Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Dawladda Ethiopia Iyo Jabhadda WSLF Ee Ka Soo Horjeeday Oo Heshiiyay.       Somaliland and the March of Freedom.       Dhismaha Xukuumadda Cusub Iyo Magacyada Golaha Wasiirada JSL.       The World\'s Happiest Countries       Xafladii Dhaarinta Iyo Xil wareejinta M/weynaha cusub iyo Ku xigeenkiisa oo soo       Dagaalo kadhex qarxay Maamul-goboleedka Pugland iyo Al-shabaab.       Ajaanibtii oo la Wareegay Hogaanka Al-Shabab iyo Xilalka iyo Magacyadooda.       Dhab u Milicso Muuqaallada Wejiyada G/Xukuumadda M/Rayaale oo iska Reebay Sawir       Musaveni Oo Yidhi Somalia Kama Jirto Wadaniyad & Midnimo-toona      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.

Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

cartan-reenka cabdirezaaq catoosh.

cartan-reenka cabdirezaaq catoosh.

News


 
Muranka iyo ismaqiiqa Cabdirezaaq waxa inagaga filan dareenkii ummadda Reer Somaliland ka bixisay sidii loo majara habaabiyey qaabkii loo midayn lahaa labadii mataanood ee Hargeysa iyo Muqdishu. Bal aynu waxoogaa ka soo qaadano maansoyahankii Somaliland arrinta waxay ka yidhaahdeen: By: Sabeyse







Ugu horeyn sannadkii 1961 ayaa Cabdirezaaq Xaaji Xuseen oo Wasiirkii Arrimaha Gudaha ihi booqasho ku yimid Somaliland, goobihii u maray waxa ka mid Gabiley; dad tiro badan oo dabaaldegeya ayaa wasiirkii soo dhoweeyey; goobtii ayaa Allah ha u naxariistee Cabdillaahi Suldaan “Timcade” gabay ka tiriyey, waxana ka mid ahaa:

WAADIGII NA DULMAAYAYEE,
DAD MA JOOGO LAHAAYE,
WASIIRKII DAAKHILIGOO,
MAANTA DAAD MA KU QAADAY. Tima-Cadde

Isla sannadkaa 1961 ayuu Allah ha u naxariiste Cabdillaahi Suldaan Muqdusho safar ku tegey, isaga oo cabiraya wixii uu la kulmayna, wuxu yidhi:

GOORTAAN HOROO LOO DURKIYO DEREJO EEGAAYEY,
HADDUUN BAA SIDII BUUL DUQEED DAAHA LOO ROGAYE,
IMMIKAA LA DOONDOONAYAA DIR IYO DAAROODE,
NINNAAN HA U DABAAL DEGIN DOWLAD BAA XAMAR, FADHIDA DOORAKAN MAANTA AHE. Tima-cadde

Waxa sidaas oo kale isna arrimihii jiray gabay ugu sheegay Allah ha u naxariiste Axmed Ismaaciil Diiriye “Qaasim” isna wuxu yidhi:

HALKII AAN HOROO LOO DURKIYO DARAR KA EEGAAYEY,
IYABA WAA DARXUMO II MAQANE DACAR MIYAAN LEEFAY,
MA DORRAATO RAADKAAN DHIGAAN DIB UGU SOO LAABTAY,
SIDIIYOON DAYEYS NAHAY MIYAAN DOWGII KA HABAABAY,
DUSHA MIDABKA SOMALI BAAD DUGULKA MOODAAYE,
MISNA LAGU MA DIIRSADE QALBIGA WAA DIRKII KARALE. Qaasim. 

Gabayada ka sekow waxa iyana jirey heeso farabadan oo waayihii iyo waaqicii laga la kulmay gobanimadii soofdaran habaowday oon halkan lagu soo goobi Karin. Aynu mid ka soo qaadano:

Gaajada ka bax baan guntiga u furtee, ma haddaan galay geerashkeedii. Maxamou Indhoole.

