Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga JSL OO Soo Gaadhay Magaalada Alleybaday.       Mr Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo Iska Casilay Xilkii Ka Hayey Ururka Somaliland F       Komishanka Doorashooyinka Qaranka ( KDQ ) Oo Maanta Qabtay Shir-Jaa\'id .       Kulan Ka Dhacay Woolwich/London Iyo Madax Kulmiye Oo Ka Soo Qaybgashay.       Israeli aid mission to Kenya helps Somali refugees.       Maalinta Haweenka Adduunka Oo si Wayn Looga Xusay JSL.       Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya Oo Booqasho Kale Ku Imaan Doona JSL.       Child Sponsorship Report 2009, from Somaliland       Wasiirka Arimaha Dibada JSL ayaa USA kadalbaday in loosoo gacan geliyo Cali Sama      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Heesaha Hirgalay

Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.

Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

muwaadin loo xidhay ictiraaf-raadiska jsl oo xabsiga berbera laga sii daayey.

muwaadin loo xidhay ictiraaf-raadiska jsl oo xabsiga berbera laga sii daayey.

News


 ninka-loo-xilsaaray-ictiraaf-raadinka-cabdi-maxamuud-aleel.jpgWaxa kale oo an halkaa ka abuurray urur lagu magacaabo samatalis oo isku xidha danaha labada dal ee Somaliya iyo JSL odayaasha Hawiye oo ay ku jiraan ganacsato caan ah oo xidhiidh fiican la leh JSL, waan isku afgarannay inaan Reer JSL ka soo dhaadhiciyo in  ictiraafku ku jiro  Somalida dhexdeeda.




Muwaadin Reer Somalilander ah kana mid ah muwaadiniinta G/Awdal oo muddo ku noolaa Muqdisho ayaa dhawaan lagasii daayey Xabsiga Berbera kadib markii uu halkaa ugu xidhnaa sababo la sheegay inay la xidhiidheen olole uu Muqdisho iyo Somaliland ugaga jiray ictiraafraadinta Somaliland .
ninka-loo-xilsaaray-ictiraaf-raadinka-cabdi-maxamuud-aleel.jpg
Cabdi Maxamuud Aleel  oo loo yaqaanno Cabdi Geed oo aan Boorama kula kulmay markii dhawaanta laga sii daayey xabsiga Berbera ayaa ii sheegay inaanu wax war ka hayn wax dembi ah oo ku galabsaday in la xidho. Magaalada Bereberana lagu qabtay mar uu tegey socdcaal shakhsi ah oo uu ku soo booqanayey qaar kamid ah qaraabadiisa halkaa joogta .

Cabdi Maxamuud Aleel kana mid ah muwaadinta Reer Somaliland ee ku noolaa magaalada Muqdisho intii aanu dhulkaasi dagaaladu aafeeyeen ka iman lix bilood ka hor ayaa iiga warramay  wixii keenay xadhigiisa iyo cidda uu u malaynayo inay ka dambaysay waxana uu yidhi, ”Waxan in muddo ahba ku noolaa Muqdisho halkaas oo aan odayaasha dhaqanka ee Beelaha Hawiye aan kala hadli jiray inay Somalia Ictiraaftu Somaliland in badanna hawshaasi waan ku jiray, waxanan aniga iyo dhawr qof oo Reer Somaliland ah iyo odayaasha Hawiye samaysannay guddi gaar ah oo hawshaasi aan wada gallo wayna naga aqbaleen. Waxa kale oo an halkaa ka abuurray urur lagu magacaabo Samatalis oo isku xidha danaha labada dal ee Somaliya iyo Somaliland odayaasha Hawiye oo ay ku jiraan ganacsato caan ah oo xidhiidh fiican la leh Somaliland, waan isku afgarannay inaan Reer Somaliland ka soo dhaadhiciyo in  ictiraafku ku jiro Somalida dhexdeeda oo is ictiraafta .

