Somaliland Patriots News

Beelsha Caalamka Oo Ka Walaacsan Dib-u-dhaca Doorashada JSL. - print


Date:Thursday, March 09 @ 21:22:10 UTC


http://jaarcadnews.com/wp-content/uploads/2016/10/51gh.pnghttp://www.picgifs.com/graphics/s/sorry/graphics-sorry-316360.gifDalalka saaxiibada dhow ee JSL ayaa ka walaacsan dib-u-dhaca ku yimid doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Baarlamaanka iyo Guurtida.









http://gabiley.net/wp-content/uploads/2014/11/EU-flag.jpgDalalka Denmark, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ntherlands, Sweden, Britain, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa sheegay inay si qotodheer uga niyad jabeen go'aanka dib loogu dhigay doorashooyiinka Somaliland.

Dalalkan oo si dhow ula shaqeeyay Somaliland ayaa sheegay in muddada loogu daray dowladda ay ka badan tahay middii ay dalbadeen.

"Dib u dhigidda doorashada madaxweynaha iyo midda baarlaamanka waxaa la sameeyay ayadoo aan la sababayn", ayaa lagu yidhi warka ay sida wada jirka ah u soo saareen dalalkaasi.

Waxay sidaas oo kale sheegeen oo ay yidhaahdeen, "Ma jiro qorshe wax looga qabanayo caqabadaha keenay muddada dheer ee loo kordhiyay baarlamaanka".

Waxay warka ku sheegeen in doorashada madaxweynaha laga dhigay Bilsha November ee 2017ka, midda Baarlamaanka iyo doorashada deegaamadana laga dhigay 2019ka.

"Dib-u-dhacu wuxuu dhaawacayaa hor-u-marka dimuquraadiyadda ee Somaliland, wuxuuna walaac geliyay ku kalsoonaanta dowladda iyo xushmadda dhaqanka dimuquraadiyadda ee saaxibada caalamiga ah", ayaa lagu qoray warka.

Dowladaha saaxiibada la ah J.Somaliland ayaa sheegay in baarlamaanka Somaliland ay xafiiska joogayaan 14 sano oo doorasho la'aan ah, haddii qorshahaa hadda la raaco.

"Waxay taasi ka badan tahay laba goor, sida uu qorayo dastuurka Somaliland", ayey ku sheegeen.

Waxay tilmaameen in Guurtida ay ku baraarujinayaan inay muujiyaan xushmadda ay u hayaan codbixiyayaasha Somaliland.

"Dib ha u eegaan go'aankooda, hana dejiyaan waqti kama dambeys oo lagu qabanayo doorashada madaxweynaha, baarlamaanka iyo midda deegaamada, sida ugu dhaqsaha badan ee muuqata".

Waxay sheegeen inay meel cad ka taagan yihiin kordhinta waqtiga iyo dib u dhigidda doorashada.

Warsaxaafadeedka waxay ku sheegeen. "Ku kalsoonaanta dowladda Somaliland halis ayey ku jirtaa, waxaana la waayi doonaa maalgashiyo muhiim ah".

Waxay dowladaha warka soo saaray sheegeen in aanay bixin doonin qarashka ku baxaya dowladda muddada waqtiga loogu daray.

Media


This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15652-0