Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Notre Dame Biometrics: Helping An Honest Elections In The R. Somaliland.       Waraysigii Ugu Danbeeyey Ee Laga Qaaday U-Qaybsanaha QM JSL & Somalia.       Hambalyo: Aroooooooooooos Wacaaaaaaaaan       U-Qaybsanaha QM, JSL Iyo Somalia Oo Lagu Soo Dhoweeyey Hargaysa.       Guddoomiyayaasha Xisbiga Waddani Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Ka Qayb Galay Qalin       Madaxweynaha JSL Oo Safar Gaaban Ku Gaalaabixiyey Galbeedka Hargaysa.       Madaarka Caalamiga Ah Ee Berbera Iyo Maanta.       M/weynaha JSL Oo Qaabilay Wasiirka Ganacsiga Iyo Hor-u-marinta Denmark.       Wasiirka Arr. Gudaha JSL Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Hawlaha Ciidanka Shidaalka.      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
Oodweynenews
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.
Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

wararkii maanta iyo wargayska yool.

wararkii maanta iyo wargayska yool.

News


 1. JSL oo Jawaab Kulul ka Bixisay Hadal ka soo Yeedhay Sheekh Shariif. 2.  Mashaariic ay Iska Kaashadeen QM iyo Dawladaha Hoose JSL. 3. Pugtland oo ku Hanjabtay inay la soo Noqon Doonto Laascaanood.




1. Somaliland oo Jawaab Kulul ka Bixisay Hadal ka soo Yeedhay Sheekh Shariif

Hargeysa(Yool)-Xukuumada Somaliland, ayaa jawaab kulul ka bixisay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Dawlada taagta daran ee Muqdisho Md. Sh Shariif, kaasoo uu ku sheegay in Somaliland maamulkeedu uu ka dhursugayo inta Koonfurta Soomaaliya nabadi ka aslaaxi doonto.

Waar-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Wasiirul-dawlaha Arimaha Dibeda Somaliland Md. Siciid Maxamed Nuur, ayaa waxa uu ku tilmaamay hadalada Shariifka kuwo aan wax ka soo qaad lahayn, isla markaana aan waxba ka duwaneyn kuwii ay horeba ugu hadaaqi jireen Masuul kasta Koonfurta Somalila ka soo baxaa, hadalkan Sh Shariif oo lagu daabacay mid ka mid ah Wargeysyada maxaliga ah ee Somaliland, ayaa isagoo Wasiirul-dawluhu tix-raacaya waxa uu War-saxaafadeedkiisa ku yidhi sedan: "Angoo tix raacayna Hadalka ka soo yeedhay Sh. Shariif Sh.Axmed ee Dawladda T. F. G-da ee ku soo baxay Wargeyska Ogaal Caddadkiisa 914 ee taarikhdiisu tahay maanta [Shalay] 16/11/2009 oo uu ku sheegay in ay Somaliland sugayso xalinta dhibaatada ka taagan Somalia iyo in ay jirto fursad wada hadal in ay labada dhinac "Somaliland iyo Somalia" ah ay jirto.

Haddaba waxaanu Shariifka u sheygayna in uu riyoonayo oo aad moodo in uu imikaba hurdada ka soo toosay, Somaliland waxay aayaheeda ka tashatay 1991 kiiwaxayna go'aansatay 1991 kii in ay kala soo noqoto xuriyadeeda ka luntay.

Qadiyada Somaliland cid ay gorgoortan lala gala ma jirto waxaanu u sheegeynaa Shariifka in uu ku ekaado dhibta ka haysata xalinta arrimaha Somalia intu kolba meel kale u hanqal taagayo ‘Tiisiba daryeela tu kale ku dara"

Waxaanu leenahay Shariifoow wali nabarkii nama bogsan naga soo gaadhay midnimadii Somalia, wax Somalia nagaga xidhana ma jiraan.

Qodobka labaad ee uu sheegay in ay fursad wada hadal jirto waa habeenkii xalay oo tagay in ay fursadaasi timaado.

Haddaba waxaanu Shariifka iyo dawladiisaba leenahay ka waantooba hadalada siyaasadeysan ee ay had iyo goor ku khaldayaan ra'yu caamka caalamka oo ay ku beerlaxawsanayaan dadka, waxaanu leenahay Somaliland way taqaana danteeda waanay ka tashatay dawlad iyo shiciba."


2. Wasaaradda Daakhiliga oo Qiimeynaysa Siday u Fuleen Mashaariic ay Iska Kaashadeen Q. Midoobay iyo Dawladaha Hoose ee Dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa qiimaynaysa siday u fuleen mashaariic ay iska kaashadeen dawladaha hoose ee Magaalooyinka waa weyn ee dalka iyo shan hay'adood oo Qaramada Midoobay ah, masaariicdaas oo salka ku haya magaalaynta iyo kor u qaadista adeegyada bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Yuusuf Maxamed Ducaale oo shalay galabta ka soo laabtay Magaalada Boorame oo uu ku tegay socdaal hawleed oo qaatay muddo laba cisho ah oo uu ugu kuurgalayay siday u hir galiyeen mashaariicdaasi oo dabagalkooda Wasaaradda Arrimaha Guduhu u xilsaarnayd.