Markii ay dagaaladu xoogeysteen Xamar ayaan go’aansaday inaa xaaskii iyo carruurtiiba Boorama keeno, anna aan hawshaydii sii wado. Markii an Boorama imid ayaan arinta ictiraafka la soo qaaday dhawr ka tirsan mas'uulyiinta dawladda iyo xisbiyada qaar way iga aqbaleen, qaarna way ila yaabeen. Hargeysa ayaan imid. Waxan tegey Wasaaradda Arrimaha Debedda oo an isn idhi bal qof aad garatid oo Reer Boorama ah oo halkaa ka shaqeeya aad u sheegtid. Waanan ka waayey inkasta oo la ii sheegay inuu joogo nin Reer Boorama ah oo an awood caynkaas ah ku lahayn wasaaraddaasi. Dhawr xafiis baan galay oon idhi ii sheega Wasiirka iyo Ku-xigeenadiisa ama madax kale. Waxan la kulmay rag ii sheegay inay ka mid yihiin madaxda arrinta ictiraafka ayaan kala hadlay. Waybay ila yaabeen! Waxayna i yidhaahdeen ma dawlad baad tahay, maxaa hawshaa ku geliyey. kaddib dhowr waraysi oo arrimahaasi ku saabsan ayaan siiyey wargeyska Jamhuuriya.

Maalmahaa wixii ka dambeeyeyna hawshaasi waaban iska daayey markaan waayey cid u soo jeedda waxan ka hadlayo.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaan socodaal ku tegey Berbera goor habeen ah ayuun baa ciidan aanan ogeyn meel laga soo diray i qabteen waana la i xidhay, kaddibna su'aalo badan baa la iweydiiyey. Waxay igu yidhaahden  warqadaha urur sharci darro ah ayaad haysataa, anigoo xadhigaa ku tuhunsan raggii hor taagtaagnaa wasaaradda arrimaha debedda ee ila yaabbanaa ictiraafraadintayda .

Halkaa markay marayso ayaan qaylodhaan u soo dirtay Boorama iyo Hargeysa anigoo ugu qayshaday in dawo la ila soo gaadho markii ay igu kacday xiiq ama xanuunka neefta oo aan awal qabay, dawooyinkiibaa la ii keenay. Nimanka xabsigu ma xumayn laakiin waxan garan waayey waxa la ii xidhay. Kaddib qaar ka mid ah xildhibeenada Reer Boorama ayaa iigu baryo tegey Madaxweyne-Ku-Xigeenka Axmed Yususf Yaasin. Sidiibaana la igu soo daayey markii an laba wiig in ka badan ku xidhnaa Berbera”! Ayuu yidhi muwadinkaasi. "Wxanan u malaynayaa inay arrintaa ka dambeeyeen rag ka shaqeeya wasaaradda arrimaha debedda iyo qolada dharcadda ah oo aanan ogeyn waxa la igu haysto. Waxase igaga darraa qolo malaha dawladnimadu maanta ugu horreyso oo xidha mooyee an af kale aqoonin.”! Ayuu raaciyay hadalkiisa.

Cabdi Maxamuud Aleel ayaa sidoo kale sheegay inuusan mar danbe ka hadhi doonin ololaha ictiraaf raadinta  Jumhuuriyadda Somaliland.




Wariye, Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama

Posted on Saturday, July 04 @ 04:20:20 DAVT by editor



muwaadin loo xidhay ictiraaf-raadiska jsl oo xabsiga berbera laga sii daayey. - muwaadin loo xidhay ictiraaf-raadiska jsl oo xabsiga berbera laga sii daayey.
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ]

Name : Dawlad
Subject : Re : muwaadin loo xidhay ictiraaf-raadiska jsl oo xabsiga berbera laga sii daayey.
Date : 2009-07-04
Maxaa lagu sheegi karaa sidan ay wax u dhacdeen iyo tan oo kale? Waa musiibo weyn iyo niyad jab la soo dersi karta muwaadiniinta meel kasta uga ololeynaya aqoonsiga Somaliland haddii ay ku dhacdo tan oo kale.

