|
 |
Main |
 |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
 |
BBC Somali |
 |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi |
|
|
|
|
|
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed. |
 |
|
|
|
|
Proudly Somalilander |
 |
|
|
|
|
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde. |
  |
|
|
|  |
suxufiyadda caanka ah mrs.yvonne ridley oo islaamtay.
|
suxufiyadda caanka ah mrs.yvonne ridley oo islaamtay. |
 |
|
 Mrs Yvonne Ridley ayaa waxay caan ku ahayd aflagaadeynta Islaamka iyo Urur-waynihii Daliban ee ka talin jirey wadanka Afkanistaan ka hor intii aanay qaadan Diinta Islaamka.
Saxafiyada caanka ah Mrs.Yvonne Ridley waxay ku dhalatey wadanka ingiriiska taariikhdu markey ahayd 1959, Mrs. Ridley waa saxafiyad ruug cadaaya waxaanay ka soo shaqeysay wargeysyada ugu caansan wadanka ingiriiska oo ay ka midyihiin: The Independent, Observer,Sunday times iyo The sunday exprss, waxa kale oo lagutiriyaa inay kamidtahay saxafiyiinta looga hadhay lafagurida malafyada caalamiga ah ee laxidhiidha dhacdooyinka dunida daafaheeda kadhaca.
Mrs Ridley ayaa waxay caan ku ahayd aflagaadeynta islaamka iyo urur waynihii daliban ee katalinjirey wadanka afkanistaan ka hor intii aanay qaadan diinta islaamka. Marwo Ridley oo ka waramaysa qaabkii ay ku islaamtey waxay tidhi: "waxaan warka uga soo tabinjirey wargeyska The Sunday Express dalka Afgaanistaan si aan wax uga ogaano ururkii Dalibaan ee xiligaa katalinayay wadanka Afgaanistaan iyo dhaq dhaqaaqa islaamiga ah ee kajira wadaankaasi ka hor intii aanay dhicin weeraradii 11 septemper ee lala beegsaday wadanka mareykanka, 17 cisho kadib waxa gacanta aan u galay ururkii Dalibaan ee katalinayay dalka Afgaanistaan xiligaas, kuwaasoo igu eedeeyay inaan dalka ku soo galay sharci daro, waxaan xidhnaa 10 chisho oo murugo badan waayo waxaan ka cabsi qabay in la idilo ama dhibaato kale la iigeysto, maalinkii lixaad ayaa waxa ii yimi nin oday ah waxaanuu iisoo bandhigay inaan diinta islaamka qaato markaan London kulaabto, balse codsiga iiga yimi ninka reer Afgaanistaan waan ku diiday waxaanan u sheegay in aan haysan doono diintii aan hore u aaminsanaa, balse waxaan u balan qaadey inaan diinta islaamka badhitaan ku samayn doono hadii ay isii daayaan anigoo taa markaa ka dhiganayay xeelad aan kagabaxo Jeelka, runtiina waan ku guulaystey khiyaamadii oo waa la isii dayay aniga iyo maxaabiistii kaleba kadib markii bayaan uu kasoo baxay madaxtooyada Dalibaan kaasoo lagu siidaynaayo maxaabiista ajaanibka ah duruufo bani aadannimo daraadeed." Waxa ay intaas raacisay oo ay tidhi "Markii aan kulaabtey wadankaygii waxaan go'aan ku gaadhey inaan oofiyo balankii aan lagalay Dalibaan ee ahaa in aan diinta islaamka daraasad ku sameeyo.waxa aan bartey quraankii waxa aan diraaseeyay islaamkii mudo 30 bilooda gudohooda kadib waxaan dareemey isbedel weyn oo ku yimi noloshaydii waxaan go'aan ku gaadhay markaa inan islaamka qaato waxanaan ku dhawaaqey tawxiidka".