Hadaba sidii haaraha kaliileed cirkoo hooray, onkodkiyo hilaaco is qabsaday hanqadhka ina Catoosh ka soo yeedhaya marnaba noqon maayo mid masiir ummadeed mar labaad hilinka toosan ka habaabiya; Hadba sidii baabulaha aar oo caarayuub la cuskiyo gediisii duqu ha u cartamo. Sow kan duqii Cabdi-Taarwale qayladiisii iyo reenkiisii cirkii iyo dhulkii isqabsaday. Ninba meesha bugtaa isagay belbeshaaye weli se ummadda Reer Somaliland ma isweydiiyeen ninkan odeyga ah waxan hadba dacarta ku kicinaya? Ma isweydiiseen goobta laga raacay iyo nabarkan doogtiisii weli hayso? Kontonkii sannadood ee laga soo gudbay ninkaa ina Catoosh la yidhaa gantaalaha ridada dheer ayuu ummadda Reer Somaliland si isdabajoog ah ugu soo afuufayay. Addoonkan Raxmaanku sidan u gartay muxuu ku samir karaa, ilayn waata Somalidu ku maahamaahda: WAAYEEL TAG LAMA YIDHAADE WUXU KU TAG AYAA LA TUSAA! 

Ibn Aadam keni adayg iyo keenadiidnimo ku caano maalay taladiisu waxa weeye teyda mooye wallee tu kale laguma guuro. Hadalada Cabdirezaaq sida ka muuqata waa colaad gaamurtay iyo hurgumooyinkii doogta hoos jiifay oo dildillaacaya; marka aad dhuuxdo nuxurka weedhaha duqa ka soo yeedhaya mar mar waxad is odhan ninka sida u hadlayaa hadday siduu damacsanyahay u suurtoobi lahayd, waxaba la arki lahaa isaga oo ku talinayaa Ummadda Reer Somaliland neecawdan Ilaahay kownka ku miisaamay gebi ahaantoodba ha laga xidh si ay neef qabatow ugu le’daan!! Malaha Cabdirezaaq waxabu filayaa in LA SU’AALO sidii ku jirtey gabaygii Maxamed Xaashi “Gaariye” berigii Silsiladdii Siinleyda:

SARAR IYO LEG IYO BADHI MIDKEEBAAN KU SIIYAA?
HADII AAD SALUUGTANA SEDDEXDABA BAL IGA HOO'.

CABDIREZAAQ X. XUSEEN MAXAA GUBAYA?

Cabdirezaaq arrimo farabadan ayaa gubaya laabtiisa; waxan uu ku maanguuray ee uu  hadh iyo habeen la balawaasayaa odeygu meel adag ayaa hore loo taabtay. Haddaynu yara milicsano dibna u raadraacno sooyaalka taariikhda waxa Cabdirezaaq ku magacaabo midowgii lixdankii iyo kaalinta isaga iyo siyaasiyiintii koonfurtu ku lahaayeen dulmigii dhacay iyo sida ay weli ugu tafaxaydanyihiin tirtirista jiritaanka ummada dhan ee ku dhaqan Somaliland. 

