 Muranka iyo ismaqiiqa Cabdirezaaq waxa inagaga filan dareenkii ummadda Reer Somaliland ka bixisay sidii loo majara habaabiyey qaabkii loo midayn lahaa labadii mataanood ee Hargeysa iyo Muqdishu. Bal aynu waxoogaa ka soo qaadano maansoyahankii Somaliland arrinta waxay ka yidhaahdeen: By: Sabeyse
Ugu horeyn sannadkii 1961 ayaa Cabdirezaaq Xaaji Xuseen oo Wasiirkii Arrimaha Gudaha ihi booqasho ku yimid Somaliland, goobihii u maray waxa ka mid Gabiley; dad tiro badan oo dabaaldegeya ayaa wasiirkii soo dhoweeyey; goobtii ayaa Allah ha u naxariistee Cabdillaahi Suldaan “Timcade” gabay ka tiriyey, waxana ka mid ahaa:
WAADIGII NA DULMAAYAYEE, DAD MA JOOGO LAHAAYE, WASIIRKII DAAKHILIGOO, MAANTA DAAD MA KU QAADAY. Tima-Cadde
Isla sannadkaa 1961 ayuu Allah ha u naxariiste Cabdillaahi Suldaan Muqdusho safar ku tegey, isaga oo cabiraya wixii uu la kulmayna, wuxu yidhi:
GOORTAAN HOROO LOO DURKIYO DEREJO EEGAAYEY, HADDUUN BAA SIDII BUUL DUQEED DAAHA LOO ROGAYE, IMMIKAA LA DOONDOONAYAA DIR IYO DAAROODE, NINNAAN HA U DABAAL DEGIN DOWLAD BAA XAMAR, FADHIDA DOORAKAN MAANTA AHE. Tima-cadde
Waxa sidaas oo kale isna arrimihii jiray gabay ugu sheegay Allah ha u naxariiste Axmed Ismaaciil Diiriye “Qaasim” isna wuxu yidhi:
HALKII AAN HOROO LOO DURKIYO DARAR KA EEGAAYEY, IYABA WAA DARXUMO II MAQANE DACAR MIYAAN LEEFAY, MA DORRAATO RAADKAAN DHIGAAN DIB UGU SOO LAABTAY, SIDIIYOON DAYEYS NAHAY MIYAAN DOWGII KA HABAABAY, DUSHA MIDABKA SOMALI BAAD DUGULKA MOODAAYE, MISNA LAGU MA DIIRSADE QALBIGA WAA DIRKII KARALE. Qaasim.
Gabayada ka sekow waxa iyana jirey heeso farabadan oo waayihii iyo waaqicii laga la kulmay gobanimadii soofdaran habaowday oon halkan lagu soo goobi Karin. Aynu mid ka soo qaadano:
Gaajada ka bax baan guntiga u furtee, ma haddaan galay geerashkeedii. Maxamou Indhoole.
Hadaba sidii haaraha kaliileed cirkoo hooray, onkodkiyo hilaaco is qabsaday hanqadhka ina Catoosh ka soo yeedhaya marnaba noqon maayo mid masiir ummadeed mar labaad hilinka toosan ka habaabiya; Hadba sidii baabulaha aar oo caarayuub la cuskiyo gediisii duqu ha u cartamo. Sow kan duqii Cabdi-Taarwale qayladiisii iyo reenkiisii cirkii iyo dhulkii isqabsaday. Ninba meesha bugtaa isagay belbeshaaye weli se ummadda Reer Somaliland ma isweydiiyeen ninkan odeyga ah waxan hadba dacarta ku kicinaya? Ma isweydiiseen goobta laga raacay iyo nabarkan doogtiisii weli hayso? Kontonkii sannadood ee laga soo gudbay ninkaa ina Catoosh la yidhaa gantaalaha ridada dheer ayuu ummadda Reer Somaliland si isdabajoog ah ugu soo afuufayay. Addoonkan Raxmaanku sidan u gartay muxuu ku samir karaa, ilayn waata Somalidu ku maahamaahda: WAAYEEL TAG LAMA YIDHAADE WUXU KU TAG AYAA LA TUSAA!
Ibn Aadam keni adayg iyo keenadiidnimo ku caano maalay taladiisu waxa weeye teyda mooye wallee tu kale laguma guuro. Hadalada Cabdirezaaq sida ka muuqata waa colaad gaamurtay iyo hurgumooyinkii doogta hoos jiifay oo dildillaacaya; marka aad dhuuxdo nuxurka weedhaha duqa ka soo yeedhaya mar mar waxad is odhan ninka sida u hadlayaa hadday siduu damacsanyahay u suurtoobi lahayd, waxaba la arki lahaa isaga oo ku talinayaa Ummadda Reer Somaliland neecawdan Ilaahay kownka ku miisaamay gebi ahaantoodba ha laga xidh si ay neef qabatow ugu le’daan!! Malaha Cabdirezaaq waxabu filayaa in LA SU’AALO sidii ku jirtey gabaygii Maxamed Xaashi “Gaariye” berigii Silsiladdii Siinleyda:
SARAR IYO LEG IYO BADHI MIDKEEBAAN KU SIIYAA? HADII AAD SALUUGTANA SEDDEXDABA BAL IGA HOO'.
