Somaliland Patriots News

JSL: Ismoog Udbihiibay Aslaysaa Ismana Oga!!!!!!! - print


Date:Saturday, April 01 @ 15:14:18 UTC


http://www.arabturkishtravel.com/wp-content/uploads/wow14-attg.gifhttps://us.123rf.com/450wm/blamb/blamb1407/blamb140700504/29636470-two-drunk-cartoon-men-have-a-conversation-in-a-pub.jpg?ver=6Murtida Todobaadka (2): Turkigu dhexdhexaad uma aha Somaliland & Somalia.
 'Ismoog Udbihiibay Aslaysaa Ismana oga'. JSL ha joojiso ergeynta Dawladda Turkigu ka dhex wado J. Somaliland iyo Somalia, oo ha la eryo wakiilkooda ka tirsan Safarada Turkiga ee  Xamar,  









http://www.arabturkishtravel.com/wp-content/uploads/wow14-attg.gif
'
Yaa u sheega ....Yaa Ogeysiiya....Alla Yaa u Sheega.....Ismoog Udbihiibey Aslaysaaye Ismana oga"

Image result for enemyWaa murti ka soo maaxatay abwaankii weynaa AHUN Cisman Adan Xuseen ( Cisman Askari ) oo tilmaamaysa dabinnada nacabkaagu kuu maleegayo ee laga war la'yahay ama aan la dareensaneynba.  

Dawladda Turkigu waxay la safan tahay ama ay la jirtaa Somalia.
   
Dawladda Turkiga oo afduubtay wadahadalkii u dhexeeyay J. Somaliland iyo Somalia waxa ay mabda'iyan ka soo horjeedaa qaddiyadda madaxbannaanida J. Somaliland. Wada hadaladaas oo madhaleys noqday waxa sidaa ka dhigay oo ugu tala gashay Dawladda Turkiga iyo cadowgeena, si loo niyad jebiyo JSL oo qadiyadooda loogu eekaysiiyo mid aan suurta gal aheyn... Sidaa daraadeed sinaba Turkigu dhexdhexaad ugama noqon karo wadahadaladeena oo dhinac buu la safan yahay.   

Taasna waxa sabab u ah ka qarnaqa xaqeenu Turkiga laftooda ayuu saameyn weyn ku yeelanayaa. Turkigu wuxu cadaalad darro iyo cabudhin ku hayaa qoomiyado kala duwan oo aan ogoleyn xukunkiisa oo ay ugu mudan yihiin Kurdiyiintu. Xasuuqii ka dhacay J. Somaliland ee uu hororkii Af-Weyne gaystay mid la mid ah ayey Turkigu u gaysteen qoomiyadda la yidhaahdo Armenians, dagaalkii koowaad ee dunida. Si la mid ah sida Somalia ayuu Turkigu u dafirsan yahay in gumaadkaa ay gaysteen. Dhiigyacabyadii falalkaa fuliyey wuxuu u haystaa halyey qarran. Taasina waxay la mid tahay sida Somalia ay Maxamed Cali Samatar iyo kuwii la midka ahaa oo uu ku jiro Morgan ay dhankooda geesiyayaal ka yihiin.   

Dawladda Turkeya waxa mucaawimo badan ay siisaa Somalia oo ay ugu horeyso ta millatariga. Milatariga Somalia waxa loo sameysanayaa waxa ka mid ah waxyeeleynta J. Somaliland. Taa bedaalkeeda Dawladda Turkey waxa ay sacabo guudkood inoo saaraan cad-quudheed aynaan gayin.  

Gunaanad:
 

JSL dhamaanteen, shacab iyo xukuumadba, waa in xidhiidhka loo jaraa Dawladda Turkiga. Haddii Somalia wada-hadal lala yeelanyo waa in ay ka ergeeyaan dawlado dhex-dhexaad ka noqon kara arrimaha la isku hayo oo wax fahamsan taariikhda labada dal.   

 Allaa Mahad Leh   

Sxb-da Safka Hore

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15664-0