Somaliland Patriots News

Maxaa ka Jira Dembiga Kufsiga Ah Ee Loo Haysto Armaajo? - print


Date:Wednesday, March 01 @ 01:23:56 UTC


http://warqab.com/wp-content/uploads/2017/01/kufsi-1.jpgG/sare C/llaahi C/raxmaan oo ka mid ahaa saraakiishii ciidamada booliska Soomaaliya burburkii ka hor, ayaa sheegay in uu ka mid ahaa koox saraakiil ah oo loo xilsaaray in ay baadhaan gal-dacwadeed kufsi oo lagu soo eedeeyey dhalinyaro uu ka mid ahaa MC Farmaajo.









https://i1.wp.com/kowtharmedia.com/wp-content/uploads/2017/01/Kufsi.jpg?resize=720%2C400Waxaa isa soo taraya, aragtiyo qaar ka mid ah dadka shicibka ah ay ka bixinayaan  fal-dambiyeedyo kufsigu ka mid yahay oo lagu eedeynayo in uu geystay 1986-1987-meeyadii Madaxweyne MC Farmaaj
.
G/sare C/llaahi C/raxmaan oo ka mid ahaa saraakiishii ciidamada booliska Soomaaliya burburkii ka hor, ayaa sheegay inuu ka mid ahaa koox saraakiil ah oo loo xilsaaray in ay baaraan gal-dacwadeed kufsi oo lagu soo eedeeyey dhalinyaro uu ka mid ahaa MC Farmaajo, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in dhalinyaradaas oo u badnaa qoyskii xilligaa madaxda dalka ahaa in Magaalada ay ka geysan jireen tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.


SIDEE BUU U DHACAY KUFSIGA ?

Waxay aheyd intii u dhaxeysay sannadihii 1986-1987 waxuuna falkan Kufsiga ah uu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somaliya, waxaana gaystay Saddex Dhalinyarro ah oo xiligaasi Aabayashood ahaayeen Madaxda dowladii Maxamed Siyaad Barre. Gabadha la kufsaday ee la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Faadumo Careys Ciise Kaarshe waxayna ka soo jeeday Beelsha Awrtable (Yuusuf Daarood) waxaana dhalay Abwaankii weynaa ee Careys Ciise Kaarshe waxayna la dhalatay Gabadh Xildhinaabad ah oo hadda ku jirta Barlamaanka Somaliya laguna magacaabo Sacdiyo Careys Ciise Kaarshe. Gabadhaan la kufsaday ee Faadumo Careys Ciise Kaarshe waxa ay laheyd Imtixaan xiliga la kufsanayay waxayna dhiganaysay Jaamacadda Gaheyr waxaana u tegay wiil uu dhalay Wasiirkii Maaliyadda Somaliya Maxamed Sheekh Cusmaan oo Beelsha Murusade/Hawiye ka soo jeeda kaas oo lagu magacaabo Meekal Maxamed Sheekh Cusmaan “Meekal Jiis” waxuuna Gabadha ku yidhi waxaan kuu hayaa Waraaqaha Qishka Imtixaanka oo Macalimiinta laga helay waan ku soo siinaya ee ina keen waxuuna ku soo qaaday Baabuur isaga oo keenay meel ay ku sii sugayeen labo dhalinyaro ah oo Saaxiibadiisa ahaa.

Labadaas Dhalinyarada ah ee sugayay Meekal Jiis waxa ay kala ahaayeen Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Maxamed Cabdi Xoosh oo labaduba Beelsha Mareexaan/Daarood ka soo jeeda aadna loogu yaqaanay Magaalada Muqdisho xiligaas oo ay ahaayeen Dhalinyarada Madaxdii Kacaanka ay dhaleen ee sida weyn ugu tuman jiray Xamar. Gabadhii saddexdaas Dhalinyarada ah ayaa Kufsaday kadibna waa ay dileen iyada oo lagu wareersan yahay in lagu dilay Bistoolad uu watay Meekal Jiis ama Mindi balse Meydkeeda ayay ka carareen iyada oo maalintii labaad markuu kufsiga dhacay la helay Meydka Marxuumad Faadumo Ciise Kaarshe.

Maalintii labaad ayaa Radio Muqdisho abaara 2dii duhurnimo laga sheegay in uu Kufsigaasi dhacay waxaana si deg-deg ah ciidamadu u soo qabteen Meekal Maxamed Sheekh Cusmaan “Meekal Jiis” oo xabsiga la dhigay oo Gabadha Saaxiibadeed Gahayr isla dhigan jireen ay sheegeen in Meekal Jiis uu ugu yimid Jaamacada uuna soo kaxeeyay Marxuumada la kufsaday. Maalintii ku xigtay maalintaas ayaa waxaa si deg-deg ah dalka looga dhoofiyay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Maxamed Cabdi Xoosh, xiligii Farmaajo iyo Saaxiibkiisa la dhoofinayay waxaa Airport-ka Muqdisho haystay oo Maareeyaha Airport-ka ahaa Marxuum Cabdilaahi Maxamed oo ahaa Madaxweyne Farmaajo Aabihiis, waxaana labada Wiil loo diray Dalka Mareykanka.

