Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Shahaadooyin La Guddoonsiiyay 101 Arday Oo Ka Qalin Jebiyey Kulliyadda SHIFA/JSL       Ciidamada Liyuu Booliska Kilinka 5aad Oo Lagu Bedelay Kuwa Fedraalk Ethiopia.       Xukuumadda JSL Oo Aqbashay Martiqaadka Shirka London 23ka Feruary 2012.       Somaliland To Pass Central Bank Law Within 3 Weeks: cbank       Wasiirka Arr. Dibadda JSL Oo Ka Hadlay Shirka London Iyo Kooxdii Khaatumi-Seeg.       Ina Galeyd: Cagtii Joogsan Weydaa Marbay Ceeb La Kulantaa....       Taliyaha Guud Ciidanka Qaranka JSL Oo Hambalyeeyay Ciidanka Qaranka JSL.       UK Working With Somaliland On Curbing Piracy..       Maxaa Ka Dhexeeya Maamulka Kililka 5aad Ethiopia Iyo Khaatumo-Seeg??      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.
Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

daawo xafladii xalay lagu soo dhawaynayay fanaanada mj. marwo maryan mursal

daawo xafladii xalay lagu soo dhawaynayay fanaanada mj. marwo maryan mursal

News


 
Sample Image
Sample ImageXafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ay ku marti qaaday Marwada 1aad JSL ayaa waxa ka soo qayb galay Qurba jooga JSL, Marwooyin, Fanaaniinta; Cabdi Nuur Alaale, Lafoole, Nimco Yaasiin, Ubax Fahmo iyo Maryan Mursal oo iyadu xaflada lahayd. Sawirada.



Xaflad balaadhan oo loo sameeyay Fanaanada Caanka ah ee Maryan Mursal, ayaa xalay lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada ee Somaliland.

Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ay ku marti qaaday Marwada koowaad ee Madaxweynaha JSL Marwo Huda Barkhad Aadan, waxa ka soo qayb galay Qurba jooga reer Somaliland eek u sugan Somaliland, Marwooyin , Fanaaniin ay ka mid ahaayeen Fanaanka caanka ah ee Cabdi Nuur Alaale, Lafoole, Nimco Yaasiin, Ubax Fahmo iyo Maryan Mursal oo iyadu xaflada loo sameeyay.

Marwada Koowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Huda Barkhad Aadan, ayaa shahaado sharaf iyo hadiyado kale oo qaali ah gudoonsiisay Fanaanada Maryan Mursal.Maryan Mursal ayaa hadal kooban oo mahad naq u jeedisay Marwada Madaxweynaha , waxana ay mahad naq balaadhan u jeedisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, iyadoo ugu mahad celisay sidii diiran ee loogu soo dhaweeyay dalka.Sidoo kale, Haweenka reer Somaliland ayaa iyaguna u gartay oo siiyay Mawada Madaxweynaha Shahaado sharaf, iyagoo sheegay in marwadu ku mutaysatay hawl karnimada iyo sida mar walba ay u kaalmayso Dadka jilicsan ee reer Somaliland.Munaasibadii xalay waxa ay fanaaniintu ku soo bandhigeen Heeso aad iyo aad u macaan, kuwaas oo soo jiitay dareenka dadkii ka soo qayb galay xaflada.
Sample Image
Sample Image
Sample Image
Sample Image
Sample Image
Sample Image
Sample Image
Sample Image
Sample Image
Sample Image

Posted on Thursday, July 02 @ 15:04:15 DAVT by editor



daawo xafladii xalay lagu soo dhawaynayay fanaanada mj. marwo maryan mursal - daawo xafladii xalay lagu soo dhawaynayay fanaanada mj. marwo maryan mursal
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ]

Name : Runtsheeg
Subject : Re : daawo xafladii xalay lagu soo dhawaynayay fanaanada mj. marwo maryan mursal
Date : 2009-07-02
Qasriga Madaxtooyada Somaalilad Looga Taliyaa Goormu Noqdey Goob Ciyareed.??