Agaasimahu waxa uu Magaalada Boorame xadhiga kaga jaray shan mashruuc oo dawlada hoose ka fulineysay xaafadaha magaalada, kuwaasi oo ay ka mid yihiin laba wado oo ku kala yaala xaafadaha Sheekh Cali iyo Sheekh Cismaan ee magaalada Boorame.

Mashaariicda uu agaasimuhu xadhiga ka jaray waxa kale oo ka mid ah dhismaha suuqa bacadlaha Boorame, laba guri oo ah nooca lo yaqaano Community Centers iyo barkad laga hirgeliyay tuulada Goraya Cawl ee duleedka Boorame.

Md. Ducaale, waxa uu sheegay in dawladaha hoose ee Magaalooyinka dalku ay isku dhaafi doonaan hadba siday ugu faa'iidaystaan mashaariicda ay iska kaashanayaan dawladaha hoose iyo Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale, waxa Aggaasimuhu shalay ka furay Magaalada Boorame tababar ku waajahan maamul daadadajinta oo ay ka qayb galeen xildhibaanada golaha deegaanka iyo qaybaha kale ee bulshadu, waxaana tababarkaasi fulinaya Jaamacada Camuud.

Sidoo kale, waxa dhawaan dalka Yugaandha lagu qabtay shir balaadhan oo lagu qorshaynayay mashaariicda magaalaynta ee laga fulin doono dawladaha hoose ee magaalooyinka, waxana shirkaasi ka soo qayb galay saraakiisha sarsare ee hayadaha UN/HABITAT, UNDP, UNICEF, ILO iyo kuwo kale, halka Somaliland-na ay u matalayeen wefti balaadhan oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Agaasimaha Guud ee Daakhilaga iyo Maayida Magaalooyinka waa weyn ee dalka.

Waraysi Khaas ah Cismaan Hindi

Hargeysa(Yool)-Guddoomiyaha ololaha Doorashada ee xisbiga UDUB Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-hindi), ayaa Axsaabta mucaaridka ku eedeeyey in aanay ku shaqeyn siyaasad ka turjumaysa dhismaha horumarka bulshada, balse ay ku dhaqmaan mucaaridad lid ku ah midnimada Qaranka iyo hannaanka asxaabta badan.

Cismaan-hindi oo Xalay Khadka Telefoonka ugu warramayey Wargeyska Yool, isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu sheegay in mid ka mid ah xisbiyada mucaaridku oo aanu magac-dhabin uu gundhig u yahay barnaamijkiisa siyaasadeed qabyaalad iyo cunsiyad ku dhisan nidaam beeleed.

Dhinaca kale Guddoomiyuhu waxa uu difaacay siyaasada xukuummada/xisbiga UDUB oo uu ku tilmaamay mid ka turjumaysa midnimada iyo isku duubnaanta bulshada, isla markaana awooda saarta horumarka dalka iyo dadka.

Waraysigan oo Md. Cismaan kaga waramay arimo dhawr ah, isaga oo faah-faahsan, waxa uu dhacay sidan:

YOOL: Cismaan waxaad tahgay Madaxii Kaambeynka ee Xisbul-xaakimka markaa inkastoo aan weli lagu dhawaaqin waqtigii ololaha, hadana bal nooga waran maxaa ilaa hada kuu qabsoomay?

Cismaan-Hindi: Koley shaqadii Xisbigu waa sideedii oo way socotaa, ololaha Kaambaynku doorashadu waxa uu si rasmi ah u bilaabmaa marka Komishanku cayimaan maalinta uu ka bilaabmay, iyagaana u madaxbannaan waqtiga uu noqnayo. Haseyeeshee, shaki kuma jiro oo qolo waliba dhankeeda ayay hoosta wax uga wadataa anaguna kama madhnin intaa waanu wadna wixii mu'naasib ah ee aanu qabsan karno.

YOOL: Haddii aad tihiin Xisbiga UDUB iyo Xukuumaddiisa waxa jira walwal isa soo taraya oo Xisbiyada Mu'caaridku ka muujinayaan in aad daacad ka tihiin qabsoomida Doorashada, doodaa maxaa ka qabtaan?

Cismaan-Hindi: Walaahi waa nasiibdarro sidaad ogtihiin waxa jirey heshiis ka kooban Lix qodob, kaasoo qodoba intooda badan ay hirgaleen, sida Komishankii cusub oo la dhisay, Diiwaangelintii khalkhalku inaga galay oo ah in dib loo saxo iyo khuburo dibeda inooga imanaysa oo iyaguna wax ka sixi doonaa waxyaabahaa inaga xumaaday.

Sidaa darteed ma jiro warwareeg naga haya qabsoomida Doorashada, gacantayadana kuma jirto hawlaha Doorashadu ee waa mid uu u Madaxbannaan yahay Komishanka cusub ee la soo doortay oo Saddexda Xisbiba wax ku leeyihiin.

