 Munaasabad lagu furayay Kuuliyad cusub oo lagu soo kordhiyay waxbarashada Jaamacadda ADMAS qaybteeda magaalada Hargeysa, ayaa lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa. Sawirada.
Munaasibaddan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay, isla markaana ay ka qayb galeen Wasiirka Dhalinyarta iyo Ciyaaraha, Wasiir-ku-xigeenka Cadaaladda, Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada, Wasiir-ku-xigeenka Ganacsiga, Maamulka sare ee Jaamacadda ADMAS ee Magaalada Hargeysa, Aqoonyahanno iyo marti-sharaf kale oo badan, ayaa ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiye-ku-xigeenka Jaamacadda ADMAS Xuseen Cabdilaahi Maxamuud oo halkaa ka shaaciyay Kuuliyad cusub oo ay ku soo kordhiyeen Kuuliyadihii kale ee Jaamacaddaas, taas oo ah KUULIYADDA CILMI-BAADHISTA IYO HORUMARINTA DHAQAALAHA.
Waxaanu sheegay in Kuuliyaddan cusub ay wax ka dhigi doonaan oo ay Macallimiin ka noqon doonaan aqoonyahan khibrad u leh Maddooyinka ay dhigayaan, isla markaana Ajaanib ah.
Guddoomiye-xigeenka Jaamacadda ADMAS, qaybteeda Hargeysa waxa uu sheegay in Kuuliyadda ay soo kordhiyeen ay tahay mid loo baahan yahay, isla markaana dadku tahay inay bartaan.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamuud Siciid Maxamed oo ka hadlay xafladaasi ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay Kuuliyadda cusub ee ay soo kordhisay Jaamacadda ADMAS, isla markaana sheegay in ay tahay mid loo baahan yahay.
Waxaa isna halkaa ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada Ismaaciil Muxumed Madar oo ka warbixiyay taariikhda Jaamacadda ADMAS iyo xidhiidhka ay Wasaarad ahaan la leeyihiin Jaamacadda. Waxaanu sheegay in Wasaaradiisu si weyn u soo dhawaynayso kulliyadda cusub ee ay Jaamacada ADMAS soo kordhisay, waxaanu tilmaamay in Wasaarada ay Jaamacadaasi la leedahay xidhiidh aad u wanaagsan.
Dhinaca Kale, Wasiir Ku Xigeenada Wasaaradaha Cadaalada iyo Ganacsiga ayaa hadalo ay xafladaasi ka jeediyeen soo dhaweeyay Kulliyadan cusub, isla markaana ka waramay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dale e Somaliland iyo Itoobiya oo laga leeyahay Jaamacaddan ADMAS. Dadkii kale ee halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Madaxa Hay’adda Waxbarashada Afrika ee AET Xasan Axmed (Xasan-Embassy), Faadumo Siciid, Prof. Ixsaan Xasan oo ka mid ah Macallimiinta wax ka dhiga Jaamaddan iyo aqoonyahan kale, kuwaas oo dhamaantood ku dheeraaday muhiimadda ay Kuuliyaddan cusubi u leedahay dalka iyo Bulshada. Wayneeh sawirada: http://www.flickr.com/photos/24945908@N02/sets/72157623480524371/Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
|