Somaliland Patriots News

Duqayn Loogu Geystay Qaxoonti Somaliyeed Meel U Dhow Dekedda Xodayda/Yemen. - print


Date:Friday, March 17 @ 21:41:10 UTC


http://i.ndtvimg.com/mt/2014-02/spanish_cargo_ship_france_afp_240x180.jpghttp://content.presentermedia.com/files/animsp/00005000/5562/question_mark_serious_thinker_md_wm_v2.gifUgu yaraan 30 qaxooti Somaliyeed ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay xeebaha Dalka Yemen ka dib markii uu gantaal ku habsaday doondii ay ku safrayeen.







Mid ka mid ah dadkii ku dhaawacmay doonta gantaalka lagu dhuftayIlo laamaha caafimaadka ka tirsan oo ku sugan Dekedda ay maamulaan Xuutiyiintu Magaalada Xodeydah/Yemen ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka mid yihiin haween iyo caruuur dhallaan ah, dad kale oo badan oo dhaawac ahna loo wareejiyay cusbitaallada Magaalada Xodayda.

Ilaalada xeebaha ayaa saxaafadda u sheegay in qaxootigan oo wata warqadii aqoonsiga qaxoontinimo oo rasmi ah oo ay bixisay Hay'adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ( UNHCR ) ay ku sii socdeen Dalka Suudaan ka dib markii ay weerartay diyaarad dagaal oo ah kuwa qummaatiga u kaca. Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa waxa ay muujinayaan maydad daadsan doonta dusheeda. Ku dhawaad 80 qof oo ka badbaaday ayaa waxa loo qaaday cusbitaalada Magaalada Xodayda sida ay sheegtay Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka ( IOM ).

Dekadda Magaalo-Xeebeedka Xudayda waxa gacanta ku haya Xuutiyiinta dagaalka labada sano socda kula jira waxa loo yaqaan Isbahaysiga uu hoggaaminayo Sacuudigu. Isbahaysigaas ayaa gacanta ku haya maamulka hawada Dalka Yemen.

Wakaalada wararka Yemen ee SABA oo ay gacanta ku hayaaan Xuutiyiintu ayaa sheegtay in qaxootiga laga soo weeraray dhinaca  cirka, weerarka noocaas ahna ay geysan karaan Isbahaysiga oo keli ahi.

Sidaas oo kale mid ka mid ah ilaalada badda oo la yidhaahdo Maxamed Calay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo ay qoryo ku rakiban yihiin ay weerarkaa geysatay.

Weli si dhab ah cidina sheegan cidda ka dambeysay weerarka Balse sarkaal ka shaqeeya dekada ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in doonidaas oo ku xidhatay dekedda Xudayda, dadkii dhintay iyo kuwii dhaawacmay lagu garaacay hub fudud.

Isbahaysiga la sheego in uu Dalka Sacuudigu hogaamiyo oo shilkaas lagu eedeeyay ayaan weli hadlin dhacdadani. Ilaa iyo haddana lama oga cidda weerarkaas u gaysatay Somalidaas qaxoontiga ah.

Media


This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15655-0