--------------------------------------------------------------------------------



Qalinkii Khaliif Maxamed Warsame { Khaliif Xinwaal}(Birmingham.)
hadhwanaag 2009-07-03 (Hadhwanaagnews) Waxaan qalinka u qaatay ama isoo jiitay arrin-layaab anniga igu muuqatay waxaan dawadey Websaydka laga leeyahay Madaxtooyada ee Sawiro ku jiray oo laga soo qaaday Qasriga looga arrimiyo waddanka Somaliland. Sawirada waxaa ka dhex muuqdey Fanaanada Caanka ah ee Maryan Mursal Ciise runtii Fanaanada Maryan waxay dhamaan rer Somaliland ka mudan tahay xushme iyo qadarin yadana qoraalkaygu kuma socdo wayna mudan tahay in lasoo dhaweeyo wana lasoo dhaweeyay Gobolada iyo Caasimadaba waa laga soo dhaweeyay waxbana kamay hagran Shacabka Somaliland.

Haddaba dawladu yadoo Fanaanada Maryan usoo dhaweyn karta si wadaniyada oo dhamaan Shacabku ka qayb qataan kuna soo dhaweeyn karta meelo fagaarayala ama loogu talo galay Xafladaha iyo Ciyarahaba illahay hortii Madaxtooyadu maha gole ciyaareed ama gole wakhtiga lagu lumiyo waa gole ummadda masiir keeda lagaga arrimiyo, Maryana denbi kuma laha taas oo yadu soo dhaweyn ayay xaq u leedahay lakiin danbiga waxaa leh Madaxweyne Riyaale iyo xukuumadiisa oo aan kala garanayn goobaha xafladaha lagu qabto iyo guriga ummdda taladeedu kasoo baxdo. Madaxweyne Dahir Riyaale hajoojiyo durbaanada iyo heesaha uu ka dhexwado qasriga ummadda somaaliland haybadeedu saran tahay dabcan in kastoo aanu ahayn Gurigii ku haboona Qasri Madaxtooyo hadana iminka guriga morgan katagay uunba ahe halaga daayo heesaha.

Waxaa haboon in uu dib u eego xaalada uu ku sugan yahay dalka uu Madaxwaynaha u yahay Abaarah, shaqo la-aanta, aqoon la-aanta Cafimaad la-aanta, Aqoonsi la-aanta iyo fitnooyinka ka dhacaaya Soomaaliy kuwaas baa ka mid ah shaqooyinka lagaga arrimin lahaa guriga Madaxtooyada Ee maha gole lagu dheregdhacsado mana aha goob wax kasta ka suure geli karaan, waxaana muuqata tii Hadraawi sheegay ee ahayd inaanu garanayn Dahir Riyaale macnaha Madaxtooyadu huwan tahay. Marlabaad ha loogu dhejiyo hortiisa maqaal kii hadraawi maqaalkayganu waa talo ku socota halkay ku haboonayd waana talo muwaadin xaq uleh inuu dhaliisha dawladnimo ku muujiyo qoraal annigoon waxba ku duminayn ee wax ku toosinaaya. Maryana waxaan leeyahay waxaad tahay Fanaanad xalaala Madaxtooyadu waa Maddaxtoyadeedii waana muwaadinad qaaliya xaqna way u leedahay in lagu soo dhaweeyo lakiin kulan kan uun mahe wuxuu isu bedelay Goob qoob ka ciyaar gurigii ummaddu taasbana qoraalka iga keentay, Maddaxwayne Riyaale waxaan leeyahay guriga maddaxtooyadu maha guri aad iskaa uleedahay ee waa gurigii ummadda somaaliland looga talinaayay waa guriga nolosha ummadda kor uqaada waa hoyga qudha ee ay eeg-taan waa guriga qudha ee shacabku ciday doonan gaystaan cida ay donaana debedda kasoo dhiga iyadoo ay muujiyaan dulqaad badan iyo degenaan badan anniguna kuwaas baan ka mid ahay barasho wanaagsan.



Qalinkii Khaliif Maxamed Warsame { Khaliif Xinwaal}

Email: kalifxinwal@hotmail.co.uk

Birmingham.