Marka ugu horeysa waxa odeyga shidayaa waa godobo isaga iyo intii xulafada la ahayd ummada Reer Somaliland ka galeen; waxa gubayaa waa jidgooyadii uu hor dhigay sidii labadii dal ee xoroobay ugu midoobi lahaayeen nidaam waafaqsan xeerarka caalamka lagaga dhaqmo; Waxa dhimbiisha dabka ku noqday waa xaqii ummadda Reer Somaliland ee koonfuri duudsiday. Aftida lagu magacaabo sanduuqii caddaa iyo sanduuqii madoobaa waxa maamulayey Cabdirezaaq Xaaji Xuseen oo markaa aha Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Somaliyadii is-dhexyaacday. Halkii Aftidaa labada dal mid walba goonidiisa looga qaadi lahaa, Cadirezaaq ayaa arrintaa horeyso iyo dambeysaba majara habaabiyey, natiijadeediina siday ku dhammaatay warkeedu mid maanta la isweydiinayo ma aha, sabatoo ah markii garyaqaano tiro badan oo ku xeeldheer sharciyada distooradu dib u qiimeeyeen arrintaa lagu sheego midowgu waxay noqotay waxba kama jiraan oo ilaa hadda lama hayo xeer addunyada ka jira oo xalaaleeya sharciyadda labada dal ku midoobeen; markhaatigeedii u dambeeyeyna waa warbixintii waftigii xaqiiqo raadiska ahaa ee Midowga Afrika ee booqashada ku yimid Somaliland taariikhdii u dhaxaysey bishii Abril 29th iyo bishii May 5, 2005. Somaali koonfureed ama ha aqbasho ama ha diidoe wax Jamuuriyad Somaliyeed la yidhaa oo cid ku heshiisay sidaas ayaanay uba jirin.

HALKEE CABDIREZAAQ LAGA RAACAY?

Xiliga 1961 ee Cabdirezaaq Somaliland ( Gobolladii Waqooyi ) kormeerka ku marayey waxa kale oo meelihii uu maray ka mid ahayd tuulada Laan Mulaaxo oo xadka kuu taal; halkaana sidii goobihii kaleba Cabdirezaaq loogu soo dhoweeyey ayaa dadweynihii aagaa ku dhaqnaa way isusoo baxeen. Soo dhoweyntii hadalo kaftan aan turxaan badan lahayn ayaa goobtii la isku weydaarsaday sida la sheegay. Ereyadii la isweydaarsaday qaar ka mid ah ayaa wasiirku dhibsaday oo markiiba waxa la yidhi wajigiisu degdeg ayuu isu bedelay.

Marka labaadna waxay ahayd xiligii ololihii Aftidii isxambaarka ee Distoorka/Xeer Midowga ayaa magaalada Berbera Cabdirezaaq iyo Allah ha u naxariiste Xaaji Yuusuf Iimaan oo ahaa mudane laga soo doorto Berbera weedho kulkulul ay isku weydaarsadeen. Xaaji Yuusuf Iimaan iyo Allah ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibrahim Cigal oo ahaa xisbigii SNL waxay u ololaynayeen in Aftida MAYA loogu codeeyo, toodii ayey noqotay. Maalintaa Cabdirezaaq iyo Xaaji Yuusuf Iimaan hadalada isku tureen habeenimadeedii waxa magaalada Berbera ka dhacay dil lagula kacay dad hurda makhaayadaha hortoodo. Waxa goobtii ku dhinta seddex nin, afar kalena dhaawacayadii soo gaadhay way ka bogsadeen.

Saldhiga Booliska Berbera waxa taliye ka ahaa nin la odhan jiray Bedel Xirsi oo ay qaraabo ahaayeen Cabdirezaaq Xaaji Xuseen. Guddoomiyihi Gobolka Hargeysa ayaa amray in dembi baadhis arrinta lagu sameeyo, waxana loo xilsaaray ninka la yidhaa Caydiid Ilkaxanaf oo aqoon u lahaa arrimaha dembi baadhista. Taliyihi Booliska Berbera ayaa markiiba la soo booday go’aan u gaar ah waxanu yidhi dadka waxa dilay nin waalan. Dadkii Berbera ku dhaqnaa aad ayey arrinta u saluugeen, oo waxa halhays u noqotay:

NINKA WAALANI WARAN TOOSANAA
BEERKIYO WADNAHA KU WEBSIIN OGAA!!

Fal dembiyeedka sidaas ayaa lagu dembebeysay ka dib markii amar uu soo bixiyey Taliyihii guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Md. Maxamed Abshir “Haamaan” waxayna ahayd mu’aamarada Cabdirezaaq daaha dabadiisa ka maamulayey. Ninkaa Bedel Xirsi la odhan jirey 1969 wuxu ka shaqeyn jirey magaalada Burco, waxana la sheegaaa in uu ahaa ninkii Jahanemo ku daray Ilaaladi Allah ha u naxariiste Md. Cabdirashiid Cali Sharmarke. Jahanemo waa ninkii Cabdirashiid Cali Sharmarke toogashada ku dilay.

