|
 |
Main |
 |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
 |
BBC Somali |
 |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi |
|
|
|
|
|
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed. |
 |
|
|
|
|
Proudly Somalilander |
 |
|
|
|
|
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde. |
  |
|
|
|  |
wasiirka qoyska arrimaha bulshada jsl.
|
wasiirka qoyska arrimaha bulshada jsl. |
 |
|
 Waxaa xalay salaasadii bishan July 1, 2009 ka dhacday magaalada Ottawa ee Canada xafladd balaadhan oo ay soo qaban qaabisay Jaaliyadda gaar ahaan ururka haweenka Ottawa ee Somaliland. Xafaladdan oo ahayd mid si gaar ah loo soo agaasimay.
Xafladii Soo dhoweynta Wasiirka Qoyska Iyo Arrimaha Bulshada Somaliland ee Ka Dhacday Ottawa Waxaa xalay salaasadii bishan July 1, 2009 ka dhacday magaalada Ottawa ee Canada xafladd balaadhan oo ay soo qaban qaabisay Jaaliyadda gaar ahaan ururka haweenka Ottawa ee Somaliland.
Xafaladdan oo ahayd mid si gaar ah loo soo agaasimay, waxaa lagu sharfay laguna soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Marwo Fadumo Sudi Hassan. Xafladdan oo dumarku si gaar ah u soo qabanqaabiyeen waxaa wasiirka loogu soo dhaweeyey jawi ay ka muuqato rayn rayn iyo farxad taa soo ay u muujiyeen jaaliyaddu wasiirkooda keliya eek u jira Xukuumadda Somaliland.
Waxaa Marwo Fadumo Sudi ay halkaa kala dardaarantay dhamaan dadkii ka soo qayb galay, iyadoo ku baraarujisay inay marwalba ay ka mid noqdaan ka qaybgalka horumarka waddankeena. Waxay si kooban u dulmartay doorka weyn ee laga doonayo inuu dumarka ka ciyaaro ka mid noqoshada siyaasadda waddanka; waayo bay tidhi waxay dumarku yihiin kuwa keliya ee maanta dhaqaalaha, siyaasadda, iyo deganaanta waddanka qayb weyn kaga jira.
Ugu dambeyntii Marwo Fadumo Sudi waxay si gaar ah ugu mahadnaqday dhamaan dadkii ka soo qaybgalay, iyo jaaliyadda qabanqaabadeed lahayd. Waxaa Wasiirka ka muuqatay farxad taas oo mutaysteen mudnaanteeda walaalheeda ku soo dhaweeyey qalbi furan, sacabbo furan, iyo salaam kal iyo laab leh.
Waxaa qudbadii Marwada ka dib halkaa ka bilaabantay casho, iyo maaweelo isugu jirto heeso lagu xusayey dhismaha Somaliland, iyo heeso kaloo ay muhatay laabta dadkii madasha isugu yimid. Waxaan idin soo gudbin doonaa Sawiraddii xafladda goor dhow. http://www.slide.com/r/gJ9Sh_Rcgz-Nmg-QmQd0KFTuJWIMIceK xasan Xayd
Aamina Said
Saskatoon, Canada Safka-hore JSL.
|
|
|
Posted on Wednesday, July 01 @ 17:51:40 DAVT by editor |
|
|
|
|
Name : Aqoonyahan Subject : Re : wasiirka qoyska arrimaha bulshada jsl. Date : 2009-07-01
|
In dhaqanka reer Somaliland ee maanta iyo beryihi hore kala duwanyahay waxa aad ka garan karta shirarkan xad dhaafka ah ee qurbajoogu qabanayaan een waxba tareyn, waxa keliya ee shirarkaas ujeedadoodu tahay \"aynu isu nimaadno anaga oo dhar quruxbadan gashan, balse hadal mooyaane wax la taaban karo yaynan qaban\".
Awoowayaasheen may hadal badnayn laakin marka ay hadli jireen ficil baa ka dambeyn jirey.
Dhaqanxumadan Somaliland dadkeeda ku sii fideysa waxa qeyb ka qaatay geedka qaadka la yidhaahdo iyo qaad cunayaasha wax matarayaasha ah, waxa loo baahan yahay in Somaliland yeelato madaxweyne iyo barlamaan goaano adag qaadan karta, qaadka waa in la mamnuuca, sigaarka waa in la mamnuuca, xita sodaha ilkaha xumeeya waa in la mamnuuca, sidaas baa dad iyo dal adag ku noqonayna. Daawashada Tv-ga waa in laga mamnuuca Somaliland, qofki aan shaqo haysan waa inu bilaash maalin kasta afar saacadood qaranka uu shaqeeya, cunto mooyaane wax kale lama siinayo(food for work), shaqada qofkaasi qabano waa kolba meesha looga baahdo qaran ahaan, hadi ay noqoto dhir beeris, nadiifin magaalo, iyago miyaga loo diro si ay reer miyaga uu baraan akhriska iyo qorista, ceelal qodis, beero ka shaqeyn iwm.