Name : Abdoo Salaam
Subject : Re :daawo xafladii xalay lagu soo dhawaynayay fanaanada mj. marwo maryan mursal
Date : 2009-07-02
Waar dadku faduul badanaa. Wax walba wax bay ka soo dhex saarayaan. Maxaa ku jaban dadka hawsha hayaa iyagaa ayaa og halka ay wax ugu hagaagayaan iyo waxa ay kari karaan. Waxaaba laga yaaba in ay iyagana ( Madaxda ) itaal ku baaqsan dadkiina way la fududahay. waa kaaf iyo kala dheere. Wax ma la qabtay iyo sdee loo qabtay way kala tahay.

Abdoo Salaam
Name : Runsheeg
Subject : Re :daawo xafladii xalay lagu soo dhawaynayay fanaanada mj. marwo maryan mursal
Date : 2009-07-02
Abdoo


Madaxtooyada JSL sharaf dhac weyn baa ku yimi intii uu daganaa Daahir Riyaale iyo reerkiisu gurigii Morgan oo aan waxba iska bedelin weli wax ka dhima mooyaane oo weliba qoob ka cayaar u dheeryahay iyo islaamihii walaweyn oo kulba mid lagu soo casuumo waayo Maryan Mursaltan ay na dabo wadaan ma ictiraafkii bay sidaa talow intani soo dhaweyn ka weyne dalkii oo ay abaar ba'ani ka jirto oo shacabka badhkii ama 1,000,000 Somalilander u gaajoonayaan waamaxay sababta loogu tumanayo caashuurta yar ee laga qaadayo dadweynaha tabaalaysan ee tahriibaya.
Name : Runsheeg
Subject : Re :daawo xafladii xalay lagu soo dhawaynayay fanaanada mj. marwo maryan mursal
Date : 2009-07-03
Qoyska Daahir Riyaale oo ku xusay 1-da luulyo Madxtooyada Somaliland





Maxaa Isku Beegay Xuska 1-da July Iyo Xafladdii Xalay Lagu Sameeyey Qasriga Madaxtooyadda Somaliland?

--------------------------------------------------------------------------------



(Marwo Huda Barkhad Aadan Shahaado Sharafeed Gudoonsiisay Fanaanada Maryan Mursal Ciise)
hadhwanaag 2009-07-03 (Hadhwanaagnews) Hargeysa (HWN)-Xaflad ballaadhan oo ay ka qaybgaleen Marwada Madaxweynaha Somaliland Huda Barkhad Aadan, haween ka tirsan xisbiga UDUB, ururka haweenka qaranka ee NOW iyo marti sharaf kale, ayaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada.

Xafladan oo ku soo beegantahay xuska maalintii Gobobolada Koonfureed ee Somaliya xornimadooda ka qaateen Guumaystihii Talyaaniga, isla markaana ay goboladii waqooyi kula midoobeen, ayaa ahayd mid Marwo Huda iyo haweenka UDUB u gaar ahayd, iyada oo ay ka qaybgalay fannaaniin caan ah oo ay ka mid yihiin Maryan Mursal Ciise iyo Nimco Yaasiin Carraale, kuwaasi oo madasha xafladu ka socotay ka qaaday heeso isugu jira Jacayl iyo qaar wadani ahba.

Ma cada ujeedada rasmigga ah ee ka dambaysa munaasibadda xalay ka dhacay xarunta madaxtooyadda, hasa yeeshee sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhawdhaw madaxtooyaddu waxa xafladan loo qabtay fannaanada Maryan Mursal oo dhawaan booqasho ku timi caasimadda Hargeysa, iyada oo xafladaasi socotay ilaa saqdii dhexe ee xalay.

Xaflada lagu qabtay madaxtooyada oo ku soo beegan tahay xuska 1-da July oo ahayd maalintii madoobayd ee Somaliland bilaa shuruuda kula midoowday Somaliyadii Talyaanigu guumasan jiray, ayaa dad badan waxay ku beertay shaki fara badan, iyada oo la isweydiiyey sababta madaxtooyada loogu qabtay xaflad lagu beegay maalintii dadweynaha reer Somaliland xooreen xoriyadii ay 26 June 1960 ka qaateen boqortooyadii Ingiriiska.

