Somaliland Patriots News

Khilaaf Soo Kaa Dhex Galay Shaqaalaha Dekedda Berbera Iyo Shirkadda DPWorld. - print


Date:Sunday, March 12 @ 21:44:15 UTC


https://i.ytimg.com/vi/VIwgo-cGrNE/hqdefault.jpghttp://hargeisapress.com/wp-content/uploads/2014/07/DP-WORLD.jpgQaar ka mid ah shaqaalaha Dekedda Berbera ayaa saaka sameeyay shaqo joojin iyo mudaharaad ay kaga cabanayaan Shirkadda DP World ee la wareegtay dekaddaas 1dii Bilshan March.








https://i.ytimg.com/vi/VIwgo-cGrNE/hqdefault.jpgGudoomiyaha Gobolka Saaxil Md. Jaamac Yuusuf ee ay ka tirsan tahay Magaalada Berbera, ayaa saxaafadda u sheegay in shaqaalahu ay ka cabanayaan mushaharka ay shirkaddaasu u qoondaysay oo aad u yar, isaga oo intaa ku daray in ay hadda xaaladdu deggan tahay oo ay caadi tahay.

Madaxa qaybta gaadiidka iyo qalabka raridda iyo dejinta ee Dekedda Berbera Md. Xuseen Nuur Cabdi, ayaa isna sheegay in Madaxa Shirkadda DP World ee dekeddu uu si xun ula dhaqmay shaqaalaha. Waxa uu sheegay in ay Shiraddu shaqaalaha ku amartay in ay mushaar yar ku shaqeeyaan, haddii kalena la keeni doono kuwo ajnabi ah.

Wuxuu intaa ku daray in shaqaalaha qaarkood la xidhxidhay, islamarkaasna lagu furay rasaas nool. Shirkadda DP World ayaan weli ka hadal cabashada shaqaalahan iyo waxa khilaafka dhaliyay.





Mediahttp://content.presentermedia.com/files/animsp/00013000/13228/pushing_up_arrow_md_wm.gifhttps://www.youtube.com/watch?v=XtoMfvBLOgk


This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15654-0