Anago ah ummad boqol sano ka dambeeya dalalka Asia iyo reer Galbeedka uma dhaqami karno sidooda ileen wey inaga horeeyaan ee, waa inaynu anagu helna qaab nololeed aynu horumar degdeg ah oo aynu dalalkaas ku gaadhi karno si aynu ula awood noqono taas oo ay ugu horeyso in cunto iyo cabitaan wanaagsan dadku calooshooda geliyaan si ay maskax ahaan iyo jidh ahaan caafimaad qaban oo energy badan helaan, bal Kuuriyada Waqooyi eeg awoodooda iyado cunoqabateyn dhinac walba leh la saarey oo aanay xita laba dal xidhiidh dhaqaale la lahayn, hadana waa kuwaas maraya in samada ay uu diraan satellite oo halka ay somaliland nin mareykan hadalkiisa ka cabaadeyso mareykan oo dhan ka cabaadayaan dalkaas yar ee kuuriyada waqooyi oo ay uu wax kasta oo ay sameeyaan joojin kari waayeen horumarkeeda.
Balse xukuumadan Riyaale hadi ay mooday in baryo, calaacal, iyo difaac-ku-jir horumar degdeg ah ku gaadhayso waa wax aan jirin baan leeyahay.
Ummad 70% qaad cunto, 40% sigaar cabo, 90% shaqo laayihiin, waa maxay baryada iyo calacalka ay aduunka kula dhexwareegeyso, sow ma muuqato in wax badan oo aynu anagu gudaheena ka hagaajin karto jirto inta aynu baryo uun ku jirayno, waa dhaqan aad uu xun baryadu, Illahay baa la barya, Riyaale iyo Yaasin ha ina dhaafan, horumar wey keeneen laakin suaasha meesha taala waxa weeye \" hadi ay shan iyo toban sano Udub ku qaadatey inay dab demis dalka keenan inta bay ku qaadanayso inay Somaliland satellite ay leedahay cirka uu diraan? \"
Riyaale iyo Yaasin ma aha laba nin oo fahamsan sida aduunku uu shaqeeyo, marka ha ina dhaafaan, waana ku mahadsanyihiin waxa ay qabteen ila iyo haatan balse dee caqli ahaan iyo aqoon ahaan qaranka meel intan dhaafsiisan ma gaadhsiin karaan baan qaba ee ha baneeyaan dadkuna yaanay uu codeynin Udub mar dambe. Illah baan idin ku dhaarte in Jabuuti ictraaf loo doonto miyaanay ceeb ahayn, waar Somaliland aan anigu sanad maamulo waxa aad arki doontan halka aan gaadhsiiyo, cumar Gheele oo Hargeysa uu baryo taga baad arki doontaan.
Somaliland ka dal weyn Jabuuti, ka dad badan Jabuuti, ka qurbajoog badan Jabuuti, ka kheyraad badan Jabuuti, ka aqoonyahan badan Jabuuti, ka xoolo badan Jabuuti, hadaba maxa keenay in aanu Jabuuti ictraaf ka raadino? Ma aniga uun ba arka in meesha wax si ka yihiin?
Riyaale iyo Yaasin iyo Udub codkiina ha siinina mar dambe hadi aad doonaysaan dalkiina oo meel gaadha.
Name : Hasan A/rahman Subject : Re :wasiirka qoyska arrimaha bulshada jsl. Date : 2009-07-01 Waxaan jeclay inaan yara xusuusiyo ninkan badda iska dhex jibaaxay in xafladahan dadku ku qabto qurbaha ay tahay waxyaabaha keliya ee ummaddan isu keena. Waxay leedahay oo ay bartaa dadkeena wax wada qabsiga, wada tashiga, isu soo dhowaanta, iyo midnimada reer Somaliland.
Walaalkayga xanuunsanayoow Maqaalkan kore waxaa uu leeyayhay waxaanu xaflad ku soo dhoweeynay (dumarka) wasiirkayaga qudha ee xukuumadda S/land ku jira, ee kamay waramin RIYAALE iyo Ina YAASIIN, IYO XUKUUMADDA midna. Saaxiib siyaasadda khaldan ee indhaha la' iska baro meeshu waa goob xafladeed oo soo dhaweeynteeda leh. | Name : Ma-quuste Subject : Re :wasiirka qoyska arrimaha bulshada jsl. Date : 2009-07-02 KKKKKKKK...Waxii laga xishoon jiray
ayaa lagu xarragoodaa...!!!
Qodobka "Qaadka" yuun baan ku noqonayaa.
1992/3 ayaa ka hadalkiisu soo baxay.Waxaana
keenay markii U.S.A lagu jebiyay Xamar.
Waxa uu ahaa mashruuc dhaqaale badan ay
maraykanku geliyeen!!! Waxana la adeegsaday
3wadaad ku sheeg ah oo ka soo jeeday buqland,
kuna kala noolaa maraykan iyo canada.
Taa weli ma hubsatada "Somali" si dadban
ayay mashruucii gacmaha ugula jiraan!
Balse waan kugu raacsanahay in la MAMNUUCO.
Waxase ayaan darro ah dhif ayaad arkaysaa
khamrigii,doofaarkii,sinadii,ilaahay sida cadd
qoraanku inoogu iftiimiyay inay xaaraan yihiin
cid soo hadal qaadaysa!!! Maxaa talaw kuwan
u diiday inay ka hadlaan!!!!
Maxay hooyo iigu bixisay Ma-quuste!
Ma-quuste |
|
[ Reply ] |
|
Name : Mr. Halgame Subject : Re : wasiirka qoyska arrimaha bulshada jsl. Date : 2009-07-05
|
Wow, wouldn't you like to hug her!
I think this Minister is very cute! And think she is single, if I am not mistaken!
Victory and Liberty,
Mr. Halgame,
May God bless the people and the State of Somaliland. Amiin.
|
[ Reply ] |
|
|