Maxkamadda Gobalka Banaadir waxaa la soo istaajiyay Meekal Maxamed Sheekh Cusmaan “Meekal Jiis” waxuuna Meekal isku difaacay in aanu isagu waxba Kufsan oo aanu dilin Gabadha balse labadaas Nin ee Saaxiibadiisa ahaa ay isaga Lacag ku siiyeen in uu Gabadhaasi Jaamacadda ka soo saaro uuna u keeno kadibna uu isakaga tagay markii uu u keenay oo aanu la socon waxa meesha ka dhacay. Qaadida Maxkamada Gobalka Banaadir ayaa markaas Dacwadda halkaasi ku xidhay isaga oo ku andacooday illaa labada Wiil ee baxsaday la keeno in aanu Dacwadaas qaadi doonin, waxuuna sii daayay Meekal Jiis, waxaanay arrintaasi qabsatay Dhagaha Shacabka Xamar ku noolaa waxaana la awoodi waayay in Kiiskaasi si cadaalad ah lagu kala baxo maadaama Wiilasha falka gaystay ay ahaayeen Wiilal ay dhaleen Madaxdii Kacaanka.

Dagaaladii sokeeye ayaa dalka ka dhacay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Saxiibadiis-na Reero ayay yeesheen arrintiina waxay noqotay mid la iska hilmaamay balse markii 2009kii loo magacaabay Ra’iisul-wasaaraha Somaliya ayaa waxaa durba Shacabka Somaliyeed xasuusteen inuu ahaa ninkii falkaasi kufsiga, dilka iyo baxsadka gaystay oo ah saddex dambi oo aad u waaweyn, waxaana Gabadha reerkeeda qaar ka tirsan ay Dacwad ka fureen Maxkamada Dambiyada Adduunka ee 'The Hague' ee dalka Holland.

Sannadii 2010kii ayaa Madaxweynaha xiligaasi ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed waxa ay Maxkamada 'The Hague' soo gaadhsiisay Waraaq ay ku cadeyneyso in Ra’iisul-wasaarihiisa Farmaajo Dacwad ay ka taalo Maxkamadaasi loona baahan yahay in uu yimaado Maxkamada isna difaaco, waxuuna Madaxweyne Shariif ku amray Farmaajo in uu iscasilo kadibna uu tagao Maxkamadda 'The Hague', taas oo uu Farmaajo ka madax adeegay labada mas'uulna uu khilaaf xoogani ka dhex dhashay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa xiligaasi waxuu la tashtay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa Saaxiibkiisa waxayna labadoosa kulan Qado ah kula yeesheen Farmaajo Villa Somaliya iyaga oo ka dhaadhicin waayay in uu Maxkammada 'The Hague' tago oo uu isdifaaco taas oo u muuqatay in uu Farmaajo ka cabsanayay in dambigaasi lagu helo lana xukumo, waxuuna Shariif is tusay in Dowladiisa sumcad xumo xoogan soo wajahayso hadii arrintaan ay sii socoto oo jawaab la siin waayo Maxkamada waxuuna khilaaf la kala dhex dhigay Farmaajo iyo Barlamaanka taas oo markii dambe Farmaajo uu ku baxay.Xiligaasi Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha ayaa Farmaajo Maxkamada The Hague lagu dacweynayay waxaa howshaasi lug ku laheyd Xildhibaanad Sacdiyo Careys Ciise Kaarshe balse hada markii uu Madaxweynaha noqday oo qaar ka mid ah Ehelada gabadhii la xoogay la xidhiidheen Walaasheen Xildhibaanad Sacdiyo ayay diiday inay kala qeyb-gasho Dacwada cusub ee Maxkamada 'The Hague' looga furayo Madaxweyne Farmaajo taas oo u eg in Xildhibaanada afkeeda la qabtay oo Lacag la siiyay, balse waxaa jira qaar ka mid ah Ehelada Gabadha la xoogay oo aan ogolaaneyn Af-qabasho kuna nool dalka Holland oo arrintaan u ololeynaya.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa si weyn looga fajacsan yahay in Madaxweynaha xiligaan ee Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu yahay nin hore Kufsi, Dil iyo Baxsad uga geystay Somaliya waxuuna xilkiisa ku waayi karaa hadii Maxkamada 'The Hague' lagu furo dacwadaasi looguna yeedho taas oo Dastuuurka Somaliya uu qabo in aanu dalka hogaamin karin qof Dacwad noocaas ah lagu soo eedeeyo waxaanu markaas ku qasbanaanayaa in uu iscasilo oo uu tago Maxkamadda 'The Hague' isna difaaco oo uu qareen qabsado hadii dambiga lagu helana uu muteysan karo Xabsi daa’in ama Dil.

Xogta Media: http://www.animatedimages.org/data/media/111/animated-arrow-image-0002.gifhttp://warqab.com/wp-content/uploads/2017/01/kufsi-1.jpg


This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-15647-0