YOOL: Cismaan-Hindi, waxa dadka qaarkood Xisbiga UDUB ku dhaliilaan inaydin gabteen kaalintii la idiinka baahnaa, gaar ahaan dhinaca ololaha, sidaa darteed-na Mu'caaridku idinkaga fiican yahay xagga abaabulka iyo kasbashada dadka intaba, taa iyada maxaad ka odhan lahayd?

Cismaan-Hindi: Sida runtu tahay Xisbi walba waxa uu leeyahay qorshe siyaasadeed uu ugu talo galay inuu bulshada u soo bandhigo, Xisbigayguna kuma abtirsado Qabiil, Koox iyo Degmo midkood-na, balse waa Xisbi u dhex ah Ummadda reer Somaliland oo sidii Muraayadii oo kale qolo waliba iska dhex arki karto. Taasi waa mid aanu dheer nahay Labda Xisbi ee kale.

Ummadana waxaanu ku kasbaynaa wixii aanu wadanka u qabanay, gaar ahaan Wasaarad walba wixii ay qabatay. Tusaale ahaan, haddii aynu u soo qaadano dhinaca Waxbarashada oo isbarbar-dhigno heerkii Waxbarasho ee Somaliya iyo kan Maanta ee Somaliland, waxa xusid mudan Dalkii Soomaaliya waxa ka jiri jiray hal Jaamacad ah oo la odhan jiray Jaamacadda Ummadda waxayna ku taaley Xamar taasaa wadanka oo dhan looga iman jirey, dhammaan Kuliyadaheeda waxa wax lagu baran jirey Af-ka Talyaaniga, marka laga reebo Kuliyaddii Lafoole oo iyada Af-Ingiriisi wax lagu baran jirey. Markaa dadka reer Somaliland iyo gobolada kale ka yimaada oo dhan waxa ay ku khasbanaayeen inay Macalinnimo bartaan.

Haseyeeshee, Somaliland Maanta marka laga hadlayo Hargeysa oo keliya waxa ka jira ilaa Toban Jaamacadood Inanku isagoon tegin dibeda ayuu awoodi karaa inuu Jaamacaddii uu u bahanaa helo, waxaynu soo saarnaa oo ka soo baxay Jaamacadaheena Looyaro, Dhakhaatiir iyo Arday tiro badan oo bartay Culuunta kal duwn sida maamulka iyo Maareynta, waxaan qabaa haddii Maanta la isbarbar-dhigo heerkii Waxbarsho ee Soomaaliya iyo kan Maanta ee Somaliland in aanay shaqo isku lahayn.

Waxaad ogtahay in aanu ku guulaysanay in aanu Xoolihii inaga xidhnaa furno. Waxa kale, oo aad ogtahay in Maanta inagoo Wadan yar ah Lacagteena (Shilinka Somaliland) iyo Doollarka Maraykanaku ay isbarbar socdaan, iyadoo aanu jirin cid inaga kabtaa iyo aqoonsi aynu dunida ka haysnaa midkood-na.

Sidoo kale, waxa aan yarayn hawlaha ictiraaf raadinta inta hawl loo galay ee Madaxweynuhu dhawr jeer dibeda ugu baxay iyo inta Looyar ee dibeda laga sameeyay sidii qadiyadeena Caalamka looga dhaadhicin lahaa.

YOOL: Dadka qaarkood waxa ay idinku dhaliilaan in Xisbi iyo Xukuumada ahaan-ba aad u taagan tihiin oo keliya jawaabaha marka Xisbiyada Mu'caaridku eedaymo idiin soo jeediyaan, maxaa taa idinkunmashquuliyey oo Idiin diiday inaad waxqabad sax ah la timaadaan?

Cismaan Hindi: Horta horaa loo yidhi "Habar fadhida Ledini wax uga fudud". Ninka mucaaridku sida uu doonayo ayuu u hadlayaa, kumana shaqeyno waxa Mucaaridku yidhaahdo ee waxanu ku shaqeynaa wixii suurtogal. Dhaliisha mucaaridkuna maaha mid wax dhisaysa ee waa mid wax duminaysa.

YOOL: Cismaan Adigoo Carabka ku dhuftaty labada xisbi ee mucaaridka ah, waxaad sheegtay in aan xisbigiina UDUB mabaa'diidiisu ahayn kuwo ku saleysan qabiil, kooxo iyo deegaano midkoodna, maxaad uga jeedaa?.

Cismaan-Hindi: Soomaalidu waxay tidhaahdaa- ‘Abu iskuul meelna ma wada degto warna iskuma seegana' waxaad ogtahay waxa Saddexda xisbi lagu xanto haddii maanta afar qof su'aashaa la weydiiyo weynu iska ognahay waxay ku jawaabayaan.

YOOL: Haddii aad magic-dhabto ma KULMIYE-yaa mise waa UCID xisbiga aad sheegtay inuu qabyaalad ku dhaqmo?.

Cismaan-Hindi: Anigu ma doonayo in aan magacaabo, laakiin Somaliland wey wada ogtahay xisbiga siyaasadiisu ku qotonto qabiil, reer hebel iyo Kaadidayad ayaanu u soo cabnay.