MAAMULKII ISBEDELAY 1967

Marka seddexaadna waa dabayaaqadii 1966 iyo arrin Cabdirezaaq iyo Allah ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal dhex martay. Sidaynu ogsoonahay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Sheekh Cali Jimcaale waxa ku xulafoobeen xisbigii la odhan jirey SNC. Isaga oo dareen qaba ayaa goor galab ah Cabdirezaaq oo Raiisal Wasare ihi Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u timid, waxanu yidhi:

“Maxamedow arrimahan aad ku jirto isaga bax, aniga ayaa hadda wixii aad jeceshay kaa dhigi, sidaas keliya ayaad wax ku noqon kartaa"? Allah ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxu ugu jawaabay:

“Aniga waxba igama dhigi kartid; waxa aan u socdaana waa kursigan aad ku fadhidid; kuna talo gal waan kaa tukhaantukhin doona maali aan fogeyn; waxa inoo ballan ah doorashada madaxtooyada. Waxa ka hadhsan mudo sideed bilood ka yare maalinta ha inoo ahaato.”

Doorashadii Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha waxay qabsoontay maalin Salaasa ah oo bishii June 20th 1967. Idaacaddii radio Muqdusho ayaa goor barqo ah warka si toos ah uga soo tebineysay Golihii Wakiilada, barnaamijkana waxa daadihinayay Allah ha u naxariiste Mustafe Xaaji Nuur. Wareegii labaad markay mareysay ayaa waxa Radio Muqdusho sii daayey Heesti:

“WAADIGANSE LIITEE LEEXADU KU SIDATEE HADBA LAAN CUSKANAYEE MAXAA LURAY NAFTAADII.”

Wareegii seddexaad markuu dhammaday ayaa natiijadii noqotay in Cabdirashid Cali Sharmarke iyo Maxamed Xaaji Ibrahiim Cigaal ku guuleysteen labadii jago ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal khudbaad ayuu madashii ka jeediyay isaga oo waxooga duraya Cabdirezaaq Xaaji Xuseen. Waxa uu Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Yidhi:

“Nin laba kadin oo geel ah lahaa oo xoolihiisii nin ciidan ah u dhiibtay, isaguna magaalo iyo bender u shaqo tegey. Wuxu yidhi mudo ka dib ayaa ninkii geela laha geeriyooday, dabadeedna toban wiil oo uu dhalay ninkii geelooda hayay u yimid, halkii ayey xoolihii ku qaybsadeen. Ninka geele hayay isna caruur badan ayuu lahaa umuuse sheegin in geelan cid kale leedahay. Subaxaa geelii la qaybsanayay, ninkii ciidanka ahaa intuu laba taag oo reerka ku dhowaa badhtankooda istaagay, ayuu hadba taag u cararaa. Ninkii waxa loo bixiyay 'Cali Geelii Ba’ay'! Waxa sidaa maanta ka dhigan kuwo halkan fadhiya oo moodayay in dowladnimada cid gaar ihi leedahay.”

Gebogebadii, waxa kale oo aynu u soo joognay hadaldii Cabdirezaaq Xaaji Xuseen maalintii geeridii Madaxweynihii labaad ee Somaliland Md. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal; waa tuu too u lahaa:

“Cigaal wuxu ahaa nin xukun jecel iyo nin aan hantidiisa gaarka ah iyo tan ummaddu u kala soocnayn..” iyo wax yaabo la mid ah.

Sideedaba nin siyaasad meherad ka dhigtay in uu kursiga ku dheganaado oo xukunka jecleysto waa mid dunida oo dhan ka jirta waana damac Ibn Aadamka, sidaa darteed ayaan wax kasta oo oo uu Cabdirezaaq ka soo yeedhay cidina dheg u dhigayn. Somalia waxa la gudboon in ay iyagu isku tashadaan, iskana illoobaan Somaliland iyo dadkeeda.


Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
Email: asabeyse@hotmail.com 
March 11th, 2010.

Posted on Friday, March 12 @ 15:37:56 DAVT by admin



cartan-reenka cabdirezaaq catoosh. - cartan-reenka cabdirezaaq catoosh.
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ]

Name : Ducaale II
Subject : Re : cartan-reenka cabdirezaaq catoosh.
Date : 2010-03-12
He's a bit of fool ( Biladhifool ). Waxaay tidhaahdaa maahmaah Carbeed, يا واعد وعي نفسك . Oo ka dhigan Ninka wax wacdinayow naftaada wacdi. Meel baa la wada jooga waana la iska warhayaa. Waxa la og yahay in aanu Cabdi Abaar gurigiisa ka war qaban karin oo ay habar dugaag oo dhammi ku xaroodaan kana dhergay waxa yaal. Markaas muxuu sheegayaa oo yuu wax u sheegayaa Cabdi Abaar?!

Anigu haddii aan ahaan lahaa qoraah wax qora maan soo qaateen maqaalo ka hadlaya dadka ay ka mid yihiin Cabdi Abaar, Singub, Saado Cali Warsame, Cali Mahdi, Faroole, Cabdillaahi Yusuf, Somali-Bi'iska iwm.

Ducaale II

Name : Dr Real Darwiish
Subject : Re :cartan-reenka cabdirezaaq catoosh.
Date : 2010-03-13
Ducaaloow,

Ilaahay wuxuu Quraanka inoogu sheegay: ''Walaa yajrimanakum shana aanu qoowmin calaa an laa tacdiloo, ICDILUU huwa aqrabu lil taqwaa''
''Yeeysan idinka leexinin xumaan ama cadaawad aad qowm u qabtaan in aad cadaalada fulisaan ee fuliya cadaaladda (cadaawadaasi aad u qabtaan yeeysan cadallad darro idin horseedin)'' - Sadaqalaahul cadiim.


Dadka xunxun waa badanyihiine maad soo wada qortid misse iska wada dhaaftid, sidani aad wax udhigtay iyo magacyadani aad reerka qudha ku badisay marka laga reebo Cali Mahdi , waa gunnimo ee bal dib ugu noqo oo umadda waxcadaaladu ku dheehantahay u soo bandhig waayo lagaayeelimaayo liiska aad noo soogudbisay (Cabdi Abaar, Singub, Saado Cali Warsame, Cali Mahdi, Faroole, Cabdillaahi Yusuf,) oo qudha hadaadan ujeedo kale lahayn, waana waxa Somali kala fogeeyeey.

Lets call a spade a spade!

Ma salaama.


Dr. Real Darwiish
London UK
Name : Oday
Subject : Re :cartan-reenka cabdirezaaq catoosh.
Date : 2010-03-13
darwiish-sheegtow, yaa adiga wax kuu sheegaya horta, yaa ku soo galiyay meesha, yaa somali doonaya horta, naga dhex bax, oo u tag somalidaad doonayso dee, dadkan iyo qaar kaloo badani waa kuwa aanu doonayno, Faroole mooyee, isagu kuma jiro, danbe horena muu lahayn mid cusubna ma leh, meeshiisiina wuu hagaajisanayaa, dariskana wanaag buu la doonayaa, kuwa koonfur ka xiga iyo kuwa woqooyi ka xigab, Faroole nin dheh kuwa kale faqash dheh, markaa cadaaladaad doonayso orod ula tag kuwa kaa dhegaysanaya, get out now,
Name : Oday
Subject : Re :cartan-reenka cabdirezaaq catoosh.
Date : 2010-03-13
waxaan salaamayaa sabeeye, waxaan se waydiiyay, sawirkan uu meesha ku soo dhajiay makii Cabdi abaar baa ???? waar waaba u egyahaye, malaa waa isagiiiiiii, thanks Sabeeye waad na bartay Abdi abaar muuqiisiiye
Name : Dr Real Darwiish
Subject : Re :cartan-reenka cabdirezaaq catoosh.
Date : 2010-03-13
Laangaabka Xunka ah ee Oday labaxay,