CABDIREZAAQ X. XUSEEN MAXAA GUBAYA?
Cabdirezaaq arrimo farabadan ayaa gubaya laabtiisa; waxan uu ku maanguuray ee uu hadh iyo habeen la balawaasayaa odeygu meel adag ayaa hore loo taabtay. Haddaynu yara milicsano dibna u raadraacno sooyaalka taariikhda waxa Cabdirezaaq ku magacaabo midowgii lixdankii iyo kaalinta isaga iyo siyaasiyiintii koonfurtu ku lahaayeen dulmigii dhacay iyo sida ay weli ugu tafaxaydanyihiin tirtirista jiritaanka ummada dhan ee ku dhaqan Somaliland.
Marka ugu horeysa waxa odeyga shidayaa waa godobo isaga iyo intii xulafada la ahayd ummada Reer Somaliland ka galeen; waxa gubayaa waa jidgooyadii uu hor dhigay sidii labadii dal ee xoroobay ugu midoobi lahaayeen nidaam waafaqsan xeerarka caalamka lagaga dhaqmo; Waxa dhimbiisha dabka ku noqday waa xaqii ummadda Reer Somaliland ee koonfuri duudsiday. Aftida lagu magacaabo sanduuqii caddaa iyo sanduuqii madoobaa waxa maamulayey Cabdirezaaq Xaaji Xuseen oo markaa aha Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Somaliyadii is-dhexyaacday. Halkii Aftidaa labada dal mid walba goonidiisa looga qaadi lahaa, Cadirezaaq ayaa arrintaa horeyso iyo dambeysaba majara habaabiyey, natiijadeediina siday ku dhammaatay warkeedu mid maanta la isweydiinayo ma aha, sabatoo ah markii garyaqaano tiro badan oo ku xeeldheer sharciyada distooradu dib u qiimeeyeen arrintaa lagu sheego midowgu waxay noqotay waxba kama jiraan oo ilaa hadda lama hayo xeer addunyada ka jira oo xalaaleeya sharciyadda labada dal ku midoobeen; markhaatigeedii u dambeeyeyna waa warbixintii waftigii xaqiiqo raadiska ahaa ee Midowga Afrika ee booqashada ku yimid Somaliland taariikhdii u dhaxaysey bishii Abril 29th iyo bishii May 5, 2005. Somaali koonfureed ama ha aqbasho ama ha diidoe wax Jamuuriyad Somaliyeed la yidhaa oo cid ku heshiisay sidaas ayaanay uba jirin. HALKEE CABDIREZAAQ LAGA RAACAY?
Xiliga 1961 ee Cabdirezaaq Somaliland ( Gobolladii Waqooyi ) kormeerka ku marayey waxa kale oo meelihii uu maray ka mid ahayd tuulada Laan Mulaaxo oo xadka kuu taal; halkaana sidii goobihii kaleba Cabdirezaaq loogu soo dhoweeyey ayaa dadweynihii aagaa ku dhaqnaa way isusoo baxeen. Soo dhoweyntii hadalo kaftan aan turxaan badan lahayn ayaa goobtii la isku weydaarsaday sida la sheegay. Ereyadii la isweydaarsaday qaar ka mid ah ayaa wasiirku dhibsaday oo markiiba waxa la yidhi wajigiisu degdeg ayuu isu bedelay.
Marka labaadna waxay ahayd xiligii ololihii Aftidii isxambaarka ee Distoorka/Xeer Midowga ayaa magaalada Berbera Cabdirezaaq iyo Allah ha u naxariiste Xaaji Yuusuf Iimaan oo ahaa mudane laga soo doorto Berbera weedho kulkulul ay isku weydaarsadeen. Xaaji Yuusuf Iimaan iyo Allah ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibrahim Cigal oo ahaa xisbigii SNL waxay u ololaynayeen in Aftida MAYA loogu codeeyo, toodii ayey noqotay. Maalintaa Cabdirezaaq iyo Xaaji Yuusuf Iimaan hadalada isku tureen habeenimadeedii waxa magaalada Berbera ka dhacay dil lagula kacay dad hurda makhaayadaha hortoodo. Waxa goobtii ku dhinta seddex nin, afar kalena dhaawacayadii soo gaadhay way ka bogsadeen.
Saldhiga Booliska Berbera waxa taliye ka ahaa nin la odhan jiray Bedel Xirsi oo ay qaraabo ahaayeen Cabdirezaaq Xaaji Xuseen. Guddoomiyihi Gobolka Hargeysa ayaa amray in dembi baadhis arrinta lagu sameeyo, waxana loo xilsaaray ninka la yidhaa Caydiid Ilkaxanaf oo aqoon u lahaa arrimaha dembi baadhista. Taliyihi Booliska Berbera ayaa markiiba la soo booday go’aan u gaar ah waxanu yidhi dadka waxa dilay nin waalan. Dadkii Berbera ku dhaqnaa aad ayey arrinta u saluugeen, oo waxa halhays u noqotay:
NINKA WAALANI WARAN TOOSANAA BEERKIYO WADNAHA KU WEBSIIN OGAA!!
