Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Dawladda Ethiopia Iyo Jabhadda WSLF Ee Ka Soo Horjeeday Oo Heshiiyay.       Somaliland and the March of Freedom.       Dhismaha Xukuumadda Cusub Iyo Magacyada Golaha Wasiirada JSL.       The World\'s Happiest Countries       Xafladii Dhaarinta Iyo Xil wareejinta M/weynaha cusub iyo Ku xigeenkiisa oo soo       Dagaalo kadhex qarxay Maamul-goboleedka Pugland iyo Al-shabaab.       Ajaanibtii oo la Wareegay Hogaanka Al-Shabab iyo Xilalka iyo Magacyadooda.       Dhab u Milicso Muuqaallada Wejiyada G/Xukuumadda M/Rayaale oo iska Reebay Sawir       Musaveni Oo Yidhi Somalia Kama Jirto Wadaniyad & Midnimo-toona      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.

Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

komishanka doorashooyinka qaranka ( kdq ) oo maanta qabtay shir-jaa'id .

komishanka doorashooyinka qaranka ( kdq ) oo maanta qabtay shir-jaa'id .

News


 Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay inay qaateen shirkad cusub oo samayn doonta kaadhadhka. Waxa kale oo ay sheegeen inay soo dhamaystireen dhismihii Shaqaalihii Komishanka ee Gobolada iyo Degmooyinka.






Shirkaasi jaraa’id oo uu qabtay Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Maxamed Axmed Xirsi Geelle ayaa ku bilaabay “.Sidii caadada inoo ahayd marka aynu muddo joognaba waxa aanu dadweynaha uga warami jirnay halka ay wax inoo marayaan, run ahaantii su’aal ayaa jirta had iyo jeer aad na waydiisaan oo ah goorma ayaad doorashada qabanaysaan ama ku dhawaaqaysaan, maanta shirka jaraa'id waxaan u qabanay ma aha ka jawaabida arrintaasi, su’aasha aan ka jawaabayaa waxay tahay waaxa weeyaan halkee ayay wax inoo marayaan, waxay inoo marayaan shaqadii Gobolada waanu soo dhammaynay, waxaanu soo dhisaynay Maamulkii Komishanka ee Heer Gobol iyo Degmo, muddo laba wiig ah ayaanu ku maqnayn Bari iyo Galbeedba taasi iyada waanu soo dhammaynay, si fiicana way noogu soo dhammaatay oo aanu isku waafaqsan nahay anaga iyo Xisbiyada Qaranka ee ay khusayso, wayse iska jirayaan kollayba cabashooyin meel walba ka soo baxaya marka hawl la galo, laakiin waxay u muuqataa wixii khalad ah ee dhaca ee khafiifa ee la liqi karo la iska dhaafo, anaga iyo Xisbiyada wax khilaaf ah oo ka dhashay maamulkaasi aanu soo dhisnay ma jirto.

Arrinka ugu muhiimsan ee aanu shirkan jaraa’id u qabanay waxa weeyi waxaad maqasheen ama dadweynuhu maqleen in la bixinayo kaadhadh cusub oo lagu footeeyo waa xaqiiqo jirta weeyi hore ugamaanaan waramin, sababta aanaan uga waramin waxay ahayd Xeerka inoo yaala ayaa waxa uu dhigayaa Komishanka ayaa badali kara Kaadhka oo nooc cusub soo saari kara oo uu xeerku u jidaynayaa isagoo kala tashanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xisbiyada Qaranka, dabadeeto inta aanaan dadweynaha u soo bandhigin waxay ahayd iyaga in aanu la tashano, wada-tashigii aanu la yeelanay Xisbiyada ee runtii warku ka soo baxay oo dadweynaha gaadhay iyagaa Jaraa’idka u waramay laakiin wax tafaasiil ah oo kale aan ka sii bixin, isla markaa waxaanu sugaynay Miisaaniyadii iyo kharashkii lagu soo daabacayay wax jira weeyi oo xaqiiq weeyi, marka la sifeeyo Liiskii hore ee Diiwaangelinta ee inaga xumaaday ee khaladaadka badani ay galeen marka la sifeeyo ee wixii ku cel-celin ah laga saaro inta inoo soo hadhay ee saafiga ah ayaa la siin doonaa kaadhadh cusub, dadweynahana aanu u soo bandhigi doonaa, goobihii hore ee laga codeeyay aanu gayn-doonaa liiskii cusbaa iyo kaadhadhkii cusbaa ayaanu goobihii hore ee la iska diiwaangelaiyay gayni doonoo dabadeedna dadku halkaasi ayay iman doonaan sidii markii horebe ay u yimaadeen ee ay isku diiwaangeliyeen halkaasi ayuu qof waliba ka qaadan doonaa kaadhkiisa cusub labadii hore ee la siiyayna laga xarayn doonaa wixii tafaasiil ah ee halkaasi ka iman doona iyo qofkii iska waaya arrimaha noocaas ah olole balaadhan oo wacyi gelin ah oo aanu qaadi doono ayaa lagu tafaasiilayn doonaa.

