Somaliland Patriots News

Dawladda Ingiriiska oo Soo Hadal-Qaaday Saldhigga Millatary Ee Berbera/JSL. - print


Date:Wednesday, March 01 @ 14:03:40 UTC


http://www.somalilandsun.com/images/2017/Feb/Somaliland_Hosting_a_Foreign_Military_Poses_Is_Beneficial__but_Poses_Regional_Challenges_.JPGBaarlamaanka Ingiriiska ayaa Wasiir Xukuumadooda ka tirsan waydiiyay su'aal ah in uu Dawladaha JSL, UAE iyo Sucuudiga kala hadlay Saldhiga Berbera.










https://4.bp.blogspot.com/-B-oi6_jQwkg/VzyHjtBGSII/AAAAAAAAAj0/IdtdV4soJAsuS-15SFr3hsHjaYXnTG2_wCLcB/s1600/IMG_E74CEC-EC7135-BF52D0-E08839-A3EE17-F95F96.jpgXildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa Xukuumadooda Ingiriiska weydiiyay in ay wax wada-hadalo ah kala yeelatay mas'uuliyiinta JSL, Imaaraadka Carabta amaba Sucuudiga arrintan ku saabsan saldhiga millatari ee Berbera laga siinayo Imaaraadka Carabta ( UAE ).

Xildhibaan Mr. Stephen Doughty oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska oo ah xildhibaan taageera qaddiyadda JSL, ayaa Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo Bariga Dhexe Mr. Tobias Ellwood weydiiyay in uu mas'uuliyinta dawladahaas wax wada-hadal ah kala yeeshay aasaaska saldhiga millatari ee Imaaraadka Carabtu doonayso in ay ka samaysto Berbera.

Wasiir Mr. Tobias Ellwood, ayaa ku jawaabay sidan, “Wax wada-hadalo ah kalamaan yeelan Dawladda JSL, Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga toona aasaaska saldhigga millatari ee Imaaraadku ka rabaan Berbera.”

Su’aashan iyo jawaabtan xildhibaanka iyo wasiirka dhex martay, ayaa inkasa too ay tahay mid kooban haddana waxa ay muujinaysaa heerka uu gaadhay warka saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu doonayo in uu ka samaysto magaalo Xeebeedka Berbera.

SL Media

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15648-0