynaha Kenya iyo Madaxweyne Farmaajo oo markii ay diyaaraddii u horraysay ka tagtay Muqdisho kana degtay Nayrobi barahooda twitterka ku soo qoray hadalo ay ku sheegayaan in heshiiskii duulimaadku hir galay ayaan wax dareen ah shalay ka bixin isbedelkan soo kordhay.

Laakiin idaacadaha Muqdisho ayaa shalay aad u qaadaa dhigay, waxaanay warbaahintu ku tilmaantay dhaawicii u horeeyay ee dalalka jaarka la ah Somaliya ka soo gaadhay Madaxweyne Farmaajo, waxaana la eegayaa in isbedelkan duulimaadka ku yimid uu ku koobnaado diyaaradda shalay iyo in uu noqdo mid saameeya duulimaad kasta oo sii mara Wajeer oo ay dadka Somalidu aad uga cawdaan.

Media

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15666-0