Waxase aan dadweynaha u sheegayaa sababta aynu u sammaynay waxa weeyi khaladkii hore ee inaga galay Diiwaangelintii hore, kala sifayntii wakhtiga inagu qaadatay ee aanu wadnay dhinac kasta markaanu ka eegnay si loo helo Doorasho xalaal ah oo ay uga soo baxdo natiijo xalaal ah waxa daruuri noqotay in la badalo kaadhadhkii hore kuwa cusubna la sammeeyo oo kuwii hore ka adag oo aan la foojari garayn karayn, taasina waa la isla qaatay, Wasaaradda Daakhilga waanu isla qaadanay maca Design-kii waa la sammeeyay Axsaabtuna way nagu waafaqeen, Nimankii qaadhaan bixiyayaasha ahaa ee lacagta bixinayayna way waafaqeen in ay galiyaan lacagtii, qandaraaskiina waan bixinay dhawr Kambani ayaa u soo tartamay dabadeedna kii ugu fiicnaa ee ugu dhakhsaha badnaa ee ugu amaansanaa ayaanu qaadanay dhowr shirkadood oo Somalilander ah ayaa ku jiray.

Qandaraaskuna wuxuu ahaa mid Caalamiya oo ay ka soo qayb geli karaan Shirkadaha waaweyn ee Caalamku iyo kuwa reer Somaliland-ba, dhowr Kambani ayaa soo tartamay oo aad u fiicnaa oo reer Somaliland ah, laakiin duruufaha aynu joogno markaanu eegnay waxay noqotay kuwii wadaniga ahaa in lagaga wanaagsanaaday shuruudihii markaas aanu doonaynay tiiyoo aan macnaheedu ahayn waxa la qadiyay dad wadani ah waxaanay arrintu anaga noola muuqatay sida hawshaasi anaga noogu suurta-galayso in cidda ugu fiican ee inoo sammayn karaysa amingeeda iyo nidaamkeedu fiican yahay ayuu hamigeenu ahaa, nin wadani ahi wax ha helo ama yaanu wax waayin midna may ahayn, kii ugu habboonaa ayaanu qaadanay.

Arrin kale ayaa jirta oo dadku aad isku waydiiyaan oo ah Server-ka hawshiisii halka ay marayso tolow wax ma ka soo baxayaan mise waxba ka soo bixi mayaan, hore ayaan idiinku sheegay sidii uu u shaqayn lahaa, gogol dhig ayaanu wadnay, aqalka marka la dhisayo seeska waa la qodaa, sagbad iyo nidaam ayaa lagu shubaa, inta hore ma muuqato oo dadku ma arki karaan wax dhismay, horte seeska ayaanu soo wadnay, imika uun baanu talaabadii u horaysay qaadaynaa, Server-ka hawshiisii waa lagalay, laba nooc ayuu noqonayaa midi waa ka isagu iskii isku sifaynaya ee Duplicate-ka iyo dadkii ku cel-celiyay soo saarayo midna waxa weeyi qaladaad kale oo aanu mishiinku soo saari Karin ileen mishiinku caqli malahee taasna in loola tago gacan aadami oo ay ishu eegto, waxa jira ilaa dhowr iyo sagaashan kun oo cod bixiye oo server-kii hore akhriyi kari waayay ayaa jira oo Xisbiyadu mar taasi isku raaceen in meesha laga saaro, haddana waxay noqotay tiro aad u faro badan oo aan laga tagi Karin, taasi waxay kaliftay in aanu u sammayno Tiimam faro badan ama dad aqoon u leh IT-ga aanu galino, kuwii uu kala saari kari waayay Server-ku way soo baxeen wixii khalaad ah ee ku jirana waa laga saarayaa, haddaan idin tuso dadka khaladaadka sammeeyay waxa jira caruur yar oo kuraas la saaray oo is diiwaaneliyay, waxa jira nin qori sita.