YOOL: Dadka qaarkood waxay siyaasiyiinta xukuumadda iyo xisbiga UDUB ku dhaliilaan kuwo tab gaaban oo iyagu gudahooga ku mashquulsan, taasina ay sababtay inaad hawlihii Qaranka iyo kuwiii xisbigaba ka gaabisaan, idinka taasi ma idiin muuqataa?.

Cismaan-Hindi: Maya sidaa isuma aragno, waan aqaana mucaaridku siduu u shaqeeyo, waxayna ahayd inay mucaarid-nimadoodu ku dhisnaato wax toosin. HAA wixii toosin ah waanu qaadanaynaa, laakiin kuma shaqeeyaan sidaa, annaguna kuma mashquulsanin wax ka sheega labada xisbi in aanu iska eegno, wixii dhaliilo ah ee wax dhisayana waanu soo dhoweynaynaa, halkii ay ahayd inay siyaasadooda ummadda u soo bandhigaan waxay isku hawlaan cay iyo wax ka sheega Madaxda, fadhiidna ma nihin ee waxaanu ku mashquulsan nahay danta iyo horumarka ummadda.

Yool: Cismaan marka aad leedahay Xisbigayga kama jiraan Kooxaysi maxaad uga jeedaa?

Cismaan-Hindi: Waad ogtahay inay wax qaaliya inagu taagan tahay dib u la soo noqshada Madaxbannaanida Somaliland, anigoo u mahadnaqaya Saraakiishii iyo Mujaahidiintii ku shahiiday iyo kuwii kale eek u Curyaamay-ba oo aan filayo inay Maalin maalamah ka mid ah inay heli doonaan abaalkooda, laakiin ragg baa jira weli isu haysta inay joogaan Jabhadii oo aan ogeyn in la dawladoobay, kuwaasoo iyagu gooni u sheegta oo magacyo kula baxay iskan dhiga inay Somaliland inta kale ka xigaan. Sida Shiish iyo Khaakh oo kale.

Puntland oo ku Hanjabtay inay la soo Noqon Doonto Laascaanood


"Puntland Diyaar ayay u Tahay soo Celinta Magaalada Laascaanood iyo Dhulka ka Maqan-ba"

Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland

Nayrobi(Yool/AllPuntland)-Wasiirka Duulista iyo Hawada ee Maamul-goboleedka Puntland Md. Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ka hadlayay xaaladaha Magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool, ayaa sheegay inay dawladda Puntland ay ka go'an tahay wax ka qabashada xaaladaha Gobaladaasi, isla markaas-na ay doonayaan inay wax badan ka qabtaan xaaladaha Gobaladaas.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada ee Maamul-goboleedka Puntland, oo isagoo jooga Magaalada Nayroobi ee Xarunta dalka Kiiniya  u waramayey Shabakada Wararka ee Taleex.net, ayaa sheegay inay dawladda Puntland ku jirto diyaar garoow ku aadan wax ka qabashada xaaladaha Laascaanood, wuxuuna waxba kama jiraan ku sheegay Wararka sheegaya in  aanay dawladda Puntland u jeedin xaaladaha Gobalka Sool.

Axmed Cilmi Cismaan, wax uu intaa ku daray in maamulkiisu ku hawlan yahay barnaamijyo badan oo ku wajahan horumarinta Gobalka Sool iyo sidii dib loogu soo celin lahaa, isagoo sheegay in aanay soo celinta Laascaanood oo kaliya ku howlaneyn, balse ay doonayaan in ay wax badan ka qabtaan guud ahaan Gobalka Sool iyo xaaladihiisa kala duwan.

Md. Karaash oo ka hadlayey maamul-reered dhowaan lagu sameeyay Dalka Kiiniya oo ku abtirsanaya deegaanada Gobolka Sool, waxa uu sheegay in aanay waxba kala socon, balse waxa uu xsay in aanu aqoonsanayn Maamul-Gobolkeedkiisu, isagoo caddeeyey in hogaanka Sool, Sanaag iyo Cayn ay yihiin Isimada iyo Madaxda dawladda Puntland.

Gebagebadii hadalkiisana waxa uu tilmaamay inay jiraan dad aanu Magac-dhebin, kuwaasoo uu sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay isag horkeeni lahaayeen shacbiga reer. Waxaanu Mr, Karaash ugu baaqay Somaliland odayaashooda dhaqanku inay wiilashooda kala baxaan Sool, wuxuuna cadeeyey in aanay Puntland u dul-qaadan doonin dhibaatooyinka lugu hayo Shacabkeeda, isagoo dhaleeceyn ujeediyey talaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay qaaden ciidamadii Somaliland.

Al-shabab oo Sheegay in Xoogaga Xibul Islam ay ka Barbar Dagaalamayaan Jabhadda ONLF

 ONLF oo Jawaab Deg-deg ah ka Bixisay Eedaymaha Al-shabaab

Muqdisho(Yool) - Kooxaha Islaamiga ee ku dagaallamaya gacan-ku-haynta Koonfurta Soomaaliya, ayaa shalay dagaal xoogani ku dhex maray degaanka Xagar ee Gobolka Jubbada Hoose. Dagaaladaas ayaa la xaqiijiyey inay ku qudhwaayeen ugu yaraan  siddeed qof.

