Somaliland Patriots News

Muddo-Kordhin Loo Sameeyay Xukuumadda Iyo Wakiilada JSL. - print


Date:Tuesday, March 07 @ 21:06:52 UTC


http://gabiley.net/wp-content/uploads/2015/03/Loogo-Sl-1.jpghttp://www.longlivesomaliland.com/IMAGES/Golaha-Guurtida-SL.jpgMudanayaasha Golaha Guurtida JSL ayaa kordhiyey muddo-xileedka Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada JSL ee wakhtigoodu dhammaaday.








http://gabiley.net/wp-content/uploads/2015/03/Loogo-Sl-1.jpgFadhigan maanta oo ka dhacay hoolka shirarka ee Golaha Guurtidda JSL ayaa muddo laba bilood ah ku daray wakhtigii ay ku heshiyeen Xisbiyada Qaranka iyo Xukumadda JSL ee ku mudaysnaa 10/10/2017, halka doorashada aqalka wakiilladana ay u cayimeen in ay dalka ka qabsoonto taariikhda 10/10/2018-ka.

74 Xildhibaan ayaa ogolaaday in doorshadda Madaxtooyadda JSL la qabto taariikhda 13.12.2017, hal xildhibaan ayaa ka amusay guddoomiyhuna muu codayn waxaana sidaas ku dhaqan galay in Xukumadda Madaxweyne Silaanyo loo kordhiyey muddo 9 ( sagaal ) bilood ah oo ku eg 13ka maalinta bilsha 12aad ee sanadkan ( 2017 ).

Golaha Wakiillada ayaa loo kordhiyey muddo laba sano ah, waxaana doorashada Golaha Wakiillada la qabanayaa taariikhda 28.4.2019. Xukumadda, Guddida Doorashooyinka Qaranku, Xisbiyada iyo Komishanka Doorashiiyinka ayaa hore isugu waafaqay in doorashada madaxtooyaddu ay dalka ka qabsoonto taariikhda 10/10/2017, halka doorashada Golaha Wakiilladana ay u cayimeen in ay qabsoonto taariikhda 10/10/2018ka.

SL Media

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15651-0