Waxaanu qofkasta oo xalay hormaray xarunta madaxtooyadu u qaatay xaflada meesha ka socotaa ay tahay mid loogu dabaal dehayo 1-da July, maadaama aanay cidina ka war hayn ujeedada laga leeyahay xaflada heesaha badan laga qaaday ee meesha ka socoto, isla markaana aan sida caadiga dadweynuhu u baran xaflado lagu qabto xarunta madaxtooyada, marka laga reebo maalmaha qaranimada Somaliland laga xuso.

Wargeyska Jamhuuriya.
Name : Manexe
Subject : Re :daawo xafladii xalay lagu soo dhawaynayay fanaanada mj. marwo maryan mursal
Date : 2009-07-03
Maryan Mursal,

Howl wacan oo kudayasho mudan baad qabatay ee laakin waxaan kuugu latalinlahaa in maadaama ay reerahani Sheikh Isxaaq xiiso badan yihiin oo ay waliba jibo u dheertahay, please and please inta ay goori goor tahay iskaga soo tag. Ha i laawin reerihiina meesha ay hargeysa ka degaan in loo yaqaan XAAFADA DAAMI - ''DAANTA MIDGAHA''. You have achieved your mission, the early you leave ''JIBOLAND'' the better.
Name : Ma-quuste
Subject : Re :daawo xafladii xalay lagu soo dhawaynayay fanaanada mj. marwo maryan mursal
Date : 2009-07-03
kkkk...saaraw soo degeeey..!

Runsheeg,

Dumarka saar ayaa inbadan hayaye
iska daa ....saaraw awooweey soo
degeey..waa laydin siin waxa aad
doonaysaanee iska daayaa....ha..haa.

Maryan Mursal qalad ma laha ee dhaqanka
Shacabka Somaliland ayaa ah shisheeye
u ciyaar,qiimo tirana waddaniyiinta.
Waa arrin dhab ah ee ninkii doonayaw
baadhitaan iyo odoros ku samee!!!

aaaaaaaaaax nacab kalkaaaaaaaaaaaal.

Maxay hooyo iigu bixisay Ma-quuste!

Ma-quuste
Name : Diirad weyne
Subject : Re :daawo xafladii xalay lagu soo dhawaynayay fanaanada mj. marwo maryan mursal
Date : 2009-07-06
dhoongaha Beenabuure la yidhaado ee halkakan ku soo gala Runsheege gabaygan loo tirshay ayaa lagu furidoonaa xafladda xadhig-jarka ee Naadiga Halabuurka Somaliland.

wuxu yidhi
beensheegow halaad tidhi afkuun baa ku hamaansadaye
hawraarta waxa uugu daran middii habaar ka buuxaaye
haybad male dhabiijaha naxligu uu kaalin harameeyaaye
meel bandhiga kolkuu haadku kaco hacoo baan hurine
hillaacii indhaha maray bay hurshadu la hanfariirtaaye
huduuridu sida haween la furaybay arbeeb hinsaastaaye
habow weeye nin hamuuntu qabay ay halis wareentaaye
hummajo taah wuxu wayda guro oo hoojiyo arwaaxdiisa
lungaa ma hijiyee luud uun buu socodka hingallo jiidaaye
hacooguba wuxuu wayda guromeel oo hammadiyo taaha
hingallaysiga luudka jeenyaha naftuu socodka hiifaaye

haasaawe wax bila eebbe ninmuu haybad u siiyaaye
haykalkaa dadnimo ruuxii leh baa qun u haloosiya eh
humbanni jabay iyo sidii jiciir hugufle haylaha jiidaaya
maxaan kaga harraadaa wardiiq hollisba ma lahayne
tuu dhitaystay baa illayn dhowaan ilaah hor keenaaye
ma hakado jeeruu doobirta kabjalo afxumo waw halise

[ Reply ]



Name : Haiban
Subject : Re : daawo xafladii xalay lagu soo dhawaynayay fanaanada mj. marwo maryan mursal
Date : 2009-07-03
Waa salaamantihiin dhamaantiin:

Dumar somaliyeed oo isa soo dhaweeyay waxba ka soo saarimayno xumaanti ka sheegna afkaba ha soo marin,maxaan ugu miyi haddii ay ku farxayaan Xaawiyo Faadimadoodi ay waligoodba samaysan jireen saloolkuna u dheeraa,ALLOW yaa uurkiina baadha maxaa salool is-dul raseysan loogu tagilahaa, maantana waxbaa laga sheegayaa,waa sharafti reer somaliland dadkale dheeryihiin markay timaado sida loo qabto qofka qariibka ah,waana wax lagu faani-karo soo dhaweynta sidaa u fiican.