Dagaalkan oo u dhaxeeya maliishiyo ka kala tirsan Xisbul Islaam iyo al-Shabaab, ayaan la ogeyn cidda dhab ahaan ugu gacan saraysa. Sidaa darteed-na Masuuliyiinta labad dhinac ayaa qolo waliba waxa ay dhinaceeda sheeganaysaa inay iyadu ku gacan saraysay dagaalka.

Ururka Xisbul Islaam ayaa dhinacooda sheegtay in dagaalku ka bilaabmay weerar ay ku soo qaadeen xoogaga ururka al-Shabaab, isla markaana ay iyagu ku gacan sareeyeen dagaaladii shalay dhacay.

Sidoo kale, Af-hayeenka Al-Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka Shiikh Yacquub Cali, ayaa dagaalak shalay dhacay uu ka dhashay ka dib markii ay weeraro ku soo qaadeen ciidamada daacada u ah Axmed Madoobe oo gacan ka helaya kuwa Jabhada ONLF.

Ma jirto warar Madaxbannaan oo si dhab ah u xaqiijinaya sheegashada labada dhinac, isla markaana ay yar yihiin Wararka ka imanaya Gobolka  isgaarsiinta oo go'an awgeed.

Dhinaca kale, Jabhadda ONLF, ayaa beenisay inay ku lug leeyihiin dagaalada Xoogaga hubaysan ku dhexmaraya qeybo ka mid ah Gobolada Jubooyinka, iyagoo daba-jooga eedaymo kaga yimi dhinaca Al-Shabaab.

Hoggaanka Warfaafinta ee Jabhadda ONLF Md. Xuseen Maxamed Nuur, oo isagoo ku sugan Wadanka Qadar la hadlayay Shabakadda Warbaahinta ee Shabelle, ayaa sheegay dagaalada dhinacyada hubaysan ku dhexmaray Gobolada Jubooyinka aanay wax lug ah ku laheyn Jabhadda ONLF.

Waxaanu intaa ku daray in dagaalkaasi u dhaxeeyo Ururka Xisbul Islaam iyo Xarakada Al-Shabaab, waxaanu xusay in dagalada Maanta [Shalay] dhex maray labada dhinac ee Xarakada Al-Shabaab iyo Ciidamo uu Wato Sheekh Axmed Madoobe oo la sheegay in uu ka mid yahay Xisbul Islaam ku dhexmaray aanay habayaratee wax lug ah ku lahayn Ciidamadoodu.

Ugu dambayntiina, waxaa uu sheegay hoggaanka Warfaafinta ee Jabhadda ONLF inay hoire u caddeeyeen ujeedooyinka dagaaladooda oo ay ku sifeeyeen inay yihiin kuwo ku wajahan Dawladda Ethiopia, waxaanu meesha ka saaray in aanay jirin habayaraatee sababo keeni kara in Gudaha Soomaaliya ay ka dagaalamaan ama dhinacyada Soomaaliyeed ay la kala saftaan Ciidamada ONLF leedahay.

Digniintii Al-Shabaab ee WFP oo Salka la Gashay Hawlaha Qandaraaasyada

Nairobi(Yool/AllPuntland)-Iyadoo uu af-hayeenka maleeshiyaadka Al-Shabaab Cali Dheeere ku amray hay'ada cuntada aduunka ee WFP inay shaqaalaheeda kala baxdo dalka, ka dib markii uu ku eedeyey inay raashinka dalka soo galiso xiliyada ay so go'aan dalagyada beeraha, ayaa arintaas waxaa laga helayaa warar kala duwa.

Warar xog-ogaal ah oo ay heshay shabakada AllPuntland, ayaa sheegaya in amarka iyo digniinada ka soo baxay Al-Shabaab ay ka dambeeyaan qandaraaslayaal ka mid ah hay'ada WFP oo xiluadii u dambeeyey ay ku socoto su'aalo ay weydiinayeen CID-a Mareykanka.

Saraakil hay'ada WFP ka tirsan iyo siroonka Mareykanka ayaa todobaadyadi ugu dambeeyey su'aalo weydiinayey qandaraaslayaasha ugu tunka weyn WFP Koonfurta Soomaliya oo ay ka mid ahaayeen Cabdiqaadir Cadaan, Delyaaf iyo Ing: Eynoow.

Ganacsatadan heysatay qandaaraska hay'ada WFP Koonfurta Soomaaliya, ayaa lagu helay kiis ah in ay xiriir la leeyihiin Shabaab iyo Xisbul islaam oo ay siiyaan maalgalino lacageed.

Baaritaanadi ay wadeen WFP iyo CID-a Mareykanka ayaa la sheegayey maalmihi ugu dambeeyey in ay ku soo dhamaadeen in laga joojiyey qandaraaska ragan lagu tuhmay taagearada Shabaabka iyo Xsibul islaam.

Dareenka ugu weyn ee la soo darsay saraakisha WFP iyo CID-a ayaa ah waxa isku soo beegay in qandaraaski laga joojiyey Deylaaf, Cadaani iyo Eynow iyo in Al-Shabaab joojiyaan shaqada WFP Koonfurta Soomaliya.


