 Waxa maanta lagu arkayay waddooyina iyo weliba Xurmo badan oo Maamulka Bosasao/Pugtland Ciidamo aad u fara badan oo la soo dhoobay. Goobaha sida gaarka ah Ciidankaasi dadweynahu ugu arki kareen waxa ka mid ah Xurunta Gobolka Bari, Banaanka Xurunta Dowlada Hoose Ee Bosaso, Dekeda Magaalada, Bangiga Dhexe Ee Magaalada.
Waxa maanta lagu arki karay Wadooyina Iyo Weliba Xurmo badan Oo Dowladeed Ciidamo aad u fara badan oo la soo dhoobay goobaha sidaa gaarka ah Ciidankaasi dadweynahu ugu arki kareen waxa ka mid ah Xurunta Gobolka Bari, Banaanka Xurunta Dowlada Hoose Ee Bosaso, Dekeda Magaalada, Bangiga Dhexe Ee Magaalada, Madaxtooyada Iyo weliba Jidka u baxa dhank Agagaarka Masaajidul Faadumo Boqolaal Ciidamo ah oo ku Hubeysan Gawaarida dagaalka oo la soo dhoobay kuwaasi oo goobaha sii weyn u fadhiyey Aadna u maleyso inay yahiin kuwa weerar lagu yahay Ama iyagu weerar ah. In kasta oo aan si dhab ah loo ogeyn sababaha Ciidankan loo soo dhoobay goobaha ayna xurumaha uga sameysteen ayaa hadana waxa jira warar sheegaya in Ciidankan uu hawl-galada Bilaabay kadib markii Taliyahii PIS-ta ee xilka laga qaday uu ku hanjabay inu la wareegi doono magaalada Bosaso uuna xabad ka xigo xil ka qaadista Faroole ku sameeyay.
Dadweynaha magaalada ayaa aay la soo deristay cabsi iyo welwel, iyada oo maantana dadweynahu Arkeen Markab nooca dagaalka ah oo aay diyaarado ka duul heehabi kaasi oo wax yar u soo jirsaday Dekeda magaalada Bosaso, waxana dad badan cabsi ka qaban in xaaladda magaalada Bosaso noqoto mid la mid ah xaalka Xamar ka jiro
Dhinka kale sidaa aan ku helnay warar lagu kalsoonan karo waxa soo baxaya khilaaf soo kala dhex galay Taliyeyaal Ciidan iyo weliba Madaxweyne Faroole kuwaas oo la sheegay inay ka biyo diiden Amarada Cabdiraxmaan Faroole, Sidaa u Somalifans Online u sheegay mid ka mid ah Saraakiisha Madaxtooyada oo ka gabsaday in magaciisa Saxaafadda laga xuso. Waxana Amar diidadan ay iman xili madaxweynaha aay heysato xaalad adag oo ka soo wajahday xil ka qaadis uu ku sameeyey Taliyahii PIS-ta ee hore Cismaan Diyaano, kaasi oo u ku bedelay Cali Biinge oo ah nin sidaa la sheegay u dhow Dhanka Madaxweynaha oo Qurbawi ah. http://somalifans.net/2010/03/14/wararka-2175/Source: Somalifans Online
|