Waxaad tahay inagumeed cuqdadu goo'goysay oo u baahan in lakarbaasho, ciilkamakore fowqa ciilkamakore. Somaliland anigaa leh, helina maysid mooro qabiil ee ku seexo kuna soo toos afkaagan qadhmuuna hanala soogelin.

This is the practical language you understand, you village lafaruug.


Ma salaama.


Dr. Real Darwiish
London UK
Name : Ducaale II
Subject : Re :cartan-reenka cabdirezaaq catoosh.
Date : 2010-03-13
Md. Mj. Dr. Darwiish,

Hoorta raali ha la kala aaho. Sababta muranka dhacay dhalisay wax baan ku leeyahay oo aniga ayaa ragga u kala baxay, waanan idin soo haleeli waayay. Sheekada iyo doodu waxa ay ku fiican tahay in aan la doc-ka-wareemin. Jawaabta aniga ayaa la iga sugayay aniguna sida aan idiin sheegay waan ka habsaamay.

Haseyeeshee, wixii tegay tiigsimaad ma leh, Mj. Oday baa hadalka duuliyay, su'aal waliba jawaabteeda ayay leedahay. Wa Al-Cafwu Minnakum!

Marka intaas laga yimaado oo loo soo noqodo su'aasha mawduuca aan kor ku soo tebeyay magacyada dhawr qof oo aan ku sheegay in aanay istihaalin in wax laga qoro oo YAC ah. Diktoorka ayaa igu qabsaday sababta aan qaar kale ugu soo dari waayay oo la mid ah kuwan aan soo qoray oo hal dhinac u batay. Taas oo uu ku sheegay caddaalad darro.

Sideedaba marka wax la soo qoro ma aha in wax laga sheego qof wax qoray ee waxa wax laga sheegaa qoraalka uu qofku qoray. Haddii aan si kale u dhigo waxa la qabsadaa sida uu u yaal qoraalku oo dhaliil ama taageero la saaraa ee lama qabsado qofka laftiisa wax qoray. Sidaasu waa asluubta qoraalka iyo qoraaga.

Tusaale: Aniguba ma jecli magaca dhawaaqiisa Darwiish, Faqsh, Al-Shabaab, Al-Qaacida, Morga iwm. Laakiin waan ku qasbanahay in aan aqbalo in aan ugu yeedho haddii uu qof la baxay raalina ka yahay in loogu yeedho. Haddii aanu raali ka ahayn waa qalad oo waa naanaysta la diiday diinta in la isugu yeedho naanaysaha la dhibsado..

Dhinaca kale Md. Mj. Dr. Darwiish haddii uu qoonsaday dadka aan soo taxay magacayadooda ee YAC-da ah, waa mid aragtidayda ah iyo intii markaas maskaxdayda ku soo dhacday ee kumay imaan magacyadu mashruuc iyo qorshe dheer oo hawshaas la ii diray ama aan daraasad ku soo bandhigay kaamil ah.

Sidaas darteed iyada oo aan waxba hadalka la isku mudmudin waxa u furan Diktoorka iyo ciddii kaleba in ay iyaguna ku soo daraan liistada kuwa loo arko sidan oo kale in ay yihiin "YAC" aan ku fiicnayn in la xusu magacooda oo qalinkaba loo qaato in wax laga qoro illaa maalinta ay ku yimaadaan mawduuc saaxadda yaal oo rasmi ah sida Cali Samatar iwm.

Haddii la rabo liiska dhabta ah, hadaba wuu furan yahay in wax lagu daro oo ah qof iyo aragtidiisa iyo caddaaladdiisa. Wax intaas ka badan meeshaba ma yaaliin.