Fal dembiyeedka sidaas ayaa lagu dembebeysay ka dib markii amar uu soo bixiyey Taliyihii guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Md. Maxamed Abshir “Haamaan” waxayna ahayd mu’aamarada Cabdirezaaq daaha dabadiisa ka maamulayey. Ninkaa Bedel Xirsi la odhan jirey 1969 wuxu ka shaqeyn jirey magaalada Burco, waxana la sheegaaa in uu ahaa ninkii Jahanemo ku daray Ilaaladi Allah ha u naxariiste Md. Cabdirashiid Cali Sharmarke. Jahanemo waa ninkii Cabdirashiid Cali Sharmarke toogashada ku dilay.
MAAMULKII ISBEDELAY 1967
Marka seddexaadna waa dabayaaqadii 1966 iyo arrin Cabdirezaaq iyo Allah ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal dhex martay. Sidaynu ogsoonahay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Sheekh Cali Jimcaale waxa ku xulafoobeen xisbigii la odhan jirey SNC. Isaga oo dareen qaba ayaa goor galab ah Cabdirezaaq oo Raiisal Wasare ihi Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u timid, waxanu yidhi:
“Maxamedow arrimahan aad ku jirto isaga bax, aniga ayaa hadda wixii aad jeceshay kaa dhigi, sidaas keliya ayaad wax ku noqon kartaa"? Allah ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxu ugu jawaabay:
“Aniga waxba igama dhigi kartid; waxa aan u socdaana waa kursigan aad ku fadhidid; kuna talo gal waan kaa tukhaantukhin doona maali aan fogeyn; waxa inoo ballan ah doorashada madaxtooyada. Waxa ka hadhsan mudo sideed bilood ka yare maalinta ha inoo ahaato.”
Doorashadii Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha waxay qabsoontay maalin Salaasa ah oo bishii June 20th 1967. Idaacaddii radio Muqdusho ayaa goor barqo ah warka si toos ah uga soo tebineysay Golihii Wakiilada, barnaamijkana waxa daadihinayay Allah ha u naxariiste Mustafe Xaaji Nuur. Wareegii labaad markay mareysay ayaa waxa Radio Muqdusho sii daayey Heesti:
“WAADIGANSE LIITEE LEEXADU KU SIDATEE HADBA LAAN CUSKANAYEE MAXAA LURAY NAFTAADII.”
Wareegii seddexaad markuu dhammaday ayaa natiijadii noqotay in Cabdirashid Cali Sharmarke iyo Maxamed Xaaji Ibrahiim Cigaal ku guuleysteen labadii jago ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal khudbaad ayuu madashii ka jeediyay isaga oo waxooga duraya Cabdirezaaq Xaaji Xuseen. Waxa uu Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Yidhi:
“Nin laba kadin oo geel ah lahaa oo xoolihiisii nin ciidan ah u dhiibtay, isaguna magaalo iyo bender u shaqo tegey. Wuxu yidhi mudo ka dib ayaa ninkii geela laha geeriyooday, dabadeedna toban wiil oo uu dhalay ninkii geelooda hayay u yimid, halkii ayey xoolihii ku qaybsadeen. Ninka geele hayay isna caruur badan ayuu lahaa umuuse sheegin in geelan cid kale leedahay. Subaxaa geelii la qaybsanayay, ninkii ciidanka ahaa intuu laba taag oo reerka ku dhowaa badhtankooda istaagay, ayuu hadba taag u cararaa. Ninkii waxa loo bixiyay 'Cali Geelii Ba’ay'! Waxa sidaa maanta ka dhigan kuwo halkan fadhiya oo moodayay in dowladnimada cid gaar ihi leedahay.”
Gebogebadii, waxa kale oo aynu u soo joognay hadaldii Cabdirezaaq Xaaji Xuseen maalintii geeridii Madaxweynihii labaad ee Somaliland Md. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal; waa tuu too u lahaa:
“Cigaal wuxu ahaa nin xukun jecel iyo nin aan hantidiisa gaarka ah iyo tan ummaddu u kala soocnayn..” iyo wax yaabo la mid ah.
Sideedaba nin siyaasad meherad ka dhigtay in uu kursiga ku dheganaado oo xukunka jecleysto waa mid dunida oo dhan ka jirta waana damac Ibn Aadamka, sidaa darteed ayaan wax kasta oo oo uu Cabdirezaaq ka soo yeedhay cidina dheg u dhigayn. Somalia waxa la gudboon in ay iyagu isku tashadaan, iskana illoobaan Somaliland iyo dadkeeda.
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse Email: asabeyse@hotmail.com March 11th, 2010.
|