Waxa la odhan karaa sida soo socota:

1. Muwaadinku waa xor hawlaha uu u qabanayo dalkiisa waxaanay isaga u tahay waajib uu gudanayo iyo xil saaran dhinaciisa oo uu qadariyay. Xaq baanu u leeyahay in uu ku tallaabsado wixii uu dan moodo wax tarka dalkiisa iyo dadkiisa. Waxaana u khayr roon In uu dawladdiisa la socodsiiyo sida nimaadka waafaqsan iyo badbaadadiisa haddii ay wax khaldamaan.

2. Shaqaalaha iyo madaxda dal kasta waxa ay leeyihiin qaar xullub-scod ah oo dawladdiisa uu u shaqeeyo ka dhan ah. Waxa laga yaabaa in uu yahay mucaarad ay meeshaas la martay. Waxa uu noqon karaa mas'uul kaba soo horjeeda qadiyadda uu muwaadinku waday oo khaa'in ah.

3. Sidii loo yidhi lama arko indho qudhaanjo iyo indho dawladeed. Waxa dhici karta in uu qof hawl uu ku jiro warbixinteeda la helay goor hore faylna uu ku leeyahay sirdoonka dalka isaga oo aan waxba kala socon in uu khalad ku jiro.

4. Ugu danbayn waxaaba dhici karta karti daro iyo mas'uuliyad darro ay leeyihiin madaxda qaar oo ay wax waliba ka hoos dusaan wahsi iyo xilkasnimo darro darteed. Intaas oo dhanba ka yaab in ay sasbtu tahay loo xidhay muwaadinka.

Haseyeeshe marka ay tan oo kale dhacdo iyo arrimo xasaasi ah. Ma aha in ay mas'uuliyiinta dawladdu iska sahashato oo hadalka ku soo koobaan, "Ha la iska sii daayo qofkii la xidhay" iwm. Ama in ay hawl yaraan yidhaahdaan, "Waanu ka xunnahay Taageerayaasha Kulmiye ee loo diiday Madaarka"! iwm. Waa in qaybaha dawladda u xilsaaran khalad dhacay ay ka qaataan go'aano wax ku ool ah oo dawladnimo leh.

Dawlad

Name : maskax xaaji maskax
Subject : Re :muwaadin loo xidhay ictiraaf-raadiska jsl oo xabsiga berbera laga sii daayey.
Date : 2009-07-04
dawlad tana ka daran ee bal ila eeg
meesha in aan waxba oolin baan u malaynayaa


HORJOOGSIGA TAAGEERAYAASHA KULMIYE AMARKA M/WEYNE IYO AMXED YASIIN OO LAGA XAN QARSADAY
Maanta maxaa dhacay
Mudane axmed maxamed siiraanyo oo la diiday in lagu soo dhaweeyo madaarka hargaysa.

Dadwayne aad u badan oo ka kooban dhamaan qaybaha bulshada ayaa si habsamiya u tagay garoonka magalada hargaysa halkaas oo ay damceen in lagu soo dhaweeyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye axmed siiraanyo.

Hasayeeshee waxa arinkaa diiday maamulka dawlada daahir riyaale.

Habeenimadii gudoomiye axmed siiraanyo la ogaaday inuu ka soo duulay ayaa isla markiiba waxa amar toosa uu madaxwaynaha somaliland u diray taliyaha ciidanka booliska axmed dubad saqadhi.

waxaana dhamaan ciidanka poliska la amray in aan loo ogalaan gudaha madaarka wax taageerayaal ah .

Waxa jirtay in laga xan qan qarsaday madaxwayne ku xigeenka somaliland mudane axmed yaasiin oon loo bandhigin falkan la rabo in lagu fuliyo taageerayaasha kulmiye.