Wa Allaahu Al-Muwafaq.

Ducaale II
Name : Xaraf
Subject : Re :cartan-reenka cabdirezaaq catoosh.
Date : 2010-03-13
Ducaaloow, waxaan rabaa in aan xanuunka kugu kordhiyo ee i dhegayso, Ilaahay markuu daarood abuuray ayuu ku ciilay maxaad ka yeeli siiba marka uu harti wax kulawadaajiyeey. xanuunkana iyo neceyb daarood haku saaido ilaa aad ifka ka tagto
Name : Ducaale II
Subject : Re :cartan-reenka cabdirezaaq catoosh.
Date : 2010-03-14
Xaraf,

Anigu kama faano in aan qof walba kala munaaqashoodu fikrad jirta kalamana bakhaylo jawaabta iyo in aan wax u sheego ama aan isagaba wax ka faa'iidaysto mustawa kasta iyo heer garasho uu qofku leeyahay. Waayo shaqadayda iyo tababarkayga ayaa ahaa in aan dadka garaadkiisa la koriyo ( an aducate trained teacher ).

Hadaba way qaldan tahay sida uu hadlay Mr Xaraf iyo qaar kale oo badan oo mushkilad ka dhiga asal ahaantiisa qabiilka. Kuwaas oo qabiilka xumeeyay.

Qabiilku ma aha shey xun oo xaaraan ah. Waaba shey iyo maadad lagu xusay qur'aanka kariimka oo ina hor taal oo in la dafiro jirintaankiisu yahay gef iyo dembi. Waxa xumi ma aha qabiilka ee waxa xun qofka qabiilka xumaynaya oo la mid ah kii xumeeyay qarankii iyo Somaliweyn, maanta ah kan xumaynaya diintii Islaamka xaniifka ah.

Waxa xumi waa qof aan caqli iyo cilmi wanaagsan lahayn oo danbeeya, hadana aan is ogayn in uu danbeeyo. Sidaas darteed magacyada qabiilku ma xuma. Laakiin waxa xun in uu qof maanta oo dhan meel cidlo ah la soo taagno Reer Hebel baan ahay oo aanu wax kale oo faa'iido leh ku soo darin. Haddii loo fiirsato qaar ka mid ah Somalida sida Mr Xaraf oo kale. Waxa aad arkaysaa kooxo maanta oo dhan isku celcelinaya waxa aanu nahay Reer hebel iyo Reer Hebel. Waa aniga oo maanta oo dhan idinku wareeriya waxa aan ahay Ducaale II. Mid kalena uu iga daba yidhaahdo waxa aan ahay Xaraf oo aanu midkaayana wax kale ku darin laga faa'iido.

Bal hadaba waa kuwee Reer Hebelka cirka gaadhay, waa kuwee kuwa bur iyo bariis inoo beeray, waa kuwee kuwa biyo inoo soo saaray, waa kuwee kuwa sawaariikh iyo dayuurado inoo kiciyay? Haddii ay faanaana waxa ay ku faanaan waa dhagar iyo beri baan geel dhacay sadexna aan ku dilay reerkiina ah! Ma dhac iyo dil baa wax lagu faano ah oo nolosha qayb ka ah xalaal iyo wax uu Alle raali ka yahay oo dhaqan fiican ah.

Hadaba anigu kuwaas iyo Mr Xaraf oo kale waxa aan ugu jawaabaa, "Weligaaba Kab, Laxa iyo Koombaba haye oo bal orod oo makhaayaddaas ka soo horjeeda kaga soo qadeeh adiga oo aan dadka, dalka iyo dantaada dib ugu soo noqon"!

