Somaliland Patriots News

Shahaadooyin La Guddoonsiiyay 101 Arday Oo Ka Qalin Jebiyey Kulliyadda SHIFA/JSL - print


Date:Saturday, February 04 @ 15:36:56 DAVT


Xaflad ballaadhan oo loo qabtay qalin-jebinta 101 Arday ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda, Maamulka iyo Macallimiinta Kulliyadda Caafimaadka ee SHIFA, Dhakhaatiir, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Marti-Sharaf kale oo tiro badan.








Guddoomiyaha Kulliyadda Caafimaadka ee SHIFA Md. Cali Axmed Cali oo halkaa ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey sidii ay ku asaasaaeen kulliyadda SHIFA. Waxaa la asaasay sannadkii 1999kii ka dib markii la arkay baahida ay dadka Reer Somaliland u qabeen barashada caafimaadka. Ayuu yidhi Cali Axmed.



Waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi, "Waxaa SHIFA ka qalin-jebiyey intii ay jirtay 9 dufcadood oo tan maanta ku jiro. Dufcaddan maanta qalin jebisay ayaa ah tii 9aad oo ka kooban 101 arday oo isugu jira 71 kalkaaliyenimada ka qalin jebinaya iyo 40 ka qalin jebinaya shaybaadhka.”

Waxa uu ardayda kula dardaarmay inay aqoontaa caafimaad ay barteen si ay dadkooda uga faa'ideeyaan.  



Guddoomiha  Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro] oo xafladdaa ka hadlay, ayaa yidhi, "Waxay ii tahay farxad inaan ardaydan xafladan kala soo qayb galo ka qalin jebisay Kuliyadda Shifa. Cilmiga aad barateen waa cilmi ay bulshadu u baahan tahay".” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
 

Waxa uu tilmaamay inay tahay wax lagu farxo ardayda caafimaadka baratay, isaga oo xusay inay kulliyadda caafimaadka ee Shifa ay buuxisay kaaalintii barashada caafimaadka ee waddanku u baahnaa.

Markii hore arday ayaad ahaydeen laakiin maanta arday waad ka baxeen oo xil ayaa idin fuulay, dad ayaad eegaysaan waa dad u baahan gargaar caafimaad. Waxaa la idinka baahan yahay dulqaad, akhlaaq iyo dadaal iyo inaad sida ugu wanaagan aad u gudataan hawlaha caafimaadka ee aad qabanaysaan". Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Waxa uu wasaaradda caafimaadka u soo jeediyey inay tixgelin iyo wada-sahaqayn la samayso kulliyadda caafimaadka ee Shifa.



Agaasimaha Wasaaradda Caddaalada Md. Galaydh oo halkaa ka hadlay, ayaa hambalyeeyey ardayda qalin jebisay isaga oo yidhi, "InshaAlaahu waxaan rajaynayaa inaad noqotaan kuwii dadku ku rayn lahaayeen". 



Waxa uu sheegay inay shaqada dhakhtarnimadau tahay mid adag oo mas'uuliyadeedu culus tahay, isaga oo ardayda ku booriyey inay ilaaliyaan akhlaaqiyaadka caafimaadka.

Shifana miisaan weyn ayay Somaliland ku leedahay. Waxaan rajaynayaa inaad J. Somaliland oo dhan aad ku baahin doontaan Shifa". Ayuu yidhi Agaasime Galaydh.



Agaasimaha cusbitaalka TB-da ee Hargeysa Dr. Cismaan Maygaag oo xafladdaa ka hadlay, ayaa ardayda u hambalyeeyey kuna dardaamay inay si taxadir leh u gutaan hawlaha caafimaadka ee loo barbaariyay inay ku shaqeeyaan.

 

Waxa kale oo isugna halkaa ka hadlay Dr. Saleebaan Jaamac Cabdi [Raamboo] oo sheegay inay dhibaato badani kala soo derisgtay in waddanka laga furo goobo lagu barto caafimaadka, isaga oo tilmaamay in mahachadka caafimaadka ee Shifa uu kaalin weyn ka qaatay baahidii caafimaadka ee Jumhuuriyadda Somaliland ka jirtay.

"Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad ilaalisaan akhlaaqiyaadka iyo qiyamka uu leeyahay caafimaadku". Ayuu yidhi Raanmboo. Isaga oo intaa raaciyey, "Waxaan kale oo aan idinkula dardaarmayaa inaad halkaa ka sii waddaan caafimaadka. Waxaad kale oo aad ku tala gashaan degmooyinkeena iyo gobolada oo dhami waa bilaa caafimaad. Markaa waxaan odhan lahaa waxaa loo baahan yahay in meel kasta laga furo Shifa". Ayuu ku soo gebogebeeyay hadalkiisa.”



Waxa isaguna halkaa ka hadlay Dr. Shiine oo sheegay in uu hambalyaynayo dufcadda sagaalaad ee ka qalin-jebisay Shifa, isaga oo tilmaamay in ardayda Shifa ka baxdaa ay yihiin kuwo aqoon leh. “Shaqaalaha ugu badan ee ka shaqeeya cusbitaalada Manhal waxay wax ka soo barteen Shifa.”

Waxuu u mahad celiyey maamulka iyo macalimiinta Shifa sida fiican ee ay wax u bareen ardaydii kala duwanayd ee caafimaadka ka bartay iskuulka Shifa.
“


"Ardaya qalinjiebinaysa waxaan leeyahay waxaad ka shaqayn doonaa waxa ugu qaalisan oo ah caafimaadka dadka. Waxaad u shaqayn doontaan dad jilicsan oo xanuunanaya oo loo baahan yahay inaad u dul qaadataan. Qofka kalkaaliyaha waxa looga baahan yahay saddex arrimood oo kala ah aqoon, xirfad iyo akhlaaq".
”
Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka GURMAD Nuur Faarax oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in barashada caafimaadku yahay aqoonta ugu qiimaha badan ee la barto, isaga oo hambalyeeyey ardayda culuumta caafimaakd bararay ee Shifa ka baxday.

Maxamuud Axmed oo ka mid ardayda qalin jebibisay oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay ka soo bixi doonaan mas'uuuliyada aqoonta caafimaadka ee ay barteen.

SL Media

This article comes from Somaliland Patriots News | Somaliland News
http://www.somalilandpatriots.com

The URL for this story is:
http://www.somalilandpatriots.com/news-11945-0