Madaxwayne ku xigeenka somaliland mudane axmed yaasiin ayaa ah ninka kaliya ee isku soo dhaweeya bulshada iyo dawlada iyo waliba inuu mucaaradka xuquuqdooda mariyo.
Si wayn ayaa qaybaha bulshadu ula socdaan karaamada iyo damiirka wacan iyo wadaniyada uu mudane axmed yasiin ku shaqaynaayo.

Mudane axmed yaasiin ayaa maanta cadeeyay war saxaafadeed inuu aad uga xumaaday markuu maqalay dhacdadad foosha xun iyo falkan lagula badheeday taageerayaasha xisbiga mucaaradka.

Waxaanu isla markiiba si toosa xidhiidh ula sameeyay ciidanka poliska iuy taliyahooda axmrd dubad saqadhi oo asagu cadeeyay in amar madawxayne ay haysteen sidaana wixii arinkaas ka yimaada la waydiiyo madxawyanaha amarka bixiyay.

Hadaba waxa is waydiin mudan dalkii iyo dadkii oo lagu tumanaayo xaqoodii iyo xuquuqdoodi.
Miyaan maanta la odhan karin waar maamulkan riyaale wax uu ka xishoonayaa ma jirto.
Wax uu xeerinayaa ma jirto , wax uu xaq dhawrayaa ma jirto.

Fiiro gaara. askarta timi madaarka oo dhamayd in kabadan 400 oo askarta poliska ah oo ay wehelinayeen kuwa dhar cada ah ee basaasiinta loo yaqaan .

tirada tiknikada timina ay ahayd 30 gaadhi.
Sida la moodayayna ama poloiska loo sheegayna la yidhi mudaharaad ayaa dhacaya rabshado wata.

Bal maxaa looga jeedaa ee waxaas oo kharasha loogu bixinayaa
Bal maxay tahay ujeedada maamulka daahir riyaale waxaas oo farsamo xumo ah u samaynayaan.
Mudane axmed siiraanyo miyaanu ahayn gudoomiyihii snm ee shalay u halgamay dalkan.
Waxaan ku idhi ,,,,,, baroortu orgiga ka wayn,,,,,

axmed qoorgees
qoorgees-maqosle@hotmail.com
uk





--------------------------------------------------------------------------------

OTHER ARTICLES:

INAALILAAHI WA INAA ILAYAHI RAAJICUUN GEERIDA MAXRUUM AXMED IBRAAHIM MAXAMED AHN
إناللةوإناإليةراجعون

[ Reply ]



Name : Runsheeg
Subject : Re : muwaadin loo xidhay ictiraaf-raadiska jsl oo xabsiga berbera laga sii daayey.
Date : 2009-07-04
Isha Ii Bugi yaa u dirtay dhexdhexaadinta Somaliland iyo Somaliwen ma adeerkii Riyaale wakiishay mise qorshe hoosaad baa jira, heshiis dhex mara labada dal waa mid u yaala majority'ga dagan Somaliland ee maaha mid ay minority'gu go'aan ka gaadhi karaan

Go'doon, 1990
Axmed Ismail Dirie "Qaasim", HY

Gabaygani wuxuu ka mid yahay gabayadii HALGANKA ee maandeeq
lagaga soo dhacsanayey Dhidarradii damcay inay cunaan. Wuxu
gabaygan gaar ahaan kula hadlayaa Samarroonka oo uu ku
tilmaamayey inay la safteen dad-la-moodkii dalka iyo dadka
Somaliland isku deyey inay cabudhiyaan;



Ha go'doonto Gudabiirsidii Ganafka jeexnayde
Ha la guurto gaajiyo baryiyo gelelefkeediiye
Dameerkii Gafuurrada caddaa Geela yuu didinne

Meeshay gabbood moodayaan haw gurguriyeene
Goonyaha Ilaahay halkay garan ha aadeene
Gob baa lala dersaa waa wixii gaday abaalkiiye