Wa Allaahu Al-Muwafaq

Ducaale II
Name : Runsheeg
Subject : Re :cartan-reenka cabdirezaaq catoosh.
Date : 2010-03-14
Muj. Halgame. Khabiir. Ducaale II ka weyn in uu afkiisa soo mariyo jawaabta xun ee uu raadinayo ninkan magaca hudheelka IIdoor leeyahay la baxay. Anaa kuu jawaabaya Xarafow haa waa runtaa oo Ilaahay wuu na baday Daarood siiba Harti balse waanu naqaanaa sida madaxa looga garaaco loona adoonsado waana shaqo aanu ku caanbaxnay awoow ka awoow waxaanaad ka dhigantahay dameer aan ku fadhiyo oo iska dhuus dhuusaya markaa is nafis oo golahan iyo makhaayadaha kaga ku ciil bax balse markay noqoto waaqaca iyo Sool Sanaag Cayn ilaa iyo Garowe Iidoor baad kabaha ugu hoos jirtaa
Name : Runsheeg
Subject : Re :cartan-reenka cabdirezaaq catoosh.
Date : 2010-03-14
Nimankan Majeerteen waxba yaanay ku lugoyen tamar ma hayaane walee iyo bilee iyo talee hadii uu Iidoor cadhoodu ciidana soo diro raga baa sida haweenka u barooran.
Name : Oday
Subject : Re :cartan-reenka cabdirezaaq catoosh.
Date : 2010-03-14
ka darwiish labaxay,ian nacala hasanaw, sidii hablaha yar yar baad u caytmaysaa, waxaa la yidhi marka ay hablaha yar yar awood waayaan ayay is yidhaahdaan ha ku dhimatee hadalka ka xun dheh, adeer inan gumeednimo way kaa muuqataa, ee orod oo tolkaa u tag tan anigaa lehe, wasakhyahaw hanaga wasakhayn meeshee naga tag, tag baanu ku leenahoo waa na hoos gadhidaaaaaaaaaaa, waar yaa ilaahay yaqaan, ku dooni maynu uf uf urayso fooqal urayso, get out, pastard, dibna ha noogo soo noqon, waxaad samayn kartona sameeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee. garacyahaw.
Name : Laasqoray man
Subject : Re :cartan-reenka cabdirezaaq catoosh.
Date : 2010-03-14
Oday biiqay,

Kadaa afkaagan suuskale oo qaadku huurada u yeelay aqoonyahanka xalaasha ah ee SSC ma beentiisaa sow laangaab ma tihid, intaad raga isku doonato ayaad hadana calaacal naageed la imanaysaa, abaalkaaga waa in lagu karbaashaa siduu darwiishku sheegay. doctor, meeshani iskaga bax ma'aha meel wanaag iyo caqli ka shaqeeyo ee iskukaayadaa.

[ Reply ]



Name : Tageerayaashi Sharmaarke iyo Cigaal Weli Waa noolyihiin
Subject : Re : cartan-reenka cabdirezaaq catoosh.
Date : 2010-03-17
Cabdirisaaq abaar inu madaxweyne sharmaarke dilay waa cadaan cidna iskuma haysato taas, suaashu waxa ay tahay isaga maxkamad miyaa lagu horgeyn doona Muqdisho ama Garowe ileen ummada Somaliyeed halku dhigey waanu aragna ee.

Sharmaarke nin Majerteen ah oo badi dadku jeclaayeen buu ahaa, isaga iyo Cigaalna labadoodaba Illahay ha uu naxariiste dalka somali Republic meel bey geyn lahayeen balse Cabdirisaaq Abaar iyo rag isaga ma mid ah baa madaxweynehi dhamaa shirqoolay oo laas Caanood ku diley, waa mid ummada Soomaliyeed uu taala sidi wax looga qaban laha kuwi madaxweyne Sharmaarke diley, gaar ahaan beesha Majerteen inay iyagu dhexdooda ninkan soo qabtan oo garowe maxkamad ku saaraan baa ummada Soomaliyeed ka sugeysa, koley Somaliland inay gacan ka siiso Faroole ariintan waa lagama maarmaan
.


[ Reply ]


Pages : [ cartan-reenka cabdirezaaq catoosh. 1 ]