Qaddafi oo Dalbaday 500 Oo Hablo Qurux Badan oo Talyaani ah

Rome(Yool/Ramaas)-Madaxwayne dalka Liibiya Md. Mucamaral Gaddafi, ayaa dalbaday in loo keeno 500 Oo hablaha quruxda badan ee Talyaani ah  si Uu u Muslimiyo. Ninkan 67- jirka ah (Qaddafi) ayaa sidoo kale ku xidhay shuruudo hablaha loo keenayo; Waa in ay da'doodu u dhaxaysaa 18 ilaa 35 jir, aanay gashanayn dhar gaagaban, laakin waxa uu ogolaaday inay ay xidhan karaan kabaha cidhbaha dhaadheer.

Dumarkan, oo si aad u saraysa u labistay ayaa waxa loo sheegay inay isugu yimaadaan hudheel ku yaala badhtamaha Roma, halkaas oo Qaddaafi kaga qayb-galay shir lagaga hadlayay " Amaanka Cuntada Aduunka", ka hor intaanu tagin, guriga safiirka Libya u fadhiya Rome.

Hablahan Oo iskugu jira, qaar timo gaagaaban, Hablo timo mad-madow oo dhaadheer leh, kuna labisan dhar qurux badan iyo kabo cidhba-dhaadheer, Kana muuqato farxad badani wajiyadooda, ayaa waxay saf ku jireen kadinka hudheelka, Si loo baadho.

Waxa iyana layaab ahayd in qaar kamid ah laba celiyay, kadib markii lagu diiday gaabni amma labiskooda.

Saacad Kadib markii ay dhamaan xaroodeen ayaa waxa yimi Qaddafi Oo saran baabuur cad oo ah nooca loo yaqaano Limousine, si uu ugu qudbadeeyo hablaha heerka islaamka iyo wanaagiisa.

Madasha Oo ahayd mid Haween oo qudha lagu marti qaaday, ayaa iyana waxaa hotelka dhinaca kale ka joogay, dumarka hogaamiye-yaal kale, kuwaas oo ka hadlayay Cunto-yaraanta aduunka, kuwaas oo ay hogaaminaysay Suzanne Mubarak Oo ah Xaaska Madaxwaynaha Masar, Hosni Mubarak.

Dhac-dadan Rome ka dhacday ayaa Soo jiidatay hogaamiye-yaal badan oo kale. Laakin Britain, USA, Ruushka iyo wadamo kale Oo badan way ka maqnaayeem Kulan kan Oo ay soo qaban qaabisay haayadda Cubntadda iyo Beeraha aduunka.

Madax-wayne Qaddafi Oo lagu yaqaano in uu Codsado wax-yaabaha uu jecelyahay marka uu dalka dibadiisa tago-, sida in teendho looga dhiso meelaha banana. Sidoo kale horaantii Sanadkan mar uu booqday Rome aya waxa uu dalbaday in loogu yeedho dumarka ganacsatadda ah si uu ula hadlo.

Hase ahaatee, xiligan qudbadda Qadaafi maysan qancin inbadan oo ka mid ah hablaha uu so ururiyay, Kuwaas Oo la siiyay lacag 50-euro ah Oo kaash ah. Badan kooda ayaa ku cawday in ay ay ka xun yihiin in diintooda la soo faro galiyo.

Mid kamid ah dumarkii madasha joogay, Oo ka cudur-daaratay in ay shaaciso magaceeda ayaa tidhi"  Waxaan si gooni ah uga xanaaqay markii uu madaxwaynuhu yidhi " waan rumaysanahay nabi Ciise, laakin lama dal-dalan( crucified), laakin waxaa halkiisii lagu badalay nin u eeg, Ilaahay ayaan bad-baadiyay Ciise( Cs).

Gabadh kale ayaa iyana ku tiraabtay" Waxaaban u malaynayay inaanu tagayno xaflad- Manaanan helin koob biyaa iskadaa wax kaloo"

Mid kamid ah madax-da ururka hablaha keenay ayaa sheegay in ururkoodu yahay kuwa ugu wayn yurub, kuna jiraan in kabadn 65,000 hablood, waxaanu yidhi" Runtii waxay ahayd xaflad aad u qiimo badan, cajabisayna hablo badan"

"Qaarkamid ah ayaa ii yimi Oo ii sheegay in ay aad u xiiseeyeen, raban in ay tagaan Libya si ay u soo arkaan halka loo diyaariyay, ugalana hadlaan Qaddafi si qoto dheer sidii ay Islamka u soo gali lahaayeen" Ayuu markale yidhi masuulkasi.

Qaddaafi waxa uu siiyay hablaha midkastaba Kitaabka quraankaa oo ku turjuman Af-Talyaani, waxaanu balan qaaday in uu la soo xidhiidhayo si uu u hubiyo inay akhriyeen.

Mr. Londero waxa kale oo uu sheegay in madal lamid ah madashan La qorsheeyay caawa iyo habeen danbeba.