Gallad kagama helin reer Xareed gacan ku hayntiiye
Gabdhii loo dhisiyo may xurmayn guurki reeraha'e
Geyiga reer Isaaq uguma hadhin Gob ay midhaystaane

Ciisuhu Gunnuu siin jiree ha iska gooyeene
Amxaarada inay soo galaan waa ka garanuuge
Garaad-xumadu waa waxay cidlada ula gandoodaane

Gogti iyo Shar-laga-naadi bay gebi dhacaayaane
Waa waxay la goobyaalayaan Goraya-Cawlaaye
Waa loo gartee hays tubeen goobta ciilka lehe

Marreexaan Gun bays urursatee gacal ha moodeene
Iyaga iyo Gabooyahaba waa galabsigoodiiye
Guryaha ay Mafiiqda u siteen yaanay soo geline

Geestay xigeen Laydh san baa iiga soo geliye
Guu-gaa'da haygala tageen garacdi shaydaane


[ Reply ]



Name : kulmiyeUxiir
Subject : Re : muwaadin loo xidhay ictiraaf-raadiska jsl oo xabsiga berbera laga sii daayey.
Date : 2009-07-04
Nin markiisa horeba hoosta ku haysta diin kale ayaa ku odhonaya danta S/L ayaa wadaa,ka moodaya in xamartu ictiraaf u hayso waa kkkkkkkkkkkkkkk xaalkiisu, Qudhmista taageerayaashooda oo kaliya ayaa taa laga hayaa waa isku nooc aan kala maarmahayn wax la yadhi nin meelu caddahay meelu ka madow Siilaanyo ayaa taa ugu aabbo ah qoladaa qiiqa isku qarisa oo kuwinanu ka mid \ka tahiin. waakan odaygaas qudhmista asagoo ku tasbiixsanaya magaca SOOMAALIYA

Axmed Siilaanyo oo dalka ku soo laabtay isagoo ku dhawaaqaya Soomaaliya

Jul 04, 2009 at 03:07 PM

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Mudane Axmed Maxamuud (Siilaanyo) oo dalka ka maqnaa muddo ku dhow laba bilood, oo uu socdaal ku soo maray dalalka Ingiriiska, Norway iyo Sweden, ayaa Khamiistii dalka dib ugu soo laabtay, waxa intii uu ku gudo jiray shir jaraa'id oo uu ku qabtay, gurigiisa magaalada Hargeysa, uu ku hilmaamay magaca dalkii ay Somaliland madaxbannaanideeda kala soo noqotay 18 sanadood ka hor ee Soomaaliya, taasi oo wax raaligelin ah iyo cudurdaar midna aanu ka bixin, arrintaasi oo amakaag ku riday suxuufiyiintii shirkaasi joogtay iyo dadweynihii ka daawanayay shaashadaha telefishiinada.

"Dadka Qaranka Soomaaliyeed Somaliland meel ay joogaanba aad iyo aad ayay sidii caadiga ahayd dalka iyo dadkuba u xiiseynayeen in doorashadu ay qabsoonto xilligeeda," ayuu yidhi Mudane Axmed Siilaanyo oo Saxaafada tafaasiil ka siinayay nuxurka ajendihii ay ka wada hadleen jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan saddexdii dal ee uu soo maray.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Kulmiye, wuxuu haddana isla goobtaasi markii labaad ku celiyey oo afku ka xaday Soomaaliya, waxaanu yidhi "hadalada iyo su'aalaha meelaha qaar nalaga weydiinayay waxa ka mid ahaa haddii doorashadu ay dhici weydo inay noqoto sidii qaybo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed, aniguna walaacaas caalamka waana ka baabi'inaynay waxaanu lahayn doorashadu way dhacaysaa."

