wafti uu hogaaminayo wasiirka ganacsiga jsl oo soo gaadhay magaalada alleybaday.
|
wafti uu hogaaminayo wasiirka ganacsiga jsl oo soo gaadhay magaalada alleybaday. |
 |
|
 Maanta waxa Allaybaday soo gaadhay wafti balaadhan oo uu hor kacayay Wasiirka Ganacsiga JSL, waxa kale oo Wasiirka safarkan ku waheliyay Badhasaabka Gobolka Gabiley, Badhsaab-ku-xigeenka, Maayarka Gabiley iyo qaar ka mid ah Haya'adaha caalmaiga ah iyo kuwa wadaniga ahba.




Waftigan oo ay ujeedadiisu ahayd in uu qiimayn(assessment) ku sameeyo dhibaatooyinkii ay gaysteen roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da’ay deegaanka allaybaday.kuwaasi oo khasaare balaadhan gaadhsiiyay kaydadkii ama balayadii waawaynaa ee biyaha u kaydin jiray deegaanka allaybaday, iyo dhulbeereedkii looga faa’iidaysan jiray wax soosaarka, Meherado Ganacsi iyo Guri xaasyo, iyo iyaga oo dadkii daadadku baraciyeen u siday bacaha roobka lagagalo oo gaadhaya 40 bacood, 300 kiish oo galay ah, 60 kartoon oo saliid ah iyo saabuun 3 kartoon saabuun ah.

ugu horayn waxa halkaasi waftigaasi warbixin kusiiyay Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Xasan cabid Cali ( Shahar) isaga oo Gudoomiyuhu sheegay in ay daadadkaasi waxyeeleeyeen 114 balay,456 qoysna ay ku bara kaceen,155 neef oo lo' ahina qaaday iyo adhi gaadhaya 500 neef, 61 engine iyo dhamaan qalabkii beeraha lagag shaqaynayay.

intaasi kadib waxa ay si guud usoo wada mareen Magaalada gudaheeda waxayna soo arkeen Goobo ganacsi iyo guryo ay baabiiyeen daadadkaasi kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Bakhaaro, Tukaano, Bacadlayaal, iyo Guryihii ay dadku daganaayeen, oo uu qaarkood dumayay qaarna wixii dhexyaalay uu qaaday, Waxa kale oo ay si wada jir ah usoo arkeen buundooyinkii magaalada soo galayay iyo kuwii gudaha magaalada oo uu baabiyay daadku sidda buundadii isu xidhaysay Ethiopia iy Somaliland oo ay adagtahay sidda imika laba daamood loogu kala gubo halkaasina waxa ay ku arkeen baabuur badan oo ku xayiran.

Ugu danbayntii waxa ay kulan ku qaateen Xarunta Maamulka degmada Allaybaday halkaasi oo ay ka sheegeen in ay sidda ugu dhakhsaha badan waxa uga qaban doonaan,Hadaba Haayadahan ayaa iskugu jiray Haayado Caalamiya kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Unicef, UNCR, FOA,WFP, UNDP, kuwa wadaniya iyo Madax sar sare oo ka socotay laamaha dawlada.
Ismaacil Cabdi Muxumed( Hilqad) GabileyNews Desk Allaybaday Somaliland
|
|
|
Posted on Tuesday, March 09 @ 21:50:15 DAVT by admin |
|
|
|