Manexe,magacaaga ayaa warku ku dhanyahay oo halkaa kuu dhaafimayno ee halkaad kala hadashay Maryan Mursal,ee xaafada Daami waxay tahay ayaan garaneynin,Daami waa carada xoolo cunaan oo ku talaa meeshaa lana yidhaahda CARA DAAMI ee maaha xaafad midgood,dadka asalka u ah Hargeysa ayuunbaa ka markhaati-furi-karaaya ee aqoon uruursiga ku darso.

Mj.Ma-quuste,waar roobkii miyuu inaga qaaday mise wali wuu ina hayaa,waxaanu ku dhawaanay dhego-barjow,cidaanu u ciirsanana waanu weynay ee bal xagiina ka soo waran iyo sidaa ku barideen, beelihi siday yiin,ma barwaaqu joogta,iyo wada badhaadhi.

Takale,xageed nagu wadaa ee aad noo tukhaantukhineysaa.

Dhaqakankayga suubanee,marti Soo dhaweyska ah,Dhigiyo lafaha xulay,Diintu dhiirineysee,dhinac aakhirow wacan,ee laysku dhaafee,EEBE loogu dhawaadaa,ma wax loo dhigaa jirah,hadalkuu ma ku dhacay.


Wassalaam.

Haiban.

Name : Ma-quuste
Subject : Re :daawo xafladii xalay lagu soo dhawaynayay fanaanada mj. marwo maryan mursal
Date : 2009-07-04
KKKKKkk....Dhaqan marti soor....sharaf...!

Mj.Halyeey Haiban,

Dhaqan iyo dhiigaaga xulay waa marti soor
sharaf uu raggu gogosha dhigi jiray!
Dumarkuna dheriga iyo dhadhamada dhiigooda
xulay laf dhabar ahaan jiray!

Faraskayga daabad maanta wu dhutinayaa..
madaxiina minjaa loo rogay...dhibic biyaa
dhulka lagama helo roobkuna wuu da´ay..!

Dhirtuna way magooshay haddana doog
ma jiro,xoolahu waa hayaan,hirkaa soo
muuqdana habeen lagu gaadhi waa....
Daabadaw maxaa talo ah...ciin ayay
daaqdaye!!!!

Halyeey,Mj.Haiban,xaggan gebi..xaggan gebi
guntu walac...!

Maxay hooyo iigu bixisay Ma-quuste!

Ma-quuste
Name : Haiban
Subject : Re :daawo xafladii xalay lagu soo dhawaynayay fanaanada mj. marwo maryan mursal
Date : 2009-07-05
Waa salaamantihiin dhamaantiin:


Dadku waxay isku af-gartaan amba ay go’aansadaan ayuunba fiican iney dhaqan galiyaan ha xumaanto amba ha samaata’e.Dad laga waayay dhaqan wanaagsan oo lagu bartayna waa wax EEBE laga magan-galaa,wax walbana inloo fiirsadaa ma fiicna waxa xumaanti kuu hor-kacayan lamaba eegto ee si dhakhso ku dheehanbaa looga hortagaa oo loo cidhib jaraa.Umad meel kuwada noolina waa inuu is-af-garad ka dhaxeeyaa oo aan laysku mutuxin markaa wax laysu sheegayo. waana halkii Mj.Ducaale II maahmaah somalilandaraa tidhaahda(Si-xun wax u sheeg sixir ka daran),qofka wanaagsan uunbaa ka hela waxa wanaagsan ee uu arko amba maqlo,ka xumina dee waxa xunuubuu ka helaa faafiyaana.Halkay u dhimatay aan u dhaadhaco,waana halkii Mj.Ducaale II maahmaah somalilandaraa tidhaahda(Awliyo ALLA wey is-af-taqaanaa).