Dadka lafo-gura siyaasada ee la socday wadciga waxay hadalkan Guddoomiyaha ay ku naaqishayeen goobaha bar-kulanka bulshada 48 saacadood ee la soo dhaafay, waxaanay dadka durayay ay ku doodayeen in hadalkan Guddoomiyuhu uu hordhac u yahay mowqif qarsoon iyo mabaa'di Soomaali-weyn oo hoggaamiyaha Kulmiye laabta ugu qarsoon.

Kuwo kale waxay ku doodayeen in Mudane Axmed Siilaanyo, oo hadda da'ahaan madaxa la gelayo siddeetameeyadii uu ku hilmaamay oo cajaladu kaga dhegtay xilligii uu Wasirka ka ahaa dalka Soomaaliya ee uu ku halmaamey.

Si kastaba arrintu ha noqotee waxa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, looga fadhiyaa inuu cudurdaar ka bixiyo dalka Soomaaliya oo uu ku halmaamey muddo laba jeer ah, oo uu shacbigiisa ka raaligeliyo, haddii kale hadalkani wuxuu soo noolaynayaa astaanta xisbiga Kulmiye ee gacmaha isa salaamaya, oo shan sano ka hor markii la aasaasay xisbigaasi ay dad ku sifeeyeen in loola jeedo midow dambe oo Somaliland la gasho Soomaaliya, arrintaasi oo ah rajo dhimatay oo aan dib u soo noqonayn.

Xilligan oo uu dhawaan dalka ka bilaabmi doono olalihii doorashada madaxtinmada, ayaa Axmed Siilaanyo looga baahan yahay inuu shacbiga u caddeeyo inuu ceeb ka saliim ka yahay Soomaaliya oo dadka ka soo hor jeedaa ay ku naanayseen inuu hungureeyo.

Name : barkhaqle
Subject : Re :muwaadin loo xidhay ictiraaf-raadiska jsl oo xabsiga berbera laga sii daayey.
Date : 2009-07-04
waxan ka xumahey dadkan reer somilanderka ah ee af xumada badan war maxaa ku gaadhsiyey qabiil waana fikraddaada gaaban oo anigu kuu jawaabi maayo ee adiga isku jawaab waana ka xunahey somliland inta wax garadka ah qabiilo badan ayaa dega soliland kolkaa adiga lagaaga tashan maayo oo nin walboo slander ah waa ku waajib ictiraafka sland waxad tashey beensheeg kana bax munaafaqnimada aad kula dhex jirtit walaalaha sland run sheeg ma tihid ee waxaad tahey xoolo ee oo iibso caws soland xiligan horumarkeeda ayaa ku waajib ah waana ka xumahey nin xilikan ku fikiraya qabiil waar orod tag meeshii ama camp kii ad ku nooleed ileen ma tihid nin wax garad ama tacliin bartey kana bax meelaha dadku aqoonta isku dhaafanayaan haddii aan khaldameyna waa fikirkayga ee raali noqda daka reer slanderka ah ee wax garanaya wasaaaaaal
Name : Ma-quuste
Subject : Re :muwaadin loo xidhay ictiraaf-raadiska jsl oo xabsiga berbera laga sii daayey.
Date : 2009-07-05
kkk....Taasaa la leeyahay....hee...!

Daabadaw...balaa ka higleh...tani
ilaa albaabka ayay xiniinyaha is-haysataa...!

Fikir qaldan oo qof..marna qabiil ku shaambadee..
marna xisbi garbaha u saar...! Siigadu budh..meel
soke soo qabo...sidaasi ma dhis qaranbaa...!!!

Daabadaw..maxaa talo ah....dadkuba kori waaye..
Ha warwarin wax baan kuu ogahay weegga dabadiiye..!


Maxay hooyo iigu bixisay Ma-quuste!

Ma-quuste

[ Reply ]


Pages : [ muwaadin loo xidhay ictiraaf-raadiska jsl oo xabsiga berbera laga sii daayey. 1 ]