Raiisal wasaaraha Italy Silvio Berlusconi ayaa ka hor shirka, ka mabsuuday kulanka Qadaafi. Qaddaafi ayaa isna ku sheegay Berlusconi saaxiibkiisa ugu dhaw.

Haffed Gadur, Oo ah safiirka Libya u fadhiya Italy ayaa yidhi" Waxa kaliya ee Madax-waynuhu doonayay waxay ahayd in uu hablaha u sheego in Islaamku aanu ka soo horjeedin dumarka"


Source wargayska Yool


Posted on Tuesday, November 17 @ 22:06:25 AST by admin



wararkii maanta iyo wargayska yool. - wararkii maanta iyo wargayska yool.
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ]

Name : A.A.YOONIS
Subject : Re : wararkii maanta iyo wargayska yool.
Date : 2009-11-17
S/calaykum
ma laga yabaa warka sheekh shariif,inuu yahay sir ka fakatay,

wax walba ka yaab, alow sahal amuuraha.

wibilaahi tawfiiq.


[ Reply ]



Name : BWD
Subject : Re : wararkii maanta iyo wargayska yool.
Date : 2009-11-17
Marka uu hadlo Shiiq Shariifka Somalia oo kale waa in u jawaabo Madaxweyne Rayaale. In kasata oo aanay isku daro ahayn oo Madaxweyne Rayaale yahay Madaxweyne la doortay. Hadana dhinaca borotokoolka ayay ka siman yihiin oo uu mid waliba matalaa qarankiisa.

Marka uu hadlo Duqa Gobolada Bariga Somalia Faroole ayay haboon tahay in uu u jawaabo Wasiirka Madaxtooyadu Saciid Maxamed Nuur. Waa in loo jawaabo sida la isgu dhigga yahay.

Shiiq Shariif oo kale si kulul looguma jawaabo iyo hirarka dhaadheer. Waxa loogu jawaabaa sida dhooraha. Ma faydidow... iihi... ciddi ma roono... Waan idiin soo ducaynaynaa ee noo soo duceeya...Wixii xunna sharkiisa Alle ha inaga qabto...meeshiina annagana meeshayada.. Jaawo!

BWD

Name : Runsheeg
Subject : Re :wararkii maanta iyo wargayska yool.
Date : 2009-11-18
Shaki baa jira oo odayga Riyaale far baa ku gudan baryahan dambe wuu aamusanyahay laga garan maayana sababta uu uga jawaabi la'ayahay hadalada ka soo yeedhaya qolyahan aynu jaarka nahay balse isu haysta inay guriga inala leeyihiin, maaha inuu ka aamuso tan oo kale waa hadii aanay jirin xanta suuqa ku jirta in abtigii Ismaaciil Cumar Geele daaha dabadii wax ka soo hagayo Riyaalena ku raacsanyahay
Name : lama seege
Subject : Re :wararkii maanta iyo wargayska yool.
Date : 2009-11-18
Kuwaas oo kale ayaa doonaya in ay tagaan fagaaraha siyaasada ee geka afrika oo ay khudbad yar oo dusha qooshku leh ay la soo shir tagaan.

Mushtamaca ku dhaqan South Somalia iyo siyaasadoodaba waa in laga qaybqaataa oo taageero laga geystaa laguna dedalaa in laga abuuro maamul ka raaliya Somaliland Gooni isu taageeda iyo dawladnimadeena hadii kale sida aad aragtaan ama maqashaan inta badan ayuun baydun odhan doontaan waxaas ayuu na yidhi wasiirkii arimaha dibada ee dawlada ku meelgaadhka ah ee somaliya, Maxaa u diiday iyagaaba dawlad jirta ah e in ay ka hadliyaan dawald ku sheega aan fadhi baran een weli indho dilaacsan.


Kuwan oo miidhanbaa wasiiro iyo madax ka ah cada iyo digashada halkaas la soo taagan.


Lama Seege
Reality Desk
Name : Runsheeg
Subject : Re :wararkii maanta iyo wargayska yool.
Date : 2009-11-18
Maamul baad sheegtayee anigu waxaabaan odhan lahaa ha la galo oo dagaal culus ha lagu qaado Majeerteeniya iyo Mogdisho oo qasab kaga dhiga ictiraafka JSL maxaaba laysu baryi waxaad wanaag ku waydana hubaal qoriga caaradii wad ku helo
Name : lama seege
Subject : Re :wararkii maanta iyo wargayska yool.
Date : 2009-11-18
Runsheege,Qoralkii hore waxa uu ku wajahnaa kuwa indho la'aanta Riyaale soo baalasheeya.

Hadii ay maalintii risaalada la waday la gaadhsiiyo dalkoo dhan sibay ahaan lahyd. lakiin maanta xarfad baa la rabaa maxaa kolba mid kuugu soo daba fadhiisanayaa wadaad yar oo isagu Alahiisa u siciida,maxaase inaga qaylada ina baday joogtada ah Mj-Runsheege anigu waxaan aaminsanay in ta danbe ee la dhisi doono aynu qaban qaabino oo aynu usii qoordiidno lana sii balano oo note faro badan koodhkiisa hoostiisa ugu dhedhejino...Calashaan yaanu hilmaamin.Hadii kale cidbaa la soo balamayse inaga daaya calaacalka hadhow.