Mrs Ridley oo kawaramaysay xuquuqda islaamku siiyay haweenka ayaa waxay tidhi"waxa aan layaabey markaan arkey qiimaha iyo sharafta islaamku siiyay haweenka hadey hooyo tahay iyo hadey inantahay iyo hadii ay oori tahay intaba." Waxaan ogaadey sidoo kale ayay tidhi in sharaftu tahay Alle ka cabsiga oo kaliya ee aanay ahayn inaad yeelato hanti, qurux iyo nasab midna. Mrs Ridley oo kawramaysa jawaabihii ay ka bixiyeen qoyskeedu islaamnimadeeda waxaanay tidhi:"waxaan ladhashay laba gabdhood oo mid kamidi jaar la ahayd 20 sano qoys islaam ah sidaas darteed markey maqashay islaamnimadayda lamay yaabin waxaanay u aqbashay si dabiiciya lakiin walaashay dii kale waxay igu tidhi iyadoo igu ciyaareysa: waxaan u malaynayaa inaad dhawaan is qarxinayso. Hooyaday iyadu waxay ahayd islaan haysata diinta kiristanka lakiin islaamka aad u jecel, markii aan usoo bandhigay inay qaadato diinta islaamkana waxay iigu jawaabtay:hooyo waxaan ahay 79 jir mabadali karo iminka diintaan intasoo dhan haystay." Mrs Ridley intay islaamtey kabacdi waxa ay barnaamijyo xijaabka iyo haweenka laxidhiidha ka sii daysaa idaacadaha iyo tifiiyada islaamiga ah ee kubaxa luqada ingriisiga waxaanay si rasmiya uga hawl gashaa tviiga Aljazeera English Channel ee kubaxa luqada ingiriisiga. Hamse Axmed Warfaa Oodweynenews.com/ Netherland
|
|
|
Posted on Sunday, February 07 @ 22:38:39 DAVT by admin |
|
|
|
|
Name : cabdiwahaab Subject : Re : suxufiyadda caanka ah mrs.yvonne ridley oo islaamtay. Date : 2010-02-08
|
waa arin lagu farxo islaamidda suxifiyadaas caalamiga ah waana waafajin ilaahay waafagiyey marka waa arin lagu farxo marka waan u mahadcelinayaa maadaama ilaahay ka badbaadiye naar aad kulul kuna soo biirtay islaamka.
|
[ Reply ] |
|
Name : Yonis X-jamac Subject : Re : suxufiyadda caanka ah mrs.yvonne ridley oo islaamtay. Date : 2010-02-09
|
Hamse Ahmed Warfa, baal marka uugu horeysa waxad noo sheegeta xaagad ka keentay gabadhen baa islamtaay sxb? marka labad waxa waaye marka waare siidaynayso waxa akhriyaash laa tuusa xaagad ka soo qaadata amba caadaynaha lagu muujin karo marka iinu ruun yaahay. marka waxnu imika ka doonayna warka xaagad ka keentay sxb.
mahadsanid
Name : Ku-Cadeeye Subject : Re :suxufiyadda caanka ah mrs.yvonne ridley oo islaamtay. Date : 2010-02-09 Halkan ka daawo walaal, walaasheenna cusub ee soo muslimtay iyadoo la waraysanayo:
http://www.youtube.com/watch?v=xFZrSPUoH3I
Ku-Cadeeye | Name : Ma-tukade Subject : Re :suxufiyadda caanka ah mrs.yvonne ridley oo islaamtay. Date : 2010-02-09 Timirtii horeba dab loo waa.
Kam shuufnaa maraakiib,macdalaa huuri.
Immisaa xuural cayn yar muslim ah maanta dunida dhinac ka raacday oo nolol quite ah galay. Qaylo iyo mushaakil hasoo doonan.
Aar yaa u sheega oo dhaha halkaaga iska joog haddii kale qabiil baa lagaa dhigi,haraad iyo gaajo,colaad iyo cuduro ayaad deris la noqon doontaa.
Xaasidnimada,xinka,qaabka wax loo burburiyo ayaad baran ee noloshaada yar ee macaan iska dhuuq oo iskaga jir. | Name : Ku-Cadeeye Subject : Re :suxufiyadda caanka ah mrs.yvonne ridley oo islaamtay. Date : 2010-02-09 Istaqfurullaah!Istaqfurullaah!, waar istaqfurulaysu intaan iridda lagaa xidhin. Waligayba waxaan moodayay Ma-tukade, inuu magacn wax ku foofdar halaynayo, oo cid marin habaabinayo, show waaba ka dhab ma tukadenimadu.
Ku-Cadeeye | Name : Dr Real Darwiish Subject : Re :suxufiyadda caanka ah mrs.yvonne ridley oo islaamtay. Date : 2010-02-11 Matukade,
Ilaahay hakuu naxariisto, aamiin. Waxaa Nebiga laga wariyeey sidatan: Qofbaa wuxuu oran doonaa hadal si ulakac ah kaasoo uu ku mutaysan doono lixdan (60) sanadood oo cadaab ah. War Ilaahay u toowbad keen oo Allah ka baqo adigay kuu roontahaye.
Ma salaama
Dr. Real Darwiish
London UK |
|
[ Reply ] |
|
|