Guracuu godbuu kugu ridaa iyo,goofaf dhaadheere.
Garashaduna waa qayb ILAAH,geesi Ma-quustow’e
Go’aan oday gartaan eexanayn,abidba loo guuxo
Gogol sharaflehoo gaaridii dhigtaa,lagu gorfeeyaa
Geed hadhaca gadhcadhaadigiyo,qaawe waa qurux.


Mj.Ma-quuste,xaradayadu waa wada uloo ul la qaato male….!


Wassalaam.

Haiban.
Name : Ma-quuste
Subject : Re :daawo xafladii xalay lagu soo dhawaynayay fanaanada mj. marwo maryan mursal
Date : 2009-07-05
kkkk..Daabadaw dhawaaq mujaahid ayaa baxaaya
ee ma maqlaysaa...?

Hawadaa siddee hagaag u dhegayso,
Higti-iyo madfacii dadku heehaabay,
hobollo-iyo Marwooyin intuu haadaan ku dhacay,
Heedhe maqal anigu hilmaan waan ka haajiraye.

Halgan-kaan galay intii halyeey loo laayay,
Habaas,gaajo iyo harraad waxaan hinjiyoon luudo,
Halaq-iyo abeeso waxaan hore u sii jiidho,
Hirigta dhirta-iyo qodku waxay hilbo iga gooyeen,
Hashii maandeeq markaan helay een dooshay,
Halaqle mas-iyo waxaa jaqay hadhaagii afweynee,
Heedhe maqal anigu hilmaan waan ka haajiraye.

Himilada qaran-iyo horumarkaan huti leeyahaye,
Hoos uma dayo wiilkaan hobaalayda aqoone,
Hiil kuma raaco hadii xaq-darro loo hadoodile´,
Hogaanka inay dumar qabtaan ilaah waa dayriyaye,
Adiguna hees wal-waaleed ayaad sacab ku horaysaaye,
Hab-ka dhaqan ee dumar hooyga laga saaro,
hogaanka loo dhibay ee aad ugu hibaynayso,
Waa habaabin-iyo taan hore u diidaye,
Heedhe maqal anigu hilmaan waan ka haajiraye.

Sxb-kayga qaayaha badanaw Mj.Haiban dheeshu
waa weli,dhaqankeenu waa muslin.

Maxay hooyo iigu bixisay Ma-quuste!

Ma-quuste
Name : Asiya G
Subject : Re :daawo xafladii xalay lagu soo dhawaynayay fanaanada mj. marwo maryan mursal
Date : 2009-07-05
Horta waa Alle mahadi mar hadii xoriyad mel waliba lagu marayo. Women are celebrating on their own term and time, iyaadon la qashqashaadayn...

Ninka ma quuste siita, let me tell you one thing, women are part of this nation. There is no single woman who is celebrating for herself, meshu waxa kaa socotey soo dhoweyn eey dowlaadu ku casuntey maryan, and you know why?

Balse aniga waxa la yaabanahay dumarkeena waxa ka wada dhigey over weight, and it really bothers me.

Waa Bilaahi Towfiq.

Asiya G.
Name : Yussuph Ghedi
Subject : Re :daawo xafladii xalay lagu soo dhawaynayay fanaanada mj. marwo maryan mursal
Date : 2009-07-06
WOOOOW, M. Asia G.

Don`t confuse ab`t that, I tell you why most of the girls at home are XXXL King size of bulky fatty shape. In Africa there is no permanent Dr. no health check ups, no diet control, no body trim and exercises plus pouring more concentrated ghee from the sheep into almost every dish, Nowadays they eat more Halwa Hilaal sweeties and other delicious cookies, icecreams, and so fotrh.

I guess you are very slim like the cat walk girls, well that`s beutif`l. I too love models like you.

yours
true admirer

[ Reply ]


Pages : [ daawo xafladii xalay lagu soo dhawaynayay fanaanada mj. marwo maryan mursal 1 ]