Xeerka Diiwaangelinta ayaa wuxuu dhigayaa marka la dhameeyo diiwaangelinta Gobolada iyo Degmooyinka ma jiro qof dambe oo la diiwaangelinayaa, diiwaangelin cusub waxa la furi doonaa uun marka ay dhammaadaan Doorashooyinka inagu soo fool leh ee Madaxweynaha illaa ta Dowladaha Hoose, kuwaasi marka ay dhamaadaan ayaa Komishanku ku dhawaaqi doonaa wakhtiga dambe ee la qabanayo Diiwaangelinta, dadkii aan is diiwaangelin waxaanu u sheegaynaa in aanay jirin diiwaangelin cusub oo la sammaynayo.

Si haddaba Doorasho xor iyo xalaal ahi inoogu dhacdo in la inoo maal-geliyo mar labaad bixinta kaadhadhkaasi cusub, markaasi dhinaceenii ay timid oo intii kale soo dhammaynay aduunkii ina caawi, maal wixii uu ina siin lahaa ina sii, khubaro wixii uu ina siinayay in sii, waa la shaqaynayaa, doorkeenii ayaa yimid, taas dambe haddii aynu sidii tii hore u kharibnay u kharibno wax inoo hagaagayaa ma jiraan, haddaynu hagaajino way inoo hagaagaysaa, sidaasi darteed waxaan maanta dadka ka codsanayaa waxa imika la sammeeyay dad uun baa sammeeyay kuwa ku cel-celiyay inaga uun baa sammaynay guryaheena ayay joogaan waa qof wal oo kasta oo qaatay laba kaadha ama wax ka badan waad ogtihiin inta qof ee is diiwaangelisay ee ku cel-celisay haddii ay jirto taasi waxaanu ka codsanaynaa dadkaasi in ay iskood iskaga keenaan kaadhadhka dheeraadka ah ee ay is diiwaangeliyeen, hal kaadh ayaanu u ogol nahay, kii meeshii ugu horaysay iska diiwaangeliyay mid ayaanu u ogol nahay, haddii aad Ummad Islaam ah aad tihiin oo wadankeena iyo aayihiisa dan aynu ka leenahay waxaanu idinka codsanaynaa oo aanu baaq ujeedinayaan cidii hal kaadh wax ka badan qaadata in ay iskeed iskaga soo celiso oo maalinta aanu bandhiga sammaynayno keenaan ama ka hor ay keenaan xafiisyada Gobolada ee Komishanka, taasina waxay noo hawl yaraynaysaa in ay noo soo deg-degto hawshii shaqadu oo mishiinka aanu ku baadhaynaa hadaanu ogaano oo ay aroorta iska keenaan xafiiska noogu keenaan dee waa laga saari doonaa.”

Source: Waaheen.

