 Waxa ka dhacdey Galbeedka magalada London kulan balaadhan oo ay soo abaabuleen Jaaliyada Somaliland ee Uk gaar ahaan magalada London shirkaas oo ku saabsanaa soo dhaweyntii Boqor Osman Aw Mohamoud (Buurmadow) iyo lakulanka beesha Ciise ee London iyo shacabka reer Somaliland ee degan magaladan London. Sawirada.
Dadkii madasha ka hadlay oo isugu jirey Odayaal,madaxdhaqameed,aqoonyahano iyo Haween waxa dadkii madasha ka hadlay ka mid ahaa wakiilka Somaliland ee wadanka Irland C/fataax S.Axmed oo ugu horeyntii Boqor ka ku amaanay kasoo qaybgalka soo dhaweynta ah iyo dhamaan dadkii madasha kasoo qaybgalay kuna tilmaamay Boqorka mid had iyo jeer dedaal farabadan sameeya.
Haruun Sheekh C/raxman oo isna madasha ka hadlay waxa uu ugu horeyntii Boqor ka kusoo dhaweyey madasha isagoo xaga kalana usoo jeediyey dadweynihii reer Somaliland ee madasha jooga in ay isku duubnadaan oo isku si wax u wada raadino oo marka qurbaha la joogo aynu ka shaqeyno sidiiSomaliland danteeda loo wada raadin lahaa,isagoo xisbiyadana usoo jeediyey inay isku si wax u wada radiyaan.
 Waxa isna hadalo kookooban soo jeediyey Maxamed Aw Dahir oo boqorka marka hore salaam usoo jeediyey kuna amaanay dedaalka fara badan ee uu had iyo jeer isku hawlo isagoo qayb weyn ka qaatey nabadeynta Somaliland iyo dalalka aynu jaarka nahayba,isagoo sheegay in Boqorku uu dalal farabadan oo calamka ah aad loogu soo dhaweyey.
waxa lagu soo dhaweyey madasha Boqor Osman Aw Mohamoud (Buurmadow) oo marka hore usoo jeediyey dadkii soo abaabulay shirkan gaar ahaan haweenka mahadnaq iyo weliba kasoo qabgalka ay kasoo qaybgaleen dhamaan shacabka reer Somaliland gaar ahaan beesha Ciise oo dhawaan ugaas sameysatey,

Waxa uu Boqorku hadalkiisa oo dhinacyo badan tabanaya uu marka hore ku bilaabay in dalkii uu ka bixiyo warbixin yar oo kooban una sheegay shacabkii madasha fadhiyey `hadii cidi idiin warantay oo shirar idiin qabatey waxa aan idiinsheegayaa dalkii waa nabad ,raxmad baana ka da`aday dalkiina waa barwaaqo `,isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu sheegay horumarka dalku sayey uu aad u badan yahay dalkana loo bahan yahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo.

Waxa uu ku dheeradey in xukumada la qiimeeyo oo wixii ay ku khaldan tahay si wada jir ah loo wajaho mucaaradkuna ay soo bandhigaan ama cadeeyaan waxa ay kaga wanagsan yihiin dawlada isagoo hadalkisii sii wata in la iska daayo midi midi ku tag oo si wanagsan wax loo wada qabsado.
 Mar uu ka hadlaayey doorashada lafilaayo inay qabsoonto waxa uu Boqor Cismaan sheegay in ay adag tahay in la ogaado wakhtiga doorashadu dhacayso isagoo sheegay in madaxda dawlada iyo kuwa mucaaradkuba iyo shacabtoona anay ogeyn oo taas uu ku micneeyey in cid loo xilsaaray oo ay shaqadoodii wataan ,kana dhursugno marka ay inoo soo bandhigaan.  Waxa intaas ka dib uu usoo jeediyey Hanbalyo uu u soo jeediyey Ugaas ka dhawaan lagu caleemo saarey ee beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahim oo uu sheegay inlagu soo casumay lakiin uu hawlo ku maqnaa aadna uga xumaaday in aanu caleemi saarka jogin waxa kale oo uu usoo jeediyey baaq Isimada reer Somaliland ee ku shiraaya bariga Somaliland in wixii khalada lagu saxo si nabad ah ayna sida ugu dhakhsaha badan gogol ugu fidin donaan.  Isagoo intaas ku daray in shacabweynaha reer Jabouti ay doorashada ay filayaan si wanagsan ugu dhacdo isagoo weliba talo usoo jeediyeyku sheegay inay ay Ismaciil Cumar Geele dib u doortaan.   Nagiib Maxamed Cusmaan oo ah nin dhalinyaro ah oo firfircoon oo markii madashu dhamaatey aan wax ka weydiiyey sida soo dhaweyntu u dhacdey waxa uu ii sheegay in ay u dhacdey si wanagsan una soo jeediyey mahadnaq Boqor Buurmadow iyo shacabweynaha ka soo qaybgalyaba ee Reer Somaliland. Hamse Ahmed Salaan
|