Hadii kale xajadeenu sidii aan hore u idhi kolba wasiirka ay dibada u doortaan baynu kaladhka haysan doonaa runtii xaqiiqadu maaha cadawtinimo iyo mucaaradad fog ama kulul ee Daaquudyadan dhan walba gabay waa in laga takhalusaa oo maxkamad lal tiigsada lana waydiiyaa oo umada loo raadiyaa maamul cadliya oo qaranka si fiican u dhisa oon beelaha isku dirin.


Lama Seege
Reality Desk
Name : Muxalil Siyaasi
Subject : Re :wararkii maanta iyo wargayska yool.
Date : 2009-11-18
Maxaa Ka Jira In Ay Xajka Ku Kulmayaan Xaabsade Iyo C/samad.
Written by Jidbaale.com
Tuesday, 17 November 2009 21:28



Hargeysa(Jidbaale.com):-Ilo wareedyo ku kala sugan Garoowe iyo Hargeysa ayaa waxa ay xaqiijinayaan in dhawaan ay xajka ku kulmi doonaan xubno ka soo jeeda SSC oo ku kala jira maamulada Hargeysa iyo Garoowe.



Xubnahan oo ay ugu muhiimsan yihiin C/samad Cali shire iyo Axmed Cabdi Xaabsade Xaabsade ayaa warar lagu kal soon yahay sheegayaan in ay qorshaynayaan in ay ku kulmaan Xajka gaar ahaan magaalada Makka.



Xaabsade iyo C/samad oo labadoodaba sida ay sheegeen ilahan xog-ogaalka ahi ay kharashka Xajka ka bixisay Shirkada Xawaaladda Dhiigshii(Dahabshiil) ayaa waxa la sheegayaa in ay ka sii shaqeeyeen laba xubnood oo ku kala sugan Hargeysa iyo Garoowe.





Shakhsiyaadka hawshan isku dubariday oo kala ah Aw Daahir Xaaji Xasan oo isagu ah xubin golaha Guurtida Hargeysa iyo Deeqa oo iyaduna ah xildhibaan dawlada Federaalka ah isla markaan ah xaaska Xaabsade kuna sugan oo degan Magaalada Garoowe, iyaga oo intaanu AW Daahir U diga Rogan Hargeysa dhawr jeer kuwada xidhiidh siiyey magaalada Garoowe labadan xubnood.




Ilahani waxay intaas ku darayaan in halkaas lagu falan qayn doono xaaladda ka taagan gobolka Sool, C/samad cali Shire ayaa lagu wadaa barri oo Arbaco ah in uu ka duulo Boosaaso isagoo u sii jeeda xajka.





Jidbaale.com



jidbaale.com@gmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it




Last Updated on Wednesday, 18 November 2009 00:05

[ Reply ]



Name : gahayr yuusuf
Subject : Re : wararkii maanta iyo wargayska yool.
Date : 2009-11-19
Ina Cali jaamacow taana la arag shan sannadood oo uu SNM madax ka ahaa , waxa laga dhaxlay kala jabin shacbi oo uu qabaailka ku kala guro si uu u sii joogo, iska horkeen saraakiishii dagaallamaysay oo dhexdooda ka colloobay, waxa intaa u dheeraa kiisas badan oo dil iyo dhac lacageed leh.

Kula yaabi mooyo oo dee ninku waa adeerkaa waanad iska caadifad hadlaysaa, laakiin waxad ogaataa waxa meesha laga hadlayaa ma aha adeer Caynaba. Haddii xaalku halkaa ku eg yahay ma jirto cid aan beeshiisa ahayn oo kale oo dee xaq u leh inay ka faallooto odeynimadiisa waana arrin hoose oo iyaga u yaalla. Inkasta oo taa qudheedu ay xidhiidhada beelaha kale ku tahay caqabad weyn xagga wada shaqaynta waayo maba jiro reer keliya dalkan Somaliland oo aan ogahay oo ninkaa kalsooni ku qaba wada shaqayntiisa kana aamminsan sahkhsi ahaan inu yahay nin reereed aan sinaba oday dhex ah uga noqon karin hawl dhaafsiisan xaaffadda uu ka soo jeedo. Riyo beneedka iyo mala awaalku waa camal shaydaan waxaana aan qarsoonayn in reerka uu madax maray ficil baàn oo majaro habaabiyay iyagoon ka fiirsan natiijada xumada dhaqanka noocaas ah. Siilaanyo waa habeen xalay tegay inu dalkan xukumo waana calaacal aanay timo ka soo baxayn sababtuna waa isagoon haysan wax kalsooni ah oo ummadeed. U malayn maayo inu xisaabta qalday laakiin ujeedadu waa indhadayg iyo huuhaa ku qabso taasina maaha mid suurta gal ah waayo dadku waxay rabaan xukun caadil ah oo laga kalsoonaan karo, taansina maaha mid uu meeelna ka soo galo.


[ Reply ]


Pages : [ wararkii maanta iyo wargayska yool. 1 ]