Posted on Tuesday, March 09 @ 17:10:20 DAVT by admin



komishanka doorashooyinka qaranka ( kdq ) oo maanta qabtay shir-jaa'id . - komishanka doorashooyinka qaranka ( kdq ) oo maanta qabtay shir-jaa'id .
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ]

Name : Samsam Yusuf
Subject : Re : komishanka doorashooyinka qaranka ( kdq ) oo maanta qabtay shir-jaa'id .
Date : 2010-03-09
Ok, I now understand that the original voter list released by Interpeace during the Ramadan was wrong and we were demonstrating for the acceptance of wrong voter list – though I do not see the politicians, who led us during the demo months, apologising about the mayhem that ensued the demo and the damage that it did to the image of Somaliland. Malaha Somaliland waa agoon aney cidina u hiilin.

But one question, How about those of us who have now reached the age of voting! Are we going to be disenfranchised? The current voter registration data was collected a year ago.

I cannot reason with this.

Name : dhirbaxo
Subject : Re :komishanka doorashooyinka qaranka ( kdq ) oo maanta qabtay shir-jaa'id .
Date : 2010-03-09
komishanka doorashooyinka qaranka ha lasugo oo buuqa halaga ilaaliyo taasi waa iga talo. takale waa iga su'aale sedexdan xisbi qaran ee dalku ma iswaydiyeen iyaa koor kasta idinka bixintoonta doorshooyinka kale??? ma dad dibada laga mamulaydin noqon mise waydin tashan?? waryadeheen waa la idiin soo hoosgali hadaad is aamini waydaan, wadanka lama aqoonsan wali, dadku way kajoonayaan, inta aad lacag ku luminaysaan ololayaasha miyaad wax kale ku dhistaan?? waar sidan reerka ku wadi maysaane ka tashada ragbaad tihiine
Name : dhirbaxo
Subject : Re :komishanka doorashooyinka qaranka ( kdq ) oo maanta qabtay shir-jaa'id .
Date : 2010-03-09
dadka qurbajooga somalilandderka ah amba somaliba waxaa laga soo diraa lacag oo waddanka qayb weyn ka anfacda markaa dadkaa lacagta soo diraa waa dad gaboobay oo maalin dhaw inyar inyarbay u tagi doonaan jiilkan soo socdaana soo diri mayaan lacag ee maxaa idiinka meel yaal haddii aad tihiin xisbiyada qaranka?????????????? miyaad bala-balada iska daysaan sedexda xisbi qaran mid ka dhigtaan oo wixii ilaahay idin siiyo qaybsataan waddanka iyo shacabkana u shaqaysaan????????????

[ Reply ]



Name : Ducaale II
Subject : Re : komishanka doorashooyinka qaranka ( kdq ) oo maanta qabtay shir-jaa'id .
Date : 2010-03-10
Waa dhab maahmaahda Carbeed ee tidhaahda, " الناس اعداء لما جهلوا oo ka dhigan dadku waa u cadow wixii aanay aqoon u lahayn!

Wax kastaba ha ahaatee wixii aan farsamadeeda aqoon loo lahayn waxa ay leedahay dhibaatadeeda. Somaliland oo kala mid ah caalamka sadexaad aqoondarrida farsamada cilmiyada cusub oo ay weligeed markani tahay markii ugu horreysay taariikha oo ay Somaliland gasho doorashooyin tira-koob ku dhisan ayay adag tahay in sida la moodayo dhaqso looga dhammaan karo. Taas oo ay weliba weheliso isticmaalka qalabka iyo biraha isla hadla oo lala kaashanayo.

Xagee buu markaas joogaa qofka doonaya in uu khiyaameeyo bir aaladaysan oo amar keli ah qaadata amarka sirta ah. Taas oo aan cidna u xil qarin doonin qalad jira. Adaan-yabaalaysna warkiisaba daah oo waagaa ka beryay. Kii ula yimaadaana waa uun muxuu daal la korodhsaday!

Hadaba sida ay akhyaartu sheegeen waxa lagaga gudbi karaa hawlshan adag sabir iyo in laga war-sugo aqoonta iyo maamulayaasha. Inkasta oo inta la soo sido uu dhicisku ka bakhtiyi karo kursi jacayl doonk ahi.

Doorashada Somaliland ma aha oo keli ah mid lagu kala dooranayo madax siyaasadeed oo aan kolley waxba is doorin. Bals waa in la wada fahmo in doorashada Somaliland oo dimoqraadi ahi ay tahay mid qiime weyn ugu fadhida Somaliland oo ah furaha iyo qiyaasoo-mitirka mustaqbalka JSL oo ay natiijadu jawaab u tahay habka loola dhaqmi karo Reer Somaliland oo la baranayay. Taas oo qof walba xil ka saaran yahay dhinaciisa in wax la hagaajiyo halgankana ka mid ah. Nin lagu seexdow ha seexan.

Wa Allaau Al-Muwafaq.

Ducaale II


[ Reply ]



Name : Yassin Ahmed
Subject : Re : komishanka doorashooyinka qaranka ( kdq ) oo maanta qabtay shir-jaa'id .
Date : 2010-03-10
Allaa Mahad leh . Komishinka cusubi waa niman dacad ah oo sidii xaqu ahaa wax u wada, weli inamay soo marin rag wadani ah sona halgamaey jecelna in ay dorosho xalaal ahi inoo dhacdo ragan imika komishinka ah moyee . gar ahaan Mudane maxamed Axmed Xirsi geele waa nin hadal macaan wax garadnimo ka muqato wadaninimo ka muqato
halganimo ka muqato. waxana ii muuqata in ay wax aad u fiican komishinkani inoo soo waado. waxaan ku talin lahaa ilaahay wuu ina siiyey rag wanaagsane haloo samro wanaaga ay inoo soo wadan.

Name : caliweli,london
Subject : Re :komishanka doorashooyinka qaranka ( kdq ) oo maanta qabtay shir-jaa'id .
Date : 2010-03-14
marka hore salaan iga gudooma ...waxa wax lala yaabo ah.in aad adeegsato farsamo aanay ummaddaadu aqoon u lahayn-.dad kaaguna aanu qaban karin-.awood dhaqaalena aanad u haysan- qalab kiisiina aanad wada heli karayn-dad kaaguna aanay u bislayn---horta wax aanad garanay in aad adeegsataa waa arin qalad ah-.takale in haw ama shaqo qaranku leeyahay aad khubaro debeda uga keentaa waa arin qaldan uyaduna.waayo khubaradaasu waxay doonaan bay samayn karaan,yeelina karaan maadaama aanay jirin cidii waxan lagaranaysay.arintan doorashooyin kuna waa arin aad u xasaasi ah,oo dhibaatooyin badan keeni karta ,abuurina karta.,,waxaana kaloo layaab leh,nadaamkan diiwaan gelinta computer raysan oo aanay weli isticmaalin dawladaha horuu maray xataa ,maxaa somaliland ku kalifay inay doorato? ma nimankan hay adaha isku sheegayaa wax kastoo ay idiin la yimaadaan waa ka yeeshaa.(oo way idinku tijaabiyaan)idina qandaraas baad u aragtaan oo waad ka aqbashaan),,,,,,,Hadaba dalku wuxuu u xaniban yahay hay ad yar oo layidhaahdo interpeace,doorashooyin kiina waxay dhawr jeer dib ugu dhaceen waxan aynu (serverka)leenahay,ee aynaan garanay shaqadiisa.IYADOO DOORASHOOYINKU IMINKANA ay dib u dhici doonaan oo aan lagaranayn xili ay qabsoomi doonaan,WAAYO ?waayo waxa iminka laga filaayey gudidii cusbayd ee kamishanka inay soo bandhugaan qorshahoodii,iyo wixii ay qabteen, intii ay xilka hayeen ,laakiin nasiib daro waxa noqotay oo cadaatay inaanay talaaboba weli qaadin,oo ay bad dhex hafanayaan,aanay dabaalna garanayn.Hadaba maxaa la yeeli doonaa?waa marka 1-koowaad e.waa in la kala shaandheeyaa ,oo lahelaa tirada saxda ah ee lahayo farahoodii iyo sawirkoodiiba.--2-kuwa lahayo farahoodii ,ee aan lahayn sawirkoodii.---3-kuwa lahayo sawirkoodii ee aan lahayn farahoodii.--4-kuwa dhawka kaadh qaatay ee ku noqnoqday.--5-kuwa mishiinku(serverku)isku dhex qasay,ee uu isdhaafiyay information koodii (siday doontoba arintaasu haku timaado e)---6-kuwa iyaga oon dad doodu gaadhin inay codeeyaan oo kaadhadhka lasiiyay ama qaatay ee haysta (wixii iyagana laga yeeli lahaa)---7-kuwa iminka gaadhay da,dii ay ku codayn lahaayeen----7-dadka kaadhadhka loo bedelayaa waa kuwee? Hadaba waxaa gudida komishanka looga fadhiyaa, lagana sugayaa inay waxcad lashir yimaadaan marka danbe, ee ay shir jaraa id ay qabtaan,oo wixii iminka oo kale aanay la hor iman shacabka horeba loo wareeriyay. WAXAANA hubaalm ah oo ay ka meermeerayaan inay yidhaahaan oo cadeeyaan in waxan ay hayaan imanka ,aanay ahayn ,wax saxa oo doorasho lagu geli karo,waayo waxay garan la yihiin ilaa imanka meel ay wax kabilaabaan. Hadaba waxaa iska cad,oo xaqiiqo ah ,oo lagama maarmaan ah,INAAN LAGA FURSANAYN (LAGANA MAARMAYN) IN DIIWAAN GELIN MAR KALE LA SAMEEYO..HADDII KALE SIDAY DOONTO HAW DHACDEE ,IN BILAA DIIWAAN GELIN DOORASHADA LAGU GALO.sababtoo ah sidanu si lagu sii jiri karayo maaha.isjiidjiid danbena waxba soo kordhin maayo .in xaaladihii hore loo soo marayna dib loogu noqdo maaha. Arinku meesha adag buu taagan yahay ,waxaas oo dhana waxaa noogu wacan ,una sababa,in aanay lahayn siyaasiyiinta reer somaliland, muxaafid iyo macaaradba,garaad siyaasadeed oo isdhaama oo aragti dheer leh,oo keeni kara talo ama xal lagaga bixi karo xaaladahan uu dalku ku jiro ee soo noqnoqonaya, siyaasiyiinta reer somaliland na ,ma inay isu soo jeediyaan dhaliilo -aflagaadooyin iyo iscan baarayn,-iskahadal-hebelba waakii iska hadlaye-ka jawaab hebel wixii uu yidhi-is difaac oo dheh sidaa ulamaan jeedi,ee hadal kaygii baa si kale loo turjumay. Waxa kale oo nasiib daro ah ,madaxwayne aan shicibkii doortay la hadlayn,waxna u shhegayn,Haddii uu hadlona dadkii uu madaxwaynaha u wada ahaa u hanjabaaya,ama beencad u sheegaaya ,oo waxyaabo aanu qaban sheeganaaya,oo lawada ogyahay,isagoo aad moodo marka uu hadlaayo inaanu dalka ku noolayn xataa ka warhayn xaaladda dalka ka jirta.waxa nasiib daro ah inuu madaxwaynihii ladoortay uu noqday maxbuus gurigiisa ku xidhan ,una xidhan kooxo qawlaysato ah,isna uu sidaa raali ka yahay,oo uu la boobu wax kasta, ilayn dadkana wuu kabaqayaa inay dilaan,dalkana waabuu kasii socdaaye. somaliland nasiib daro ayaa kaga dhacday dhinacii siyaasiyiinta,oo aan lahayn aqoon ama garaad siyaasadeed oocaafimaad qabta.oo dalk iyo dadkaba ,kasaari karta xaaladahan soo noqnoqonaya. laakiin awalba ilaahay ayaa badbaadin jiraydalkan iyodadkiisaba, iminkana ilaahay ayaanu taladayada u dhiibanay,ilaahay hayna badbaadiyo............aaaaammmmmiiiiinnnnn. wabilaahi altawfiiq.

[ Reply ]


Pages : [ komishanka doorashooyinka qaranka ( kdq ) oo maanta qabtay shir-jaa'id . 1 ]