Somaliland Patriots News

Waar Yaa Loo Xayeysiinayaa Xamartu Waa Tiiye?! - print


Date:Thursday, March 23 @ 22:23:00 UTC


نتيجة بحث الصور عن ‪Fanaanka heesta doorashada Farmaajo‬‏http://i.somethingawful.com/u/Viconia/Animate/linknaviflyswatter.gifMurtida Todobaadka:  Waar yaa loo xayeysiinayaa Xamartu ( Muqdisho ) waa Tiiye?!







http://karinnews.com/uploads//article/photo/IMG_99D4CA-DCE076-E949D3-E86662-0FBD0A-53A0D6.jpgMurtidaasu waxa ay ka soo maaxday Abwaanka Maxamuud Maxamed Dheeg waqti uu dadka hoga-tusaaleynayey in aanu Xamar war inagu seeganeyn oo ay tahay meel aanu wanaag inoo oolin haddii aynu nahay qaranka JSL.  

Hadaba ka dib doorasho-ku-sheegtii la soo sameeyay ee ka dhacday Dalkaas aynu jaarka nahay ee Somalia ayaa dadka qaarkii, gaar ahaan kuwa Somalidu,  caadifad aan meel gaadhsiisneyn ku soo dhoweeyeen.

http://aftahannews.com/wp-content/uploads/2016/12/Miyeynu-Sugnaa-intay-Warbaahinta-Indhow-aragtu-Somaliland-ka-abuurayso-Xasuuqii-Rwanda-oo-kale.jpegWaxaaana jirtay tiro yar oo Reer Somaliland ah oo dhededaas  roob mooday. Dadkaasna waxa ka mid ahaa fanaaniin heesaya oo  uu duufsaday  idhasarcaadka hilaaca ay roob moodeen ee dhanka  Xamar kaga yimid. Dhalinyaradaasu waxa ay u cayaareen oo u heeseen hadhaagii ummaddan JSL gumaaday. Waxay huwadeen oo luleen astaantii hawlgalkii xasuuqii loo gaystay Somaliland.

Waxa iyaguna jiray koox wariyayaal isku sheegay oo Xamar la soo damaashaaday iyaga oo ku faraxsan doorashada cid aanay waxba ka gallin farsamaysatay. Waxay dhalinyaradaas damiirkoodu ka damqan waayey Farmaajo (Shoodhe Af-Weyne) oo Morgan ( The butcher of Hargeisa ) u haysta halyey in ay u damaashaadaan.

Allaa Mahad leh